Rag hubaysan ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa ardayda wax kabarata iskuulada magaalada.
Wararka waxaa ay sheegayaan in rag ku hubaysan Bastoolado ay toogteen wiilkan dhalinyarada ah xili uu marayay gudaha magaalada.
Lama oga sababta ay ragaas udileen wiilkan dhalinyarada ah, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday kooxdaas oo sidoo kale aan la ogayn waxa ay ahaayeen.
Saraakiil katirsan kuwa amaanka magaalada Baydhbao ayaa WARQAAD.COM usheegay in kooxaha dilka ka danbeeyay ay ahaayeen Shabaab.
Hase ahaatee Al-Shabaab wax war ah kama soo bixin oo ku aadan dilka wiilkan dhalinyarada ah xalay loogu gaystay gudaha magaalada Baydhabo.
Falalka amana xumada ah ayaa xiliyda qaar ku badan magaalada Baydhabo, iyadoona dilalkaas ay umuuqdaan kuwa bartilmaameed.
Ciidamada dowlada ayaa sakaya howlgallo ka wada xaafadaha magaalada Baydhabo kaasoo ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarkaas dilka ah ka danbeeyay.
Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk