Habeen kahor ayaa ciidamo katirsan kuwa amaanka magaalada Baydhabo waxaa ay xabsiga dhigeen Sargaal katirsan Hay’ada QM uqaabilsan dhanka beeraha ee FAO.
Hadaba Sababta loo xiray Sargaalkan ayaa noqotay mid ay isweydiiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana kahadlay taliyaha ciidamada booliska qeybta Baydhabo Col Maxamed Cabdi Raxmaan Aadan oo ciidamada la baxay Sargaalkan hogaaminayay.
Taliyaha ayaa sheegay in Sargaalkan katirsan Hay’ada FAO uu xariir la leeyahay Al-Shabaab uuna tageero siin jiray sida uu hadalka udhigay.
Waxaa jira warar sheegaya in maamulka magaalada iyo kuwa gobolka Bay ay isku khilaafsan yihiin xariga sargaalkan Hay’ada QM katirsan.
Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
Wey cadahay al shabab iney QM takuleyso si somali laiskugu dhumiyo
ibraahim beenbaad sheegtey Al-shabaab gaalo mataakuleyso ee ALLAAH baa taakuleeya adiguna beenta iskadaa mujaahidiina afkaada kareebo waakuu dan FB.
Anaga ayey waxa ay rabaan naga dhaadhicinayan qaramada midowe ayaa alshabab ah sheekada waaa qaab qabiile may runta sheegaan
Waxay rabaan lacag waa tuugo maamul cusub in loo sameyo ayaa larabaa waxay kale rabaa in lagu eedayo mas uu linta Qm in lagu eedeyo in lacag laga qaado ayey rabaan tuugo in ayaa la y