Raysal Wasaaraha DF Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kulan xafiiskiisa Muqdisho kula qaatey Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Andrew Gutti kaasi oo ku saabsanaa amaanka iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.
Ka dib markii uu soo dhamaadey ayaa Raysal wasaare Saacid saxaafada u sheegey in ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa amaanka Muqdisho iyo adkeynta wada shaqeynta u dhaxeysa ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.
‘’Si wanaagsan ayay u socdaan hawlgalada ay wadaan ciidamada DF Somalia iyo AMISOM’’ ayuu yiri Saacid oo mahad u soo jeediyey dalalka Afrikaanka ah ee ciidamadooda u soo direy Somalia.
Dhankiisa ayaa taliyaha Ciidanka AMISOM Gen.Gutti tilmaamay inay markasta taageero la garab taaganyihiin Dowladda Somaliyeed iyo shacabkeeda.
Midowga Afrika ayaa ciidamo ka socda waxay u soo direen Somalia oo joogey tan iyo 2007,waxana badi ay ka socdaan dalalka Uganda ,Burundi ,Kenya iyo Jabouti.
Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:- Warqaad@hotmail.co.uk
Wn u mahad celineyna wadamada africanka o qebka qatay nabad usodabalida somalia
Mahad napooda wuu dhiman yahay maxa yeley howsha lo kenay mugadisho kaliya ma.ahan gobolada kufured dagmoyin badan ayay mamulan shababka sas ay tahay dagmoyinkoda wax cabsi kuma jogan o madxda shab.way lugeynayan melha dawlada iyo amisom madaxdoda waxa daba jogto ku dawad 20 gari iyo 200 o cidan tas akhristiyalow no micneya
Oo maad ka hadshid gabdhaha la so darogeyey e la so fara xumeyey o hada xafadahoda lagu dabibayo hadi adan ka hadlin rag aya ka hadli dona o wuwadin ah adiga haka hadlin waa lagu cyrina sida farmajo farmajo wa nin shacabka jecel asagane ma jecla lkn amisom ma jecla rer mogadisho waxay qben farmajo xasana wu oga lakin waxa diday mahiga adi cml ayey rban o amanayo kaliya an ka hadlaynin dhibatada shacbka bx run sheeg