Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidamada Booliska oo dad badan usoo qabtay qaraxyo ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa Howlgallo balaaran ka wada xaafadaha degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Suuqa weyn ee bakaaraha.

Qarax xoogan ayaa shalay ka dhacay Suuqa Dahablaha, halka xalay isgoyska Baar-ubax dhanka Suuqa Bakaaraha uu ka dhacay qarax kale, waxaana qaraxyadaas ay gaysteen dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa sheegay in dad badan loo soo qabtay qaraxyadaas ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeeenka ciidamada Booliiska ee suuqa Bakaaraha Gaashaanle Saciis Xasan Jimcaale ayaa sheegay in howlgalkan oo lagu baadi goobayay kooxihii amaank xumadaas ka danbeeyay lagu soo qabtay dhowr qof.

Waxaa uu sheegay in ku dhawaad 12 ruux loo soo qabtay qaraxyadaas ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weeraradii ka dhacay Suuqa Bakaaraha ay waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo ka ganacsanayay Suuqaas.

‘’ Bumkaasi waxaa ku dhaawacmay 13 qofood oo mid kaliya uu ka ahaa wiil inta kalena waxeey ahaayeen haweenka iibiya Dahabka, ciidamaduna waxey markiiba soo qabteen Afar qofood oo sadex ka mid ah loo yaqaano in ay ka tirsanyihiin Shabaab’’ ayuu yiri taliye ku xigeenka rugta booliiska ee Suuuqa Bakaaraha.

 Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII