Doorashadda deegaanada Somaliland ee Arbacadii toddobaadkii hore dhacday ayaa waxaa Musharixiinta ka qayb-galay ka mid ahaa 8 Wariye, kuwaasi oo ka kala sharaxnaa ururadda iyo axsaabta siyaasadda.
8-da Wariye ee ka qayb-galay tartanka doorashadda deegaanka Somaliland waxaa lix ka mid ahi ka sharaxnaayeen degmadda Borama ee xarunta Gobolka Awdal, waxayna ka sharaxnaayeen ururadda Umadda, Xaqsoor, Rays Iyo xisbiga Kulmiye, halka labada Suxufi ee kale midkood Ka sharaxnaa Ceerigaabo, ka siddeedaadna Hargeysa.
Wariyayaashan oo ahaa kuwii ugu horeeyay taariikhda ee inta ay Mihnadooda joojiyaan u tartamaya golaha deegaanka, ayaa 5 ka mid ahi doorashadaasi kala taggeen faro maran, waxayna ku guul dareysteen inay ku soo baxaan doorashadda deegaanka ee ay xirfadoodii Wariyenimo uga taggeen.
Wariyayaashan doorashadda ku haray waxa ka mid ah:
1. Cali Aareeye (Umadda)
2. Daahir Axmed Jirde (Umadda)
3. Sucaad (Kulmiye)
4. Cumar Bashiir (Kulmiye)
5. Mustafe Saajin (Xaqsoor)
Doorashaddan, waxa kale oo ku hadhay Wariye Darwiish oo Magaaladda Ceerigaabo uga sharaxnaa urur siyaasadeedka Umadda, iyadda oo Magaaladda Hargeysana uu ka sharaxan yahay Wariye Maxamed Axmed Jaamac (Calloolay) oo u ka sharaxan ururka Dalsan, kaasi oo aan wali natiijadiisa la sheegin, balse aynu u wadda joogi doono.
Doorashaddan ayaa waxa guul kala tagay isla-markaana ku soo baxay Wariye Xasan Axmed Caynaan (Jacayl) oo degmadda Borama uga sharaxnaa ururka Rays.
Warqaad.com/Hargaysa Office