Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qarax Qasaaro gaystay oo ka dhacay Afgooye iyo howlgallo soconaya

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in qarax xoogan halkaas lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa amaanka.

Qaraxaas ayaa ahaa bambo lagu weeraray Ciidamo katirsan dowlada oo kusugnaa gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Warar aynu ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa oo xalay dhacay uu sababay dhaawaca ilaa sedex kamid ah askarta dowlada ee lala eegtay.

Ciidamada amaanka ayaa howlgalo ka sameeyay halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana howlgaladan oo ilaa saakay soconayay lagu soo qabtay ilaa 8 ruux.

Saraakiisha dowlada ee magaalada Afgooye ayaa sheegay in amaanka degmada uu wanaagsan yahay hase ahataee xiliyada qaar ay ka dhacaan falal amaan xumo ah oo ay wadaan Shabaab.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

One Response to Qarax Qasaaro gaystay oo ka dhacay Afgooye iyo howlgallo soconaya

  1. Cabaas says:

    Qaraxa kadhacay Afgooyd waa cibaado

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII