Golaha Wasiirada dowlada Soomaliya ayaa maanta yeshay kulankoodii caadiga ahaa kaas oo ay kaga hadleen arimo xasaasi ah.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arimaha amaanka magaalada Muqdisho iyo qodobo kale oo ku adan wax qabadka xukumada.
Arimaha sida aadka ah looga hadlay ayaa waxaa kamid ah In dib loo soo celiyo xoolihii laga dhoofin jiray Dekada magaalada Muqdisho iyo In la mamnuucay dareeska ciidamada dawlada iyo qalabka ciidamada qofkii la arkana isagoo iibinaya tallaabo adag dawlada ay ku hanjabtay inay ka qaadi doonto.