Xoghayihii hore ee guud QM Kofi Anan ayaa ku booriyay dadka dalka Kenya in aysan dooran siyaasiyiin ay soo eedaysay maxkamada dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC-da.
Mr Kofi Anan oo ahaa Sargaalkii ka mira dhaliyay heshiiskii dowlada haatan ee Kenya ayaa inkasto aanu carabaabin Madaxda Kenya ee ay Maxkamada danbiyada dagaalka haysato hadana sheegay in ay tahay in laga feejignaado doorashada Dadka eedeysan.
Ma uusan carabaabin Ra’isal wasaare ku xigeenka Kenya Uhuuru Kenyaata iyo xildhibaanka Waqooyiga Eldoret Wilyam Ruto, hase ahaatee waxaa uu u sheegay BBC-da in soo doorashada hogaamiyaal eedeysan ay dhaawacayso sumcada Kenya ay ku dhex leedahay buslahada caalamka.
Sidoo kale Mr Anan ayaa sheegay in aysan dan ugu jirin dalka Kenya doorashada hogaamiyaal aan awoodi doonin in ay la tacaamulaan caalamka intiisa kale islamarkaana aan u safri karin wadamada qaar maadama ay eedeysanyaal yihiin.
Maxkamada danbiyada dagaalka ICC ee Holland kutaal ayaa waxaa wajahaya 4 shaqi oo Kenyaan ah oo loo heysto eedaymo la xariira kaalintii ay ku lahaayeen rabshadihii doorashadii 2007-dii ee ka dhacday dalkan Kenya kuwaas oo ay ka mid yihiin Ra’isla wasaare ku xigeenka Uhuuru Kenyaata iyo xildhibaanka Waqooyiga Eldoret Wilyam Ruto oo dhawaam samaysatay isbahaysi siyaasadeed si ay doorashada kaga guulaystaan Ra’isul Wasaaraha Kenya Raila Odinga oo kamid ah Musharaxiinta ugu cad cad.
Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk