Howlgal balaaran oo ay ciidamada Booliiska Kenya ka fuliyeen xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxay ku soo qabqabteen 15 qof oo laga shakiyay in ay ka danbeeyeen falalka amaan xumada ah ee Islii ka jira.
Howlgalkan oo ka danbeeyay ka dib qaraxii habeenimadii khamiista ka dhacay xaafada section 3 ayaa waxaa ciidamo isugu jira GSU iyo boolis ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah xaafada Islii baaritaano guryaha la isugu galayay.
Sida ay sheegeen Sarakiisha booliska howlgalkan ayaa waxa lagu bartilmaameedsanayay danbiilayaashii fuliyay qaraxaas ka dib markii booliska ay heleen warar sirdoon ah oo sheegaya in dadkii ka danbeeyay qaraxaas ay wali goobta ka dhawyihiin.
Afhayeenka booliiska Kenya Moses Ombati ayaa waxuu sheegay in howgalka Islii looga gol lahaa in lagu bartilmaameedsado dadkii ka danbeeyay qaraxa islii ka dhacay habeenimadii khamiista .
Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxa ka dhacay qaraxyo badan oo qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira geestay.
Dowlada Kenya ayaa waxay inta badan ku eedaysaa in qaraxyadan ay ka danbeeyaan xarakada Alshabab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya .
Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
Waa sax ha laqabqabto eeyda reerxamar ee qaswadayaasha ah