Wariye Madax banaan oo kusugan Gobolka Sanaag ayaa ku soo waramaya in gudaha magaaladda Ceerigaabo lagu dillay Marxuum lagu magacaabi jiray jiray Bashiir Jaamac Yare, kaasoo dhex marayay magaaladda wakhti laga soo baxay salaadii Maqrib.
Sida uu Wariyuhu ku soo waramayo Gacan ku dhiiglaha Dilkaasi geysaty ilaa hada lama hayo, mar uu Taliyaha Qaybta weydiiyayna waxa uu u sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u soo qaban lahaayeen.
Gacan ku dhiiglaha Dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay Ciidanka Booliiska hase yeeshee si rasmi ah looma oga sababta Dilkaasi keentay.
Howlgalo ayay ciidamada booliska magaaladaas Ceerigaabo ka wadaan taas oo ay ku baadi goobayaan askarigii dilka u gaystay ninkan rayidka ah.
Warqaad.com/Ceeri-Gaabo Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk