Wada xaajood Nabadeed oo dhex mara dowlada Jamhuuriyada dimoqraadiga ah ee Congo iyo Mucaaradka M23 ayaa la rajaynayaa inay dhacaan todobaadkan sida ay sheegeen saraakiisha gobolka ee ku howlan dhexdhexaadinta Mucaaradka iyo dowlada Congo.
Saraakiisha gobolka ee iyagu ku howlanaa dhexdhexaadinta Mucaaradka iyo dowlada Congo ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin in wada hadalo toos ah ay dhexmaraan dowlada iyo mucaaradka taasi oo kadanbasay markii ay mucaaradku sabtidii aanu kasoo gudubnay ka baxeen magalada gooma ee bariga wadanka Congo.
Laba sarkaal oo iyagu u dhashay wadanka Uganda kuwaasi oo ka mira dhaliyay wada hadal nabadeed oo dhexmara dowlada iyo mucaaradka M23 ayaa sheegay in labada dhinac laga rajaynayo in kulandoodu ka dhaco todobaadkani caasimada wadanka Uganda ee Kambala.
Saraakiil u hadashay dowlada Congo ayaa sheegay in xubnaha uga qayb galaya wadaxaajoodka ee ka imaanaya dhinaca dowlada Congo ay ku jiraan sharciyaqaano iyo wasiiro ka tirsan dowlada Congo kuwaasi oo iyagana lagu wado inay tagaan todobaadkan magalada Kambala ee caasimada wadanka Uganda halkaasi oo ah goobta lagu wado inay wada hadalkaasi ka dhacaan.
Afhayeenka Mucaaradka Congo ee M23 Amani Kabasha ayaa xaqiijiyay inay iyaguna dhankooda sugayaan xiliga ay ugu yeeraan hogaamiyayaasha gobolka kulanka ka dhici doona magalada Kambaala ee dalka Uganda kaasi oo dhexdhexaadintiisa ay wado dowlada Uganda.
Sideedii bilood ee ugu danbayay oo ay dagaalo kawadeen mucaaradka M23 bariga wadanka Congo ayaa waxay ku doonayeen sidii ay dowlada Madaxwayne Joseph Kabila meesha uga saari lahaayeen iyadoo dagaalkaasi markiidanbena uu sare u qaaday qatarta xaalada aadanimo iyo in wadamada daris ka laha wadanka Congo lagu sheego inay yihiin wadamo hubaynaya mucaaradka dalkaasi.
Wada xaajoodyada lagu wado inay ka dhacaan wadanka Uganda ee la doonayo in lagu soo afjaro colaada u dhaxaysa dowlada iyo mucaaradka wadanka Congo ayaa la rajaynayaa inay ka soo qayb galaan saraakiil ka socota dowlada Rwanda sida ay shir Jaraa’id ku xaqiijisay wasiirada arimaha dibada ee dowlada Rwanda Louise Mushikiwabo xili ay shalay ku sugnayd magalada Kigali ee caasimada wadanka Rwanda.
Ms Louise ayaa intaasi ku dartay in wada xaajoodka socda haatan ee u dhaxeeya dowlada Congo iyo Mucaaradka M23 la doonayo inay dhacaan maalmaha soo socda .
Dowlada Ruwanda ayaa la sheegay inay taariiq ahaan ku lugleedahay dagaalka ka socda dalka Congo ee u dhaxeeya dowlada iyo Mucaradka M23 isla markaasina ay door ka ciyaartay sii jiritaanka dagaalkaasi inkastoo Madax waynaha wadanka Rwanda Poul Kagame uu ku celiyay mar kale inaysan dowladiisu ku lug lahayn dagaaladii iyo rabshadahii ugu danbeeyay ee ka dhacay wadanka Congo.
Madaxwayne Kigame ayaa ku eedeeyay dowlada dimoqraadiga ee Congo iyo wadamada awooda dunida ku leh inay raadinayaan inay ka meermeeraan xaqiijinta warar la bun buuniyay oo sheegayay inay dowladiisu ku lug lahayd dagalada lagula jiro dowlada Congo isla markaasina ay ku guul daraysteen aritnaasi.
dowlada Rwanda ayaa haatan u muuqata mid ka qayb qaadanaysa dadaalada ay wadaan hogaamiyayaasha gobolka ee lagu doonayo in lagu soo afjaro rabshadaha ka taagan bariga wadanka Congo .
ku dhawaad labaatankii sano ee ugu danbeeyay ayaa dadka ku dhaqan bariga wadanka Congo ee xadka ah waxay la dhibaatoonayeen dagaalada isirka ah ee dhinaca siyaasada ku qotoma ee u dhaxeeya dowlada iyo mucaaradka Congo kuwaasi oo si wayna saamayn ugu yeeshay gobolka waxsoosaarka shidaalka leh ee Kivu.
Su,aashuse waxay tahay maka soo baxi karaan wada xaajoodka todobaadkani loo balan sanyahay qorshe wax ku ool ah oo lagu soo afjarayo rabshadaha iyo dagaalada ka socda bariga wadanka Congo ee u dhaxeeya dowlada Jamhuuriayda dimoqraadiga ee Congo iyo Mucaaradka M23 kuwaasi oo ku dhawaad 500,000 oo ruux ay ku barakaceen kumanaan kalena ay ku dhinteen.?
Ubax C/Nuur Cismaan “Ubaxsagal”
Warqaad.com/Nairobi Office
Email: Ubaxsagal@hotmail.com