Ururka Sahal waxuu dadwaynaha Soomaaliyeed halkaan ugu soo bandhigayaa xaalada ay marayso wadanka Soomaaliya waxayna warbixintan kooban ka hadlaysaa meesha ay marayso Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma, is badal ku yimid isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo heerka uu maraayo maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka.
1. Xaalada Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma
Ururka Sahal waxuu soo dhowaynayaa sidii sharafta lahayd ee dawlada Ras’iisal Wasaare Saacid iyo xubno ka mid ah Baarlamaanka ay fariin culus uga soo saareen xaalada Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma. Sidoo kale, waxaan ummadda Soomaaliyed la socodsiinaynaa in dhowaan iyana la kireeyey Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee New York/UN.
Waxaan xukuumada Ras’iisal Wasaare Saacid uga mahadcelinaynaa go’aaminta in xaalada Safaaradaha Rooma iyo New York ay u dirto wafti heer Wasiiro ah kuwaasoo looga fadhiyo inay wax ka qabtaan waxyaalaha uu ku kacay safiirka dowladda u fadhiya dalalka Talyaaniga & Biljamka Nuur Cadde kaasoo ku takri-falay hantidii Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale, ururka Sahal waxuu u mahadcelinaynaa Wasaarada Arimaha Dibada ee Talyaaniga oo Nuurcade u yeertay si ay su’aalo uga waydiiso sababta Safaarada Soomaaliyeed ee Rooma looga kireeyay Shirkad Jirka Dumarka ka Ganacsata.
Dhinaca kale, ururka Sahal waxuu si wayn ugu mahadcelinayaa Jaaliyeed Soomaaliyeed ee waddanka Talyaaniga kuwasoo muujiyey muwaadinimo iyo geesinimo ay ku difaacayaan hantida iyo dhismaha Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma. Sidoo kale, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibedda ku nool waxaan ka codsanaynaa inay ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed isla markaasna ay ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed. Ugu danbayntii waxaan ka codsanaynaa xukuumada Ras’iisal Wasaare Saacid, Baarlamaanka Jamhuuriyada dawlada Fadaraalka inay soo celiyaan hantidii Qaranka ee la bililiqeystay, gaar ahaan safaaradaha Rooma iyo New York.
2. Qaadista isbaarooyinkii magaalada Muqdisho iyo samaynta ciidamo beeleed
Ururka Sahal waxuu soo dhowaynayaa qaadistii isbaarooyinka dhowaan laga fuliyey magaalada Muqdisho. Hase yeeshee, ururka Sahal waxuu si buuxda uga soo horjeedaa go’aankii madaxwaynaha iyo wasiirka Arimaha Gudaha ee ahaa in saldhigyada Booliiska magaalada Muqdisho laga badalo ciidamadii Booliiska Soomaaliyeed ee dhowaan la soo tababaray isla markaasna lagu badalo ciidamo gaar ah kuwaasoo kasoo jeeda beesha haysata magaalada Muqdisho isla markaasna u badan ciidamadii hogaamiye kooxeedkii iyo maxaakiimtii fashilmay.Khatar wayn ayaan u aragnaa in Muqdisho oo lagu sheegaayo caasimadii Soomaaliyeed inay lagu wareejiyo maleeshiyo beeleed kasoo jeeda beesha haysata magaalada Muqdisho isla markaasna aan matelin karin dhammaan beelaha Soomaaliyeed.
3. Warbixin heerka ay dadka deegaanka ah u marayso hawlaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in howlihii Maamul u sameynta gobolada Jubooyinka ay marayso heer gabogabo ah isla markaasna dadka kasoo jeeda gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo waxay si buuxda isugu waafaqeen inay ka go’an tahay maamul u sameynta Jubbooyinka. Sidoo kale, ka dib shirar wadatashi ah, iyo falanqayn dheer ka dib waxaa dadka deegaamada Jubbooyinka iyo gudiga farsamada maamul u samaynta Jubbaland waxayna si buuxda isugu waafaqeen samaynta shan gudi, iyo in la isu keeno 480 ergooyin kuwaasoo ka kala imaan doona beelaha Soomaaliyeed ee ku nool sadexdaa ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Ergooyinka kasoo qaybgalaaya shirwaynaha samaynta maamul goboleedka Jubbaland waxaa loo qaybsaday sida hoos ku qoran:
1. Gobolka Jubada Hoose waxaa ka imaanaya 185 ergo
2. Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ka imaanaya 135 ergo
3. Gobolka Gedo waxaa ka imaanaya 165 ergo
Ururka Sahal waxuu si buuxda u taageerayaa dardargelinta u sameynta gobolada Jubooyinka iyo qaabka loo qaybsaday ergooyinka loo qoondeeyey shirwaynaha maamul u sameynta gobolada Jubooyinka. Sidoo kale ururka Sahal waxuu ugu baaqayaa ergooyinka shirka maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo gudiga farsamada inay si cadaalad iyo sinaan ah wax ugu qaybiyaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolada Jubbooyinka.
4. Arigtida Ras’iisal Wasaaraha ee maamul u samaynta gobolada Jubbaland
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in shalay uu Raisul wasaaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ku dhowaaqay in xukuumadiiisu ay diyaarisay qorshe balaaran oo lagu xasilinayo amaanka gobolada dalka isla markaasna hawlaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka ay tahay in dadka degaanku ay iyagu soo doortaan maamul ay iyagu leeyihiin. Sidaasi darteed, ururka Sahal waxuu si wayn usoo dhowaynayaa bayaanka waafiga ah ee kasoo baxay Ras’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Fadaraaliga Soomaaliya kaasoo uu si cad u muujiyey in doorka dawlada Soomaaliya ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay iyagu dhistaan maamul goboleed waafaqsan sharciga dawlada fadaraaliga ah.
5. Cadaalada darrada iyo hagardaamada madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ay ku hayaan maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in tobobaadkii wasiirka arimaha gudaha uu magaalada Muqdisho ka abaabulay shir lagu sheegay wadatashi ku saabsan maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka. Hase yeeshee, ururka Sahal, ka dib markii uu falanqeyn, iyo daba-gal dheer ku sameeyey waxaa lagu ogaaday in ujeedadu ugu wayn ee shirkani waxuu ahaa in lagu xagal-daaciyo isla markaasna lagu fashiliyo shirka wada-tashiga ee magaalada Kismaayo uga socda beelaha walaalaaha ah ee degga gobolada Jubadda Hoose,Jubadda Dhexe iyo Gedo kaasoo ku saabsan in la sameeyo maamul goboleedka Jubbaland.
Baaris iyo dabo-gal dheer oo ururka Sahal sameeyey waxaa lagu ogaaday in madaxwaynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn in la sameeyo maamul goboleed ka kooban Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo, isla markaasna waxay labadan mas’uul dadaal kasta u galeen inay carqaladeeyaan hawlaha ay wadaan guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.
Dhowaan waxay dawladu Muqdisho iskeed uga bilowday qorshe cusub oo hadda iyo kow kusoo bilaabayso shir wada-tashi ah ee maamul u samaynta gobolada Jubbaland kuwaasoo muddo sanad iyo bar ah la soo waday. Sidaasi darteed, asbuucii hore ayaa madaxwaynaha iyo wasiirka Arimaha gudaha waxay Muqdisho ku qabteen shir lagu sheegay inuu yahay wadatashi ay ka qeybgalayaan odayaal, dhalinyaro iyo haween ka soo jeeda beelaha dega gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo oo ah saddexda gobol ee maamulka loo dhisi doono.
Sidoo kale ilo xog-ogaal ah oo ururka Sahal siyaabo hoose u heleen ayaa sheegaya in Madaxweynaha Federaalka soomaaliyeed Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu Muqdisho ugu soo laabtey sida deg dega ah arimo la xiriira xaalada Maamul u sameynta Jubooyinka. Sidoo kale, warar rasmi wada tashi uu la sameeyey Masuuliyiinta uu xilsaarey arimaha Jubooyinka ee jooga Muqdisho ay ku dhaliyeen inuu si deg deg ah u gaaro Muqdisho, una baajiyo safarkiisii qorsheysnaa ee Nairobi (Xigasho Puntlandi: 2-12-2012).
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar uu todobaadkii hore shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa wuxuu si cad u sheegay “in dawlada ay ka mas’uul tahay maamul u sameynta gobolada dalka, lana diyaarinaayo nidaamkii federaalka ee dalka lagu dhaqi lahaa” (xigasho Raxanreeb, November 30th, 2012).
Sidoo kale asagoo hadalkiisa sii wata waxuu muujiyey inuusan aaminsanayn in xiligan Soomaaliya laga hirgeliyo nadaamka fadaraalka ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “in inkastoo dalka loo dejiyey inuu noqdo federaal, haddana aysan jirin wax sharciyo ku saabsan federaal oo horey dalka uga jiray, dadkuna aysan u diyaarsaneyn ku dhaqanka nidaamkaasi” (xigasho Raxanreeb:30/11/2012).
Hadalka madaxweynuhu wuxuu muujinayaa mid shaki galinaaya inuusan aqoonsanayn sharciga fadaraaliga ah ee lagu soo dhisay dawlada fadaraaliga ah ee Soomaaliya.
Sidaasi darteed, ururka Sahal waxuu si buuxda u cambaaaraynaa in madaxwaynuhu iska indhatiro ku dhaqanka sharciga fadaraalka ah ee u degsan dawlada Soomaaliya. Waxaan sidoo kale ka walwelsanahay xafiiska Madaxwayne Xasan Shiikh oo shaqadiisa 1aad ka dhigtay ka hortagista in maamul goboleed laga dhiso gobolada Jubbooyinka. Hadaan nahay ururka Sahal, waxaan si buuxda uga walwelsanahay dhibaatada iyo hagardaamada laga soo falkinaayo xafiiska Madaxwaynaha, xisbigiisa, beeshiisa iyo dagaal oogayaasha ku nool Muqdishu kuwaasoo geed dheer iyo geed gaaban u fuulay in dadka deegaanka ah ee ku nool gobolada Jubbooyinka aysan habayaraatee samaysan maamul goboleed ku salaysan deegaankooda isla markaasna waafaqsan dastuur dawlada fadaraaliga ah.
6. Hagardaamada iyo xagal-daacinta uu wado Shariif Xasan
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Shariif Xasan ayaa magaalada Muqdisho ka waday olole balaaran oo ku rabo inuu ku sameeyo maamul goboleed ka kooban lix gobol (Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Gedo, Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose).
Sidoo kale, haddii uu socon waayo qorshaha lixda gobol ee Shariif Xasan wato, waxuu rabaa in gobolka Gedo la raaciyo Bay, iyo Bakool isla markaasna gobolka Shabeelaha Hoose la siiyo beesha Yusuf Indhacade. Qorshaha Shariif Xasan waxaa si wayn u taageersan madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kuwaasoo heshiis hoose kula galay in Shariif Xasan uu noqdo maamul goboleed lagu sheegay Somali South-Western State of Somalia.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in madaxwaynaha, gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan, Cabdiqaasim Salaad iyo Ismail Omar Geele inay go’aan ku gaareen inay si kasta uga hortagaan inaan la hirgelin maamul goboleedka Jubbaland.
Waxaana arintan cadeyn buuxda u ah in halkii madaxwayne Xasan uu dawlada Jabuuti ugala hadli lahaa arimaha dibada iyo xiriirka labada dawladood, waxaa la ogaaday in madaxwaynuhu ajendahiisa 1aad ka dhigtay in Ismail Omar Geele uu kala taliyo arimaha gobolada Jubbooyinka.
Ugu dabayntii, waxaan dhammaan beelaha dega Jubbaland aan ugu baaqaynaa inay gacmaha is qabsadaan isla markaasna ay dadajiyaan dhisitaanka maamulka Jubbaland.
Warbixintan waa soo saaray Ururka Sahal Organisation,
Taariikh 5th December 2012
Email: sahalorginternational@gmail.com
ururka sahal macnihiisu waa sade,absame,harti,awrtable.leelkase,
run badanaa sax raxanwaynka baarlamaanka waa mas
Midka sahan isku sheegayo ma muqdishi ayaad leedahay hadey caasimada tahay maamulka gobolkaq waxaa umada banaan beesha hawiye kuwa aad dagaal ooga ku sheegeysane waa ku wii wadanka u halgamay mida kale axmad madooe oon somalia u dhalan oo ah nin itobiya u dhashay miyaa kismayo shaqo kulahan waa mooryaan aam laga mooryansaneey mida kale dowlada ayaa kalmo iyo ansixin karabtaa umana baahni ayaad dhahee bal kibaki maamul hakuu dhiso waxan ku fiicantahay in aad xiradada qaxooti joogto mida indhacade miyaa shaqo ku leedahay mise shabelada hoose maxaa kaa galay 1991 in aan ku soo xasuusiyo miyad rabtaa war caga dhigo waligeey wan kuu tali jiray ee urur sahal ma garanayo ee aniga oo ku hadlayo afka dhalinyarad beesha hawiye
Howlahaan waan naqaanaa, waa howla IRIRISM. Lkn meel aynageeynayaan malahan. Daarood hadii uu midoobo waxkasta xal ayaa loohelaa. Marka waxaan leeyahay Daaroodka fowdada wado, arinka haufirsadaan.
waryaaya shariif eelaaaaay iyo culusoow waxbo inkama qqaadi karaan ee hawsha wata
Sahal organization isku sheeg ama ogaaden waxa meshaan ku qoreysa waa sheko qabyalad ka tarjumeysay tan kale arima juboyinka dad aan u dhalan ee ka imaday qalaafe kama talinayaan marna dhicin meeydo
Xasan yuu madax wayne u yahay marka koobaad xamar ayuu madax weyne kayahaye hajoogo xamar indhacade shabeelada hose haduu boobo waxba nagama galin shariif sakiina gado haduu markale ku riyoodo walee baydhabo ayaan jigjigo hoose geeneynaa teede kale hawiye iyo raxanweyn waligood haday isa sooraacan maxay qaadi karaan marka runta laga hadlo waxdowlad ah ma jirto ayuu ogaden taaganyahayee daaroodka kalana ha taageeraan ogaden ka mowqifkiisa ogaden dagaalsokeye hada kahor magalin lakiin hada diyaar ayaan u nahay saanshabaab u garaacnay in aan u garaacno kuwan dowlada sheeganaya tuugta hawiye ee macal safaaradaha kireysanaya ceebtooda teeda kale guurguurte iyo baarlamaankiisa waxaa balan ah ayagoon marko soo dhaafin in afarta sano ka dhamaataa
kuwaan isku magacaabay ururka sahal waa niman iska hadlay wax jubba land layiraa majiraan mida kale kenya maamul ey kismaayo kadhisto oo nairobi looga taliyo marna madhaceyso kismaayo waa dhul somaliyeed kenyana maamul usameynteeda malahan
hada dowladu waxey wadaa dadaal dheer oo dalka looga saarayo ciidanka kenya waana sababaha uu madaxweyna jamhuuriyada somalieed uu safaro caalamka uugu soo kala bixinayo si kenya dhulka somaliyeed looga saaro ileen amar dowladeed kuma joogto kismaayo xoog bey ku qabsatay dadka ku fakaraaya kismaayo iney kenya maamul kadhisto waa riyoonayaan kenya hada dalka lagasaarayaa insha allah mar dhow madaxweynaha wuxuu uduulayaa america si kenya dalka looga saaro viva jamhuuriyada somaliyeed down kenya ha jabto kenya viva somaliaweyn
walahi JAWAARI IYOH CULUSOW WAY FASHILIN YIHIN WAR NIMANKU SIYASA XUMA.
waa warbixin sax ah kuna saleeysan dhabta taabanaysana arimaha ka jira dalka waan soo dhawaynaynaa warbixinta ururka sahal.
thanks alot ururka Sahal waa urur xaquqda binaadamaha garanayo waadku mahadsantihin
aad baa iskugu taxlujiseen warbixintaan qorideeda laakin waxaa iga su aal ah sahal maxaa loola jeedaa in aad iiisharaxdaan ayaan jeclaan warbixintaan waxaan kadhadhaminaa in cuqdad idinkujurto oo aad warka turxaan bixineynin ee dadka somaliyed dab ha iskugu dhiibina oo colaad sokeeye ha hurininaa madaxweynaha iyo afhayeenka barlamaanka iyo wasiirka arimaha gudada ayaad taar ged kadhiganeysaan mise ra iisal wasaaraha waad
Ururka sahal waxan leyahay waxadtahay qabiil qaawan, dulmilow ayatahay, waxatihin qabil la gogo,ey qabyalad afkaga urkisa kadah Madaxweyn Hasan iyo Go Jawarey wayna saxan yihin inay dalka ka ilaliyan dulyal o rabo dadka iyo dalka inay ibsadan, warya waxad rabtan dadka kunol juboyan in Garisada lugugu gumeysto inad hos geysid Dulikunol waxid by
Madaxwayne fashilmay dheh
Warqaad iyo sahal, isku xishooda
waabeen gubqatey waxaas waxaa wada kuwa aan dulkalaheen ee jareerta nookeeney kimaayo hooyo macaan wiil faanoole iyo farjano
War kuwaan waaan gartay waaa tuugo oaadeeen waan aqaan waa ku wii qaxootiga dadab dhiiga kamiirtay haday sahal baxsanayaan wa saqiiin ogaadeen
Warqaad dad iskudirka wa la idunku yaqaanay hadana halka kasii wada si aad cawaaqib xumadeda u gaartan
sahal waxaad tahay sun mariid leh sixuna wax u shegta
thanks warqaad for shading light to all those dark side of the government.in fact today am so happy that you touched the reality that is there and that is why am a great fan of this website.to our president and speaker of the parliament(silent killer) they are the greatest betrayers. we as the citizens we were not expect you two to be so hypocritical.thank for jubaland community for that unity.let us continue to be united and fight this old folks who are against our prosperity.
Waxaan aad ula yaabaa ururka sahal oo iska dhigay urur soomaliyeed halka uu ka muujin lahaa beesha uu ka soo jeedo ee uu difaacayo,beeshaa sahal waa beel rabta inay dhulka soomaliyeed u gacan geliso wdamo cadaw ku ah soomaaliya oo cadawtinimadoodana cadeystay,marka sahal ogaadeen waxaan u sheegaya waxaad tihin. O n. Lf ee ka taliya. Halkaa dhibkana ka dhaafi soomali degata itobiya iyo jubboyinka,haddiise aad rabtaan inaad qabyaaladdii dib u soo celisaa,waxaad ogaataan idinka oo sahal ah iyo dadkaa difaaceysaan oo ogaadeen inaad dib ugu noqoneysaa xeryooyinkii dhibaatada aad ku qabteen ee dadkiina dhibaato badan lagu gaarsiiyay,haddii kale inta ay goori goor tahay dadkiina dhinac ka raaca,joojiyaana waxa aad la waddaan dowladda kenya iyo itoobiya.
Shirarka aad la waddan dalalkaasna ka waan tooba ,caasimaddana kena haddadan wax qarineyn.
thanks warqaad for shading light to all those dark side of the government.in fact today am so happy that you touched the reality that is there and that is why am a great fan of this website.to our president and speaker of the parliament(silent killer) they are the greatest betrayers. we as the citizens we were not expecting you two to be so hypocritical.thank for jubaland community for that unity.let us continue to be united and fight this old folks who are against our prosperity.
sahal maxaa ladhaha waa hal nin oo cuqdadu dishay cadaabta gal haduu raba ainuu nagu celiyo wixii aanu kasoo gudubnay1992 taasina weydiiday umad asomalia mid akale beelaha muqdisho ayuu leyahy madax weynaha iyo wasiirka arimaha gudaha ayuu ceel uqabaa wuxuu nin xun ku tilmaamay gudoomiyaha barlamanka pro jawari wax akasoo fakatay beesh aindha cade ayaa shabeelada hoose lasiinaa waxaasi waa wax alagu yaqaan cuqdadla yaasha waxaan kuu sheegaya wuxuusan rabin madaxweyne xasan makasoconayaan somalia ee kuseexo duf kubax madax weyne cabdi qaasim ayuu af lagaadeyay iyo madaxweynaha jabuuti nacalad indha xun doqon ciilkaad aladhimo
Asc Waxaan idiin weydiinaayaa ururkaan sahal waa Kuma Ma dad soomaali baa mise waa dad kenyaan isku Sheeg ?!anaga soomaali Haddii aynu nahay dhul ayaan leenahay caasimadeenana waa Mogadishu baarlamaan ayaa lagu doortay iyo madaxweyne markaa Waxaan filaayaa in maamul goboleedna lagu dhisi karo anaga oo aan dad shisheeye u adeegin.Hadda Waxaan rajeenaa in aan u baahneeyn Fara shisheeye GABA gabadii Waxaan idiin sheegaayaa in faarax Macalin iyo yuusuf Xaaji aysan waxba idiin qabaneynin ,kuwaa Haddii ay wax qaban karaan north eastern ayeey wax u qaban lahaayeen tusaale na tii bishii hore ayaa idiin kugu filan Marka kuwiina dhahaaye ururka sahal bal mandate kiina u cadeeya ummadda soomaaliyeed dee anagu Waan garaneynaa qaac is ku qaris!!!:::
sheeko khiyaali u eg tahay madaxweynaha un xumantisa la shegayo dadka kalana wanag un lagu shegayo kahadla fara galinta ay wadama dariska ugu horeyso kenya ku heyso jubooyinka madaxweynaha xaq bu u le yahay in uu ogaadow axa ka socda meshaas waana dhulku madaxweynaha u yahay
asc aniga eeda oogu weyn waxan saraya dadka ku howlan mamul sameynta oo aad uraagaya u uu dhib udhac weyn kamuqdo hadey wa hore ku dhawaqi lahayen laiskuma mashqulen ee muxafid iyo mucarid unba loqeybsami laha kadibna sida mucaradka mel laisga sarilaha unba lagu dhaqilaha lakin wixiba wuxu noqdey diinki dabka loo direy hadey sasku socdane waalaga taqalusi wlh
Hahahahahahah waxan maqli jiray waxas iyo waxas waa wax lagu qoslo haad hawiye kasoo haday ha.idiku haado ninkas waxaa waxaano dhan kujirabay hawiye naceyb
kkkkkkkkkkkkk ururka sahal wey ceeboobeen runtii waayo waxeey yihiin ayey cadaysteen lkn mid ayaan usheegee dalkaan dowlad ayaa ka jirta ayada ayaana ka mas,uul ah inta ay jirto wax aysan raali ka aheyna ma soconaayaan tan kale kenya ayaa faraha kula jirta arimaha jubooyinka marka kenya waa la laga tashanaa miyaa dowladii soomalaiyedna waa la diidaa alla doqonsanaa waxaad ogaataan maamulka aad sheegeysaan dowlada ayuu hoos imaanaa hadii aysan ansixina ma socondoono taas ogaado dadyahow qabiilka madaxa ka galay alaha ini caafiyo
Baastaradiin ayaa tihiin ururka sahal ee haka been abuuranina madaxweynaha waxaa sheegeysana wa waxkama jiraan dad qurbaha jooga tihiine umada somalied ha isku dirin (alnamiimu laa yadkhula jannah)
Bastaradiin ayaa tihiin ururka sahal ee haka been abuuranina madaxweynaha waxaa sheegeysana wa waxkama jiraan dad qurbaha jooga tihiine umada somalied ha isku dirin (alnamiimu laa yadkhula jannah)
Hagardamada ey wadaan Hawiye iyo Raxanweyn ha iska dhaafeen. Mida kale wexey ka cabsi qabaan in Darood u meesha kasaaro waayo Darood baa ugu dhul weyn marka ayaga wexey galayaan inta u dhexeesa Puntland & Jubbaland. ”O” bey galayaan. Sade waxan usheegaya in ey ku adkeystan mowqifkooda ey kula midowi lahayeen Walalahooda Absame & Harti, si ey u dhistaan mamul ey u wada dhan yihiin si aan u dhisano wadankeena. Waad arkeysaan in Darood loo tashtey.
Waa arin wanaagsan waan soo dhaweeyneynaa hadii aanu nahay shacabka jubaland
Arintan lama orankaro waa waxyi lakiin waa wax cad oo dhab ah saqiirkuna waa ogyahay masiibada ugu darana waa jawaari laakiin jupaland wa dhismaysaa xassan shiikhna dhibu dhiska xamarbuu kasoo horjeeda waayo marhoraaba dawladiisa laga niyad jabay oo uu halkuu somaliland raadin lahaa oo uu somaliya midan lahaa buuba maamuladii dhisnaa iyo kuwii shacabku dhisanayay kasoo horjeestay marka hadii fadaralkii lagu heshiiyay la diiday ma mar labaad baan islayanaynaa?
Kkk warku wan ma urur baa masa ogaden
Xasan shiq wa madaxwaynaha dalka asagaana ka masuul ah jubbaland. Dacaayada ay ilkadheerta gaarsia iyo ijaara laga keenay ay wado hala joojiyo. Kenyana waxan leeyahay ha isku qaldina kisumu iyo kismayo.
wlh manta unba runta ka hadashen
Hadii aaynu nahay dadka reer gedo maxaa naraacin elaay maba afnaqaane maan raacno juboyinka iyaga ayaan walaale nahay hadii aay samaan iyo samir jiro oo quursi iyo qabil lagatago ee waxaan ugu baaqayaa dadka mas ulka ka ah 3daa gobol in aay midobaa wax qabsadaan qilaafna iska ilaaliyaan jaamac dheere qansax omane
Mamul usameynta juboyinka waxaa ku shaqoleh madaxa dalka hassan sh max.uud ka bax faataa dhugta darood dalka waa dal haweye dadka waxa weye dad haweye in yar jarer unba nalal degtaa waxaynu baaq udireynaa daba dhilifyada kanya ee ogaaden tuugsada haku tugsado bush cooshadaha afmadow badowga afka dher dher
U rurka sahal wad mahad santihin>u gudub jahilintan war adiga oo damer dhamin jiray ama shimbir dabijiray ayad isku dayesa inad siyasad malegto ma hilmantay inan jamici ahay on buug iyo qalin wax ku bartay*sakin&gurgurte> muqdhisho iyo by dhabo isbaro dhigta sicid omar gelana u yedha futada salid ha inii mariyo kadibna ha ina waso istahil kinu wa sidas jubaland waxey u talaa aaqilinta darod oma talo jahil aytahay wax barashadisu is baaro iyo eelay qoleyda daba vivaaa*darood
Sahal waa dad qabyalad dilootay o ciil hayo u dhinta cudurka in hayo somalia qabyalad ma rabto qabil iskaba daa waxaynu doneyno wa qaran somaliyed cidi ka so horjesatane gacan bir ah aya lagu qabanaya cadaalada ayana la hor kenaya meeshu dono adunka haka joogee ururka sahal dhaman wa in dagdag la so xeraa xabsiga maana koobiyadana lagu wada xero ilen weey waalanyahine
run iyo been iskuma eka shacabka ha qaldin amarka madaxwaynaha soomaliyeed wax jira maaha gumaysi kalkaalka raba inay la u wareejiyaan dal kale way kula toosanyihiin waliba ayagoo raba inay xaqa bulshada somaliyeed cunaan. Qoraalkaada waxaa laga dareemayaa qabyaalad ILLAAH KA CABSO OO UMMADDA HAYSKU DIRIN.MIDNIMO WAARTA IYO SHARCIGA ALLAAH OO LAGU KALA BAXO AYAAN EEBBE KA BARYEENAA AMIN
Ururka sahal ! Iyo warqaad! Umadda hagardaamada ka daaya iyo kala qeebinta somalidu maanta ayey ku riyoneysaa iney dib u midowdo lkn dadka qaar sida ururka sahal ayaa hagardaamo la ba taagan ! Shame on u guys
Jubbaland uma baahna koox qawlaysata ah oo habeenkii waxay ku riyoodaan dadka oola yimaada subaxii. Midkoodna furimaha dagaalka ma imanin waligii intii lagu jiray xorayntii KISMAYO. hadal maligii galay ayay hayaan cid wax ka dhagayanaysana ma jirto… Kismayo waa Somalia ninka leh dan uma hayo lakin wuxuu rabaa fursad uu ISBAARO dad dhigta oogusoo diro magaalada. Riwaayada iska daaya oo dadka muqdisho ayaan idiin baahan kuwaas ka hadla.
Ka qoraankan qoray, quxuu ku dhashay Qabridahar,oo ah magaaloyar oo baahi loogu dhamanaayo, waxay ilmo adeer yihiin Odayga Jabahadka ah ee Al-shaabka isu rogay basaaska ee lagu magcaabo Axmad Madoobe.
Soomaaliya, waxaan filayaa in uunan arag waligii, iska daa Kismaayo iyo Jubooyinkee.
Waa damiir laawe, qabiil dilooday, Soomaaliya wuxuu doonayaa inuu keeno sheekadii Itoobiya ku fashilantahay ee ahayd: OGADENIA. Waxaan saaxiibkay usheegayaa in Somaaliya iyo Jubooyinka toona aynan ka suurtogalaynin, Ogadeenia/Jubaland.
SAHAL= QOWLAYSATO, NACEBYKA, QABIILKA, COLAADDA, ISKU DIRKA iyo FADHI KU DIRIRKA.
SAHAL URUR MA’AHA, WAA MAGAC QABIIL, WAXAANA HORBOODA KUWO KILILKA SHANAAD KA YIMID, KUWO AAN SOOMALI IYO QARANIMADEEDA DOONAYNIN, KUWO QOFKA KU QIIMEEYA QABIILKA UU YAHAY EE AAN KU QIIMAYNIN WAXA UU QABTO: WAX AAN QABIILKOODA AHAYNNA MA SOO DHAWAYNAYAAN, MANA DOONAYAAN, WAA DAGAAL OOGAYAAL DIBADDA KU NOOL, WAA HADAL KU DHIIGLAYAAL, WAA QALIN KU DHIIGLAYAAL.
CARUURTOODII BAY DAYACEEN, SIYAASADDA QABIIL BAA MADAX MARTAY.
war dadka beenta ka daaya intaas oo idil ismaba raaci karaane ururka sahal isku sheegayoow cidna warkaaga aaminimeyso waayo magaca sahal ayaa fashilmay waxuu ka sameysanyahey markaasaa dadka kalena xagxaganeysaan bal ufiirso micnaha magaca SAHAL ka sameysanyahey waa S=sade,A=absame,H=harti,A=awrtable,L=leelkase. marka nin cunsirayad magac ka dhigtay war lagama dhageysanaayo sxb
Hassen fadhit Gargurte wale kismayo qori caridis bakaxigto sxb ama sharif sakin wado ama ismacil omar gale we are ready
Waa run wexey Sahal soo qortey. Waa in laga hortagaa wexey wadaan nimankan madaxda isku sheegayo. Mida kale waa in ey u daayaan arimaha Jubboyinka & Gedo dadka u dhashay Goboladaa. Madaxtinimadoda yeyna soo dhaafin. Qawaninta federaalka ha xurmeeyaan
Warqaad maanta baa iigu dambeyso aqriskiisa…maanan maleyneynin in aad wali qabiil umada soomaliyeed kuwadaan ee aad si sharaf aysan kujirin uga been abuurataan madaxda sare ee qaranka idinkoon waxba kasheegin r/wasaare..WALAHI WAAD CADEYSATEEN INAAD WALI ARINKII HAWIYE-DAROOD Wadaan..
Madaxweenaha wax luga kuma lahan arinka jubooyinka hadii ey jirto in uu lug ku leeyahay xaq ayuu uleyahay waayo mas uuliyad ayaa kasaaran dhamaan somaaliya oodhan min raas kanbooni ilaa iyo raas caseer waxbo yaan madaxda wadanka la xak xagan waan og nahay fikirka kadan beeyo maa mulkan maqaar sarka ah
OGEYSIIS DHAMAN UMADA WALALAHA DAGA jubland gedo sh,HOSE
tani waa muqata waxa ladidan yahay Ujedada ugu weyn waxey tahay Darood midowba oo wax qabsada sidaa darteed Shariif Sakiin Ayaa laga dhiganaa jid lamaro oo wax fulaya ujedada waxa wato Hawiyo Madaxwena kusheeg tuug Abgaal Ah gud kagur qaja Uguur sh shariif ba dhamay kan Qainka ah
Assalaamu calaykum.
Soomaaliyey, dantu waxay ku jirto ma idiin sheegaa. Tiih iyo jahaweer baad ku jirtaan, intii aad ka hadlaysaan anigaa sareeya, anagaa reer hebel ah, anagaa laan dheere ah, anagaa dhul hebel leh, anagaa ka wanaagsan reer hebel, anagaa talin, ka hadla maxaa inoo dan ah, qarankii Soomaali sidee baa lagu baadi goobaa? Sidee baa lagu soo celiyaa? Sidee baa dadka Soomaaliyeed lagu heshiisiiyaa? Sidee baahida looga saaraa? Sidee caruurta baahida, oonka, gaajada, jahliga, cudurrada iyo nabad la’aanta umaaba’aya lagu bad’baadiyaa.
Waxaad ka hadashaan, helista jirta ee ah in umaddo kale oo inaga badan, oo inaga xoog badan oo ina muwaafaqo badan oo xoogag shisheeye iyo reer galbeed taageerayo sidii aynan inoo qabsan lahayn oo qarankeenii u qaadan lahayn.
Indinku waad murmaysaan, waxaad ku murmaysaani waa anigaa kaa qabiil wanaagsan iyo anigaa kaa badan iyo anigaa ugu sareeye, shisheeyaha doonaya inay dalkeena qaataanna waxay ka doodayaan, sideen Soomaalida u qaybsan lahayn iyo sideen dhulkooda uqaadan lahayn.
Waxaan hubaan in hadii uunan qof kasta xisaabtan dham ah la imaanin, qabyaaladda indhaha la’na aynaan joojin, qaranimo way inaga fogtahay. Waxaa intaas dheer qabiil qaabiil ka adkaada soo Soomaali ah waa la waayay, qabiil qabiil kale deegaankiisii uu ka qaatayna waa la waayay. Qurbajoogta dagaal ooga yaalka ah ee cayrta reer Galbeedka ku nool ha joojiyaan colaad iyo iskudirka ay dadka shacabka ah ay isku dirayaan, iyaga oo adeegsanaya warbaahinta.
Dantu maxay inoogu wada jirtaa?
Acw . Kubaddu Diilinta ayay taalaa . Waxan sugaynaa Cidda laadda ee Ciyaarta bilowda .kkkk J/land waa dhismaysaa insha,Allaah . Waxad rabtaan aqriya . Haddii la fashilo J/land . Taasi waxay soo dedejin kartaa Soomaaliya oo burburta hadda wali waxay kamid tahay Somaliya . Aad ha loo fikiro . Mahadsanidiin.
Acw . Dastuuri & Dagaal mid unbay kudhismi jubba land state . Waayo ? . Dastuurka ayaa Xaq usiinaya Dadkaas inay Ismaamul samaystaan . marka haddii Xoog lagu hor istaago waa inay Xoog kudhisaan jubba land state warkoo kooban . Mahadsanidiin .
Waa layaab hadi arintan la ogaaday.fashilada cad .sikastab ha ahaatee waa lagu dhawaaqi. Hawiye 21 years yaad qasaysay wadanka .waa laguu talin talin wayday.
Reer keeyga iyo reeraha kale ee wada dega juboyinka waxan idin leyahay ka gudba qabyalada u gudbo horumar iyo wada nolasha hal qof doorto qabiilku rawa ha ahado
Asc marexanow hawiye neceb ad u dhimane e ogaadenka an wadankalehen walbo yey kutalin tas anku dhihi lahaa wayo joboyinka adinka iskale ogaden kalinka 5 nad ey gaten iyo garisa marka yey dhicin in ey kataliyan ju boyinka anagana garabkina an tagan nahay siwalbad noneceb tihin ogaden idinku dor sameyno
Sahal ururkan isku shegay wuxu iska dhigaya mid daacad ah balse dhab ahanti hadalkisa waxa aad uga muuqato cadiifat ladaremi karo war waligin magaca badasha balse ogaden inad juboyinka xakuntan lagama yaabo qaxooti oo bahidi iyo xasuuqi ethopia kaso carary ayad tihin waa la idin yaqaana inad aduunka qaxooti ka tihin goorma ayad dhul yelaten, sidi dhalay leydin so dhaweyay aya hadan rabnane maanta dabada idinka galeynaa waxa tihiin dad dalaaliin wada ah.
Alla maxa gumeyte lo.orday lagana orday xornimo. Anaga jubboland inta lasameyo o lahosgeyo kenya madoneyno waxa ciil naga haya kan hadda naga maqan. Tankale walaga ficanyahay in la.iska dhigo waxadan aheyn ama adan sameyn karin. Dhulkanna adinka kaligin madaktan darod waxa kadaga marexan iyo ogaden yar majertenna iskabada marka xage dorod iskugu magacabaya dhulkan. Awayse hawiye dadki kadagana sida geljecel shiiqal ujuran. Hadad wadan indha istir ama qabyalad anaga wan naqan sida lagu dhaqmo e kajoga waxad wadan wa ogaden iyo majerten darododhan ma.aha wan oknahay tan u ururka sahal isku shegay warkisa waa wardoqonimo wayo mamulkan wax u usocdo waa gumeysi wax ay didanyihin madaxdana wa arinka e lama diidana mamul goboled wax fahan inta adan fududan. By
asc waxaa weeyaan maalintii imbigati lagu dhisayo xukuumadii ethopia ma jaraha u haysay oo ay dastuurkeeda ka dhigtay in dalka soomaliyeed federal loo sameeyo oo qoloba dhinac u go,do oo dalka iyo dadkuba saas ku qaybsamaa oo culumada soomaaliyeed ka hadleen oo waxgaradka iyo aqoonyahada ka hadleen waataad kuligiin hadaad soomali tihiin u durbaan tunten fedaraalka maxaad maanta isku haysataan idinkaaba baa ba ilahaay dalbaday markaad wali ka dhigateen amxaar xun oo qurun waa lala socdaa inuu yuhuudkii falaashada ahaa ee sanawi uu qabiil walba intuu diyaarad u soo diro odayaasha qabiilkaas loo geeyo oo uu xoogaa hub ah soo siiyo qolp hebel iska dhiciya idinkaa maciina ahay uu qoloba qolada kale ku yiraahdo dadka noocaas ah oo damiirkoodii dadnimo iyo diintoodaha gaal uraayo amxaar aha siistaa tihiin ogaada haddii aadan ilaahy dartii u midoobin sharciga islaamkana aadan isku xukun iyadoo si dhab ah looga run sheegayo inaadan libaan aduunyo iyo mid aakhiro sugaynayn wabilaahi towfiiq ascww