Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo la shaaheeyay qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane  Cabdi Faarax Shirdoon ayaa saaka kulan balaaran la qaatay dadweyne faro badan oo ku qaxweynayey maqaaxi ku taalgudaha Villa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dadkii ku qaxweynayey makhaayadda isagoo kulan is xog waraysi ah la qaatay shacabkii meesha joogay una oggolaaday in ay iska waraystaan xaalka dalku marayo, iyadoo qof kastana uu Ra’iisul Wasaaraha weydiinayey su’aalo uu ula ciil qabay inuu mar uun weyddiiyo madaxda dalka.

Su’aalaha ugu badan oo Ra’iisal Wasaaraha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: Arrimaha amniga, Isbaaroyinka la qaaday iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa maamulka Dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si hufnaani ku jirto uga jawaabay su’aalahaas, waxana uu ku booriyey dadweynaha in ay kalsooni buuxda u muujiyaan dawladda si dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro. Waxana uu R/Wasaaruhu yiri:

“ Waxaa markasta dhibka lala maagan yahay maahan dawladda oo keliya ee waxa dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah. Sidaa daraadeed, waxa loo baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado colaad-oogayaasha, xagjirka iyo danbiilayaasha ku dhex dhuunta shacabka marka ay gaystaan faldanbiyeed. Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku daray intaas in Dawladdu ay ballan qaadayso in ay difaacdo shacabkeeda. Waad u jeeddaan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu   gaaro meeshuu u scoday”. 

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, iyo ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku Xigeen ayaa kormeer ku tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhawaan ciidanka qaranku ka qaadeen Isbaarooyinkii yaalay muddada ka badan 22 sano. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu socod ka soo bilaabay xeradii Maslax isagoona ku tagay Darmooley oo qiyaastii u jirta masaafo dhan 1km, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka ee jooga goobahaas isagoona ku aamanay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dakooda.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

5 Responses to Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo la shaaheeyay qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed

  1. Mohamed A/lahi says:

    Waa arin wanagsan in shacabka lala faristo la waydiyana waxa ay ka aminsanyihin dowlada sido kale waxan ad u so dawaynaya in cidamada qaranka la boqdo niyadana lo dhiso.

  2. mahamed Nur says:

    its good

  3. kismayo boy says:

    masha alah resal wasare dr saacid wadani nimada kugu oga hay nolow cadawgaaga cagta hosteda somalia ha israacdo

  4. muqdisho boy says:

    meel walba ayaan cagta marinayaa oo hala
    Iarko war maahee maxaa hormar wadanka
    Uhaysaa waataa goobihii muqdisho ugu
    Muhiimsanaa burbursan bal maadku dhaqaaqdid
    Dhismayaasha muqdisho kadibna meel meel
    Ubooqatid dadkoo dhan wey kujeclaan lahaayeen lakiin hadda meel eber ah ayaad iska
    Booqaneysaa waxlagu faano ma ahan

  5. raxmo cdy says:

    masha Allah dr sacid nolow wan kugu oga wadani nimada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII