Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa inay xilli dhow soo gaaraan saddex baabuur dab-damis oo cusub, kuwaasoo lagula tacaali doono dabka.
Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.Tarsan ayaa sheegay inuu maamulka gobolka Banaadir labo dab damis ka soo iibsadeen shirkad fadhiggeedu tahay magaalada Leicester ee dalka Braitan, taasoo uu sida uu sheegay sicir-dhimis wanaagsan loo sameeyay.
Tarsan ayaa sidoo kale dab-damiska saddexaad waxaa uu sheegay inay u deeqday hay’ad samafal ah, waxaana la soo marsiinayaa Dubai.
Sidoo kale wuxuu sheegay in labada dab-damis ee yaalla dalka Ingiriiska laga soo qaadi doono 19-ka bishan Southampton ,kaddibna la geyn doono Soomaaliya si loo horumariyo diyaargarowga maamulka gobolku ku aaddan la tacaalidda dabka oo caasimada ay aad ugu yar yihiin dab damisku.
Tarsan waxa uu intaas ku daray inay Soomaalida ku nool Birmingham ay bixiyeen qarashka lagu soo qaadayo mid ka mid ah baabuurta, halka midka kale maamulkiisa uu bixinayo qarashka lagu soo qaadayo.
Wuxuu kaloo shaaca ka qaaday inay socdaan qorsheyaal lagu dayactirayo waddada Wadnaha ee gasha suuqa Bakaaraha iyadoo waddadaas lagu rakibi doono nalalka ku shaqeeya cadceedda si awood loogu siiyo suuqa inuu shaqeeyo habeen iyo maalinba.
waw waa arin wanaagsan o farxad ah hor mar weyn waaayo
Tarsanow noloow aabihii dal koow
ASC:
Tarzan wuxuu ahaa dadkii wax ku soo bartay canshuurta somalida, maantana abaalkii loo galay ayuu gudayaa, waxa uu wax u qabanayo waa dalkiisii & dadkiisii…
Marka Maamulka dowlada waa in ay wax weyn ku yeeshaan dhallintii kacaanka, Orphano Xamar, Agoontii Booliiska iyo Militariga somalia, dadkaas waxaan is leeyahay 85% waa ka madax banaan yihiin qabiil.
mahadsanidiin
Orphano Man
Tarsan horti yaa arkay nin gobolka banadir wax uqabta ama haya ad waxkasoqaado ama waxsogado somalida badankeed makalataqan qofka waxgala iyo kaan waxba galin tarsanow daacuflaha warkisa dhag ha udhigin tarikhdaa kuqoriye
Tarsan waa ninka iibsada macawinada logu talagalay dadka tabalesan sido kalena iibsiga kuhayo bacadlaha xamar wene marka dam damis sobiibtay dowlada ingiriiska ama talyaniga wax micna masamaynayso wayo asagaa iibsana markale marka dowlada cusub waxan ka codsanaa inay xilka kaqadan tarsan uma dhiban nin dacad ah
Waxan ka codsanaynaa dhaman dadka ku nolka dalka ingiriiska waxan markale ka codsanaynaa inaysan tarsan wax lacag ah aysan u dhibin wayo tarsan waxu ka shaqeyaa waa iibsiga gargarka logu deqay dadka danyarta ah iyo iibsiga gobaha ay leyahiin dadka ganacsatada somaliyeed gar ahan bacadlaha xamar wene
Kkk tarasan waxa uu qabtey malahan haduu wax qaban lahaa marka uu qurbaha jirey muxuu wax u qawan waayey hadda lacagtan waxaa iska le shacabka somalia waan qasab in wax looga qabto shacabka .