Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Meydka Nin oday ah oo si xun loo dilay ayaa laga helay magaalada Ceel-Buur

Wararka ka imaanaya magaalada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydka Nin oday ah oo si xun loo dilay.

Marxuumkan la dilay ayaa kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee Ceel-Buur sida uu Warqaad.com usheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa jira warar sheegaya in ciidamo katirsan kuwa AL-Shabaab ay toogteen ninkan kadibna ay meydkiisa soo dhigeen xalay gudaha magaalada si ay dadka u arkaan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbaysay dilka Marxuumkan oo aanan wali helin magaciisa, hase ahaatee la xaqiijiyay inuu kamid ahaa odayaasha deegaanka

Al-Shabaab kama aysan hadlin meydkaas lagu arkay gudaha magaalada Ceel-Buur iyo in ay iyagu ka danbeeyeen dilkiisa, hase ahaatee iyaga ayaa diiday in medyka goobya laga qaado.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

3 Responses to Meydka Nin oday ah oo si xun loo dilay ayaa laga helay magaalada Ceel-Buur

  1. abdi hakin says:

    ala idin cadab intay dadka layanby hadana miydkoda urinayan

  2. dooy says:

    Inaalilaahi wainaa ilahay rajaxuun iLahay janadii hageyo marxuunkaa cidiidishayna ma aha inay dhahaan lama xabalayo waa qalat taa wayn nin walbana ilahay hortiisa ayuuu tagayaa dil ama hadilin waxaad ku disheen idinkoo qarinaya cida dishay malinta qayabo ayuu imanayaa cida dishay is qari ama ha is qarin micnahaad u disheen ayaa la inaga rabaa waa iga waano dadka sixun yaan loo dilin hadana daaya meedka aad qabriga u diideen subxanalaah subxanalaah

  3. meeeleye says:

    walalayaal diinteena waaa nasteexo ma’ahan mid xoog ah Qofkii dilow ninkas dulmi kudil ama xaq waa mid adiga kuutalo is qari ama haisqarin waxa kusugeysa Qiyaamo ilahey hortiisana waalagusoo istaajinayaa aduun iyo aqiro kalabadan ee daaa dadkii lahaaa meedka ha xabashaan intaaas ayaaan kugu waanin lahaa waa meed nafta kabaxday hadana hala asturo miyaaa diideee war alle kacabso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII