Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxuu xildhibaanka Kamakunji ka hayay Masjidka sidee ayuuse qaraxa udhacay “War Faah Faahsan”

Caawa Maqribkii ayuu xildhibaanka deegaanka Kamakunji Yuusuf Xasan waxaa uu uu salaada maqrib shacabka Islii kula dukaday masjidka Al-Hidaya oo kamid ah Masaajidyada ugu waa weyn Xaafada Islii oo ay Soomaalidu degan tahay.

Salaada Kadib ayuu xildhibaanka waxaa uu shacabka ujeediyay khudbad uu kaga hadlayay xaalada amaan ee xaafada Islii gaar ahaan qaraxyadii waayadan ka dhacayay.

Waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay qaraxyadaas, iyo falalka kale ee kadhanka ah Soomaalida kaas oo waayadan xaafada kusoo badanayay.

Shacabkii kusugna Masjidka ayaa su’aalo weydiinayay mudanahan oo mar kale doonaya inuu noqdo xildhibaanka barlamaanka Kenya kasoo gala deegaanka.

Ilaa salaadii cisho ayaa la isla soo gaaray iyadoona halkaas uu Mudanahan kula dukaday shacabka Salaadii Cishe, kadibna markii ay dhamaatay salaadii ayuu usoo baxay banaanka.

Waxaa dad goob joogayaal ah ay sheegeen in  Xildhibanka uu isku dayay inuu fuulo garigiisa, hase ahaatee qaraxa loo moodo in bambo gacmeed loo adeegsaday lagu soo tuuray.

Yuusuf Xasan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac la sheegay inuusan ahaydn mid culus, hase ahaatee waxaa ilaaladiisii soo gaaray qasaaso xoogan oo lasheegayo in dhimasho ay ku jirto.

Markii qaraxa uu dhacay kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo katirsan, Waxaan Wariye katirsan Warqaad.com oo gaaray halka qaraxa uu ka dhacay uu soo arkay dad badan oo dhulka yaal dhaawacyana qaba, iyo dhiig badan.

Lama xaqiijin karo ilaa iyo haatan qasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerarkan qaraxa ah ee ka dhacay Xaafada Islii gaar ahaan Masjidka AL-Hidaaya.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

16 Responses to Maxuu xildhibaanka Kamakunji ka hayay Masjidka sidee ayuuse qaraxa udhacay “War Faah Faahsan”

  1. wadani boy says:

    Allahu akbar Allahu akbar Allahu akbar. Allaha u naxaristo intii kunafweyday. inta ku dhawacantayna Allaha cafiyo. Wixii dhibkan geystayna. Allaha so qabto

  2. xukun says:

    aad baan uga xumahay muslimiinta dhibaatadu gaadhay ilahayna cafimad ha ugubadalo aamin

  3. Wanagsane says:

    Ninka kadambeye qaraxa waa nin kasoo jeeda tuulo layiraahdo hawaal barbaare oo kutaala inta udhexeysa qansaxdhere iyo baydhabo wuxuna ahaa jirey taliye ciidan

  4. hassan says:

    inaaa lillahi wa inaa ileyhi rajicuuna war dadkaan qaraxa kawado islii maxey nagarabaan ilaahow nagaqabo gaaladan

  5. abdifatah says:

    ruunti qaraxan waa qarax ku salesan mid siyasad aah, wayo ninkan waa nin xisbiga TNA kamid ah, qaraxaana waxa un ka danbeyo un ODM, allah ha u saqiro mudanaha,

  6. gabobe says:

    Ga wa kan akg.d ajdjt

  7. Walalayal qasaraha ad ayuu ugu badan yahay waxa ila hada garanayo oo gerido gareysa wa ila 3qof marka ina lilahi wa ina ilahayhi rajicun allah u naxaristo sxb keygi qali badana kulu nafsin da iqatul mawd.

  8. aamino says:

    inali lahi waina ileyhi rajucun hadad qarxinesan mad melaha ale loga casinayo qarxisin inta masjidka kutukaty o ale dartis utukanesay ayd qarxisen ilahey hauna xaristo inta dhimatay inta dhawaca ale haka kiciyo insha alah

  9. Manta says:

    Inaa lillahi wainaa ilayhi raajicuun, hadaad musliminta qarxiso inaad bari rabi ku qarxinaayo mo,ogtahay?

  10. tamaam says:

    War adoonta gaalada ayaa wax qarxinayee iska celiya juhalayahay

  11. Wa arin ad u xun in umad inta laeg o muslimin ah kuna sotukadey beydka alle koley maoran karno dambilaha in u yahay qof wanagsan o muslin ah.hata hadi u san muslim aheyn wa fo’ol xumo in dibka lalaso dhonto melaha lagu cabudo.wana dhoqonimo ad u weyn in nin mudane ah muda intas la’eg in u hal gob u khudbad u kusameyo.

  12. Axmed nur says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raagicuun inta ku dhimatay allaha unaxaristo inta ku dhawacantayne allaha caafiyo aamin

  13. allaahu akbar says:

    qaraxan ma aha mid somali geysatay waxaad kuhadleysiin iska fiiriya alshabab aa jiro idinku noqdee kan waxaa geystay kufaarta kenya sababtoo ah yuusuf waa shaqsi wadani soomaaliyeeda qudbadii uu jeediyay waqtigii rabshada uu soomaalida kudifaacayay aana loo heystaa marka somaliyey toos toos toos

  14. Amiir says:

    Qaraxan adonta ka dambeyso waxay uga argudanayan kanisadihi la qarxiyey iyo qaraxyadi kale hala iska dhiciyo

  15. Faroole says:

    Hada xaafada waxaa kasocdo qaban qaabo lagu weerari rabo kpct church kaniisada layiraagdo oo kutaal section one ama shekshoon wan somalia ahaan waa anoo berito iyo wixii dhaco rabo kaniisadaas hadey meesha kusootaalo super power mar danbe yaana naloogu yeerin

  16. Mohamed wali says:

    الشخس الذي إنفجرالمسلمين هو من كفار الكينين لعنةالله علهم

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII