Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Al-Shabaab oo Goordhow Baardheere ku toogtay Nin rayid ahaa iyo Faah Faahin kasoo baxaysa..

Wararka naga soo gaaraya magaallada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Halkaas ay Shabaab ku toogteen Nin rayid ah.

Ciidamo lagu sheegay in ay yihiin kuwa amniyaadka Shabaab ayaa toogtay Alla ha unaxariistee Rooble Maxamed Cali oo kamid ahaa Beeralayda Baardheere.

“Marxuumkan waxaa lagu toogtay deegaanka Helo Shiid oo 15-KM ka baxsan Baardheere, waxaana toogtay ciidamada amniyaadka Shabaab”ayuu sheegay mid kamid ah Odayaasha Baardheere oo magaciisa arimo amaan darteed uqariyay.

Lama oga sababta ay Shabaab udileen Ninkaas beraleyda ah hase ahaatee dad la rumaysan karo ayaa Warqaad.com usheegay inuu jiray muran ku aadanaa amar kasoo baxay Shabaab oo marxuumkan uu diidanaa.

Amarkas ayaa lagu sheegay inuu ahaa inaanan la beeran karin Tubaakada ninkaasna loo dilay fal la xariira arintaas ku aadan beerashada Tubaakada.

Al-Shabaab ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay magaalada Baardheere ku dilay ilaa sedex ruux oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee magaalada.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

11 Responses to Al-Shabaab oo Goordhow Baardheere ku toogtay Nin rayid ahaa iyo Faah Faahin kasoo baxaysa..

  1. DHAGALIBAX says:

    walaahi waa yaab beelwaynta Sade Gedo inta kaleba way xoraysteene maxaa ka hortaagan in ay baardheere iyo buurdhuubo xoreyaan ciidan fabadan iyo waliba dawlado kaabaya ayaa gobolka gedo ka hawl gala hadana waxaan lagaran karin waxa ka danbeeya labadaas dagmo xorayn la.aantooda

  2. قَاتِلُوهُمْ يُعَذِّبْهُمْ اللَّهُ بِأَيْدِيكُمْ وَيُخْزِهِمْ وَيَنْصُرْكُمْ عَلَيْهِمْ وَيَشْفِ صُدُورَ قَوْمٍ مُؤْمِنِينَ

  3. Dhaga libaax b/dhere & b/dhobo ma waxa iskaleh itobia ama keenya ama amiosn waxa joga b/dhere carrurte ku dhashay tankale qofkii diinta ka horyimaado waa shabab cadawgiisaa waxba yaan warka la.iska dhameen

  4. horyaal says:

    Al shabaab way ku saxan yihiin ninkaas ay dileen

    • wiil gedo says:

      nacas badanaa dadkaan war midkaadan leh waykusaxanyihii dilka qof islama logeystay sxb noo sheeg tubako haduu beertay maa lawaaniyo maa laga burburiyo mise waxaa fudud tubakada iyo dhiiga. tubakada noo sheeg ninka wuxuu sameeyey iyo waxa shbb ay sameeyen allah agtiisa keebaa kufudud????!

  5. Turkish says:

    Wa yaab al shabab ninki tubako berta murtad miya

  6. Osama says:

    Ruuxii fidneeyo dadka mslmka ah ama ku,dhaqdo shay xaaraan ah waxa la,marin waxay diinta kaqabto

  7. Muhsin bin cabdullahi says:

    Asc.ninki tobako ku beeraayo dhulkena wuxu mudan yahay in la gubo dil warkisabda ninki sixir ku halagaya umadena wuxu mudanyahay gowrac togasho warked da ninki dalkena u soo hogaminaya gaal wuxu mudan yahay dilnaxarisdaro ah

  8. cabdiwali says:

    xoolo aya tahy b.dhere iyo buurdhuubo waxa joogo dhalintii lagu dhalay oo laguna barbarshey diinta e ma waxad u moday kalay igu soo carar tita haday ayeyda imado bardheere iyo buurdhuubo islama lagama xuren karo mida kale maxa ku xanbaray in.uu beero tubako waba laga rebay o loga digay dhulka mu ku beero waan fasahad laheen yaab

  9. Dhagalibaax xoolo xoolo dhaley sade maxey waxkasaari karaan mida kale sade dhulka ma ayagaale adeer gedo waa koonfar galneed wixii hore majiraan dalka dadkiisaa jooga wixii waxkaqaba ha aadeen buurihii ay ka yimaadeen

  10. wiil gedo says:

    dhilaa kudhashay ama eelay iska soodhig ama ilkadheer lahoow sxb gedo waa gedo waa dhul mareexan ciyaalkan cabsan ee konkista laga keeno afghanistaan sanka loosaaray dhawaan waaba lawyn waa hubaal mis aan bireyno iyo mid aan baas kukarkarino yaa lagadhigayaa @raxanweyn sxb adiga ogow ninkasta kuu ahaa unbuu ahaan raxanweyn gedo tuugsi ayaan oga ogolnahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII