Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO: Al-Shabaab oo sheegay in ay diyaariyeen boqolaal Haween ah oo dagaalamaya isna qarxiya

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo badan oo Haween ah kuwaas oo ka qeyb qaata dagaalada isla markaana sameeya falalka isqarxinta ah.

Riix Halkan si ad udhagaysato Hadalka Shabaab.

Gudoomiyaha Al-Sahbaab ee gobolka Hiiraan Sh Yuusuf ayaa isagoo kula hadlayay boqolaal dhalinyaro ah magaalada Buullo-Burde waxaa uu sheegay in gabdhaha ay usoo baxaan wax uu ugu yeray jihaad kadhan ah ciidamada Amisom iyo dowlada Soomaaliya.

“Hada waxaan diyarinay gabddhabo si deg deg ah howlgalka usamaynaya, waa ay udagaalamayaan diinta, xitaa waa ay isku qarxinayaan”ayuu sheegay Sargaalkan Shabaab uqaabilsan Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay in ay dib uqabsadaan guud ahaan gobollada dalka gar ahaan gobolka Hiiraan oo inta badan ay dowlada oo kaashanaysa Itoobiya la wareegeen.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

7 Responses to DHAGAYSO: Al-Shabaab oo sheegay in ay diyaariyeen boqolaal Haween ah oo dagaalamaya isna qarxiya

  1. Somali says:

    Cajiib ragii. Ma dhamaaday?

  2. Kkkkkk yaab diinta aisku qarxinayo mashegsa marka in laisku qarxiyo xata jihaadka dhabta ah …oo gaalada lagula dagalamayo anke ileen waxa lagu baneyay gaalka inaaad ladagalanto mahane inaad naftada oo rabi xarimay in lagoyo inad jarto loma bahno oo aad qarax kusameso

  3. Xuseen cabdi yoome says:

    Asc musliminta dhan mel weliba ayaa ka jogan dunida dacaladeyda gaar ahan waxan baaq u diray dadka rer gobolka hiiraan jihaadka dhabta ah ee ka socda ka faa ideystay galada silibiyinta iyo kuwa dawo dhilifka u ah ee galada so horkacaya la dagalama gadhaha musliminta ah labiskina jihaad xirta galada kufarta ah oo diintena nagu heysto dalkena ku so dushay mel weliba ay ka jogan ha la dagalaman alah ayaa janada u balan qaday(infiruu qifafan wasiqalan wa jahiduu bi am walikum wa an fusikum)

  4. Run sheg says:

    Bulo marer golwayn janale qoryoley mudul brawe jilib salagle sakow bu.ale bardhere burdhube ila hawdaka bay iyo bkol jowhar jalalaqsi bula burde cel buur intaas waxaa lagu sifayn karaa ilaa 2050 ka maxa yeley melaha dhiman wa melo si ficn ugu dagalami karan ilayn rag qabir ku ah aya hogamiya amison iyo itiobianka nftirkoda waxa hogamiya rag culus marka way ku dag dagi la yhin gbley shimbir iyo girir aya is gaadayo

  5. maxamud cali cumar says:

    Sheekh yuusufow maxaad adgi isku qarxan weyday,,markaad gabdhaha iyo dhalinyarada aad maanka ka xadeysaan,haddii is qarxinta janno lagu gelayo sow ma ahayn inaanan lagaaga hor marin jannadaa adiga iyo kuwa isku sheegay inay yihiin madaxda sare ee shabaab,taasi waxaan u arkaa jannada inaysan run ahayn sidaa darteed gabdhaha iyo wiilasha soomaaliyeed amaba kuwa kale ee muslimiinta ah uga digaa arrintaas. Janno laguma galo in dad muslimiin ah laysku qarxiyo,sidoo kale ha ogaadeen dhalinyarada madaxa beenta u sheegeysa inaysan ayaguba rabin inay dhintaan,saa darteed dhalinyaroy ka fikira dhimashadina adan u meel dayin.

  6. Al-shabaab waa cadowga somaliyeed meel walba oo la joogo,xitaa waxay cadow ku yihiin dhalinyarada ayaga taageersan.

  7. Wali says:

    Sheydaan yuusufow ninkii kudilaa ayaa jana galaya ee dhalinta jano waxaa oogu dhow idinka oo ay idin qaarajiyaan ee dad muslimiin ah oo la isku qarxiyo cadaab ayaa lagu galaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII