Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

QORMADA MAANT: Khaled Meshaal oo Booqasho taariikhi ah ku tagaya Gaza, Mareykanka iyo Yurub oo..

Madaxa Siyaasada ururka Xamaas Khaled Meshaal oo isagu dibad joog ka ahaa wadanka Falastiin ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago magalada Qaza ee dhulka Falastiin si uu uga qayb galo sanad guuradii 25 ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ururka Xamaas ee gacanta ku haya magalada Qaza ee dhulka Falastiin.

Mr Meshaal ayaa la kulmaya xubnaha kala duwan dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta iyo dadka dagan magalada Qaza ee dhulka Falastiin kuwaasi oo ay kamid yihiin qoysaskii ay Israel ka dishay ciidamada dagaalyahanka ee magalada Qaza,.

Booqashada Mr Meshaal ayaa imaanaysa kadib markii xabad joojin lakala dhex dhigay Israel iyo dagaal yahanka Falastiin si loo dhameeyo sideed maalmood oo ay duqaymo dowlada Israel dhinac waliba kaga waday magalada Qaza ee dhulka Falastiin taasi oo la sameeyay bishii aanu ka soo gudubnay.

Dagaalyahanka Xamaas ayaa waxay ka arimanayeen magalada Qaza ee dhulka Falastiin tan iyo sanadkii 2007 dii xiligaasi oo ay xurguf siyaasadeed soo kala dhex gashay Madax waynaha maamulka Falastiin Max’uud Cabaas Abuu Masim iyo Raisul wasare Cismaaciil Haniya.

Dowladaha Marakanka, Israel iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna ku sheega ururka Islaamiga ah ee Xamas ee gacanta ku haya Marinka Qaza inay yihiin urur argagaxiso oo ka jira gayiga Falastiin waasida ay hadalka u dhigene.

Wariyayaasha ku sugan wadanka Israel ayaa sheegaya in dowladaha Maraykanka, Midowga Yurub iyo  Israel ay si hoose isha ugu hayaan booqashada Mr Khaalid Meshaal uu ku tagayo marinka Qaza.

Mr Meshaal ayaa ku dhashay sanadkii 1956 deegaanka Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin,isagoo u wareegay wadanka Kuwait waxii ka danbeeyay dagaalkii bariga dhexe sanadkii 1967 dii kadibna uu u soo wareegay wadanka Jordan halkaasi oo uu kaga biiray ururka Xamaas ee haatan gacanta ku haya magalada Qaza iyadoo waqti kooban lagu xiray wadanka Jordan ka hor intii uusan u wareegin wadanka Qadar..

Khaalid Meshaal ayaa lagu wadaa inuu dhinaca wadanka Masar uu ka soo galo magalada Qaza ee dhulka Falastiin iyadoo saraakiisha ku sugan magalada Rafax ay sheegeen in xaaskiisu ay ka soo gudubtay xadka Rafax isla markaasina ay xalay gaartay magalada Qaza.

Afhayeen u hadaly Xamaas oo lagu magacaabo Sami Abuu Zuhri ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray in booqashada ay ahayd mid aan horay loo shaacin sababo la xiriira amaanka Mr Meshaal .

Dibad bax balaaran ayaa larajaynayaa inuu ka dhaco Sabtida barito ah magalada Qaza kaasi oo lagu maamuusayo safarka sadexda maalin qaadanaya ee uu ku joogi doono magalada Qaza ee dhulka Falastiin Mr Meshaal.

Khaalid Meshaal ayaa waxaa loo doortay madaxa siyaasada ee ururka Xamaas sanadkii 2004 tii kadib markii ay dowlada Israel duqayn qaarijin ah ku dishay xiligaasi madaxii arimaha siyaasada u qaabilsanaa ururka Xamaas ee sheekh Axmed Yaasiin.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee dowlada Israel Yigal Palmor ayaa sheegay in dowlada Israel waxba ka oranayn galitaanka Mr Mishaal uu ka soo galayo magalada Qaza dhinaca wadanka Masar.

Mr Palmor ayaa intaasi raaciyay in shaqsiyan uusan Mishaal uga duwanayn saraakiisha kale ee Xamaas sida ay ka soo xigatay wakalada wararka ee Associated Press Mr Palmor isagoo intaasi ku daray in Xamaas tahay Xamaas wax farqi ahna uusan u dhaxayn kuwa ku sugan Qaza iyo Mishaal.

dagaalkii ay Israel ku qaaday marinka Qaza ee soconayay sideeda maalin ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 170 ruux oo Falastiiniyiin ah iyo lix ruux oo Israeliyiiin ah taasi oo ah mid aan in badan isku dhigmin marka la eego tirada dhimashada ee labada dhinac.

Xamaas ayaa lagu wadaa inay Sabtida barito ah u dabaal dagto sanad guuradeedii iyadoo xafladaasina ay qaabab kala duwan uga dhacayso marinka Qaza isla markaasina uu Qaza ka dhici doono dibad baxyo waawayn oo lagu xusayo xuska maalinta la aasaasay Xamaas.

Ururka Xamaas ee gacanta ku haya marinka Qaza ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1987 dii kadib markii ugu horaysay ee uu ka bilowday Falastiin kacdoonkii Intifaada ee looga soo horjeeday dowlada Israel isla markaasina Israel isku dayaysay inay ku kala qaybiso Marinka Qaza iyo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Todobaadkii hore ayaa dowlada Israel waxay shaacisay inay sii wadi doonto dhismaha kumanaan guri cusub ah oo ay ka dhisayso deegaano ku yaala Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Tilaabadaasi ayaa imaanaysa kadib markii Golaha guud ee Qaramada Midoobay cod u qaadeen in Falastiin ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada ka ahayn Golaha guud .

Waxaa Diyaarisay Ubax Sagal C/nuur Cusmaan
Nairobi, Kenya/ Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII