Kadib mudo badan oo ay dagaalamayeen Eriteria iyo dowlada Itoobiya ayaa hada waxaa muuqata isbadal dhanka nabada ah.
Ra’isal wasaaraha dowlada Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in ay daneynayan in wadahadalo ay la yeeshaan dowlada ay dariska yihiin ee Eritaraya oo sanadkii 200 uu dhexmaray dagaal xuduuda ku salaysan.
Waa Markii ugu horsay oo hogaamiye ka socda Itoobiya uu sheegay in Adis ababa ay wada hadalo la yeelanayso xukuudam Casmara tan iyo markii uu dhamaday dagaalka, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 ,000 oo qof.
“Hadaad i wadaysiyo ma doonaysa in aad aado Casmar ,wadahadalna la yeelato madaxweyne Afwarki, kadib waxaan ku dhihi lahaa “haa” ayuu sheegay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo waraysi siinayay Aljazeera.
Laba wadan ayaa waxaa ay isku haystaan lahaanshiyo deego uu midba midka kale uu sheeganayo in uu leeyahay, iyadoona dagaalo dhexmaray ay qasaaro xooggan gaysteen.
Bishii March ciimada militeriga Itoobiya ayaa weeraray saldhiyo ay leeyihiin ciimada Eriteria taas oo sababtay in la dilo 4 dalxiisayaal ah oo ka dhacay gudah Itoobiya kaas oo xukuumada Adis baba ku eedeysay in ay soo maleegtay xukuumada Casmara.
Dowlada Eritariya ayaa madaxbanaanideeda ka qaaday Itoobiya 1993 kadib mudo 30 sano qaatay, wxaana ilaa xiligaas jiray isku dhacyo badan oo dhexmaray.
Ethiopia iyo Eritrea ayaa sanadahii la soo dhaafay hawada isku marinayay eedeymo iska soo horjeeda, balse siyaasadii dagaalka ku dhisnayd ayaa isbadal laga dareemay kadib marki uu geeriyooday ra’isal wasaarihii hore ee Itoobiya melez zanaawi.
Lama oga waxa ay uga jawaabi doonta xukuumada Casmara hadalkan Itoobiya ka soo yeeray oo ay ku sheegtay in ay daneenayso wadahadalo ay la yeelato dowlada Ertariya.
Warqaad.com/Nairobi Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk