Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Rabshado qasaaro gaystay oo ka dhacay magaalada Hargaysa

Rabshad hubaysa ayaa xalay Fiidkii ka dhacday xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa kadib markii lagu mumay natiijada doorashadii dhacday.

Xaalada ayaa caadi kusoo laabatay  kadib markii ay Ciidamadda Booliisku dadkaas Rasaas ku kala dareeriyeen, iyadoo ay Rabshadaha xaafadaas ka dhacay oo ay sameeyeen Taageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor sameeyeen isla markaana uu socdeen in muddo ah.

Ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ay Rabshadahaasi sameeyeen lama oga, hase yeeshee warar is khilaafsan ayaa sheegaya inay Dhimasho iyo Dhaawacyaba jiraan, kuwaasoo lagu kala sheegayo Cisbitaalada Adna, Gar-gaar iyo kan Guud ee magaalada Hargeysa.

“Lama oga qasaraaha rasmiga ah ee rabshadahan, xiliga oo habeena h darteed, laakiin waxaa naloo sheegay in isbitaalada la geeyay dad waxyeelosoo gaartay” ayuu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka oo Warqaad.com lahadlay.

Dhinaca kale intii ay rabashadu ka socotay magaalada  waxa xaafadaha kale ee Hargeysa qaarkood ka socday dabaal degyo ay Xildhibaanada ku soo baxay Liiska Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo taageerayaashoodu ay ku marayaan qaar ka mid ah jidadka,.

Isku soo duuboo xaaladda Hargeysa ayaa imika degan, walow Ciidamadda Booliisku Heegan culus ugu jiraan sugida Amaanka magaaladda, isla markaana la xiray Meheradihii Suuqa gabi ahaantoodba.

Warqaad.com/Hargaysa Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

One Response to Rabshado qasaaro gaystay oo ka dhacay magaalada Hargaysa

  1. Hargeeso maxaa dhibaatada kuu soo arkay nabad baaba heesataa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII