Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in Rag Hubaysan ay weerar ku dilen sedex ruux oo isku qoys ah.
Ragana hubaysan ayaa guryahooda usoo galay qoys deganaa Bacaadweyn, kadibna toogasho kudilay meydkoodana isaga tagay.
Dad kusugan halka falkaas uu ka dhacay ayaa sheegay in weerarkaas uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo udhaxeeyo beelo wada dega gobolka Mudug.
Ragii falka dilka ah gaystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan dhiilooyin colaadeed oo ka taagan Bacaadweyn.
Gobollada Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dagaallo ku salaysan qabiil, iyadoona dagaalkii ugu qasaaraha badnaa uu ka dhacay deegaano ku dhow magaalada Ceel-Buur.
Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
Ha la joojiyo dilalka qabyaaladda ku dhisan,hana ogaadeen waqtiga la marayo in laga gudbay in laysku soo noqdo,saa darteed waa in laga fiirsadaa falalka oo kale. Tan kale waxaan idin leeyahay ha laga maseero gobalda deriskina ah oo horumarka ku tallabsanaaya haddii kale waxaad ogaataan haddii laydinka tago inaadan gaareen gobalada deriskiina7m
Waa sacad iyo saleeban melna waa duduble iyo saleban wale siyad bare alaha u naxariste wax waa hayey wuxu isku hayey (ka ilaali) iska ilali)kala ilali) hadaba mudug iyo gal gadud wa mesha laga soo malegay waxa ka danbeyey somali land iyo butland dantodana way ka garen hawiye xarane xbadi wali wa wada wad mesha ad ku jojinaysid wan ka war sugayna