Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Al-Shabaab oo gudaha usoo galay Muqdisho Madaafiicna la beegsaday aqalka Madaxtooyada

Kooxda Al-Shabaab ayaa mudo badan kadib weerar qorshaysan ka gaysatay gudaha magaalada Muqdisho iyagoo madafiic xooggan ku qaaday aqalka madaxtooyada.

Ku dhawaad 7 Madfac ayaa lagu weeraray Aqalka Madaxtooyada oo ay ku sugan yihiin madaxda dowlada Soomaaliya gaar ahan kusimaha Madaxweynaha iyo xubno kale.

Dad kusugan meelo aan ka dhereyn Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaafiicdaas ay ahaayeen kuwa meelo kala duwan ka imaanayay ayna waxyeelo ugaysatay dad rayid ah.

Ku dhawaad 8 ruux oo shan kamid ah ay isku qoys yihiin ayaa lasoo sheegayaa in dhaawac ahaan loola cararay isbitaalaada Muqdisho kadib markii madaafiicdaas ay haleeshay.

Saraakiisha dowlada ayaa gaaray halka weeraradaas lagu garaacay oo aan la dheereyn aqalka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Marar badan ayay Shabaab soo weerareen Madaxtooyada xiligii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Shariif Sh Axmed, Hase ahaatee waa markii ugu horeysay oo madaafiic lagu garaaco Madaxtooyada tan iyo markii dowladan cusub ay timid.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

8 Responses to Al-Shabaab oo gudaha usoo galay Muqdisho Madaafiicna la beegsaday aqalka Madaxtooyada

  1. Axmad says:

    Hooyadiina wasa warqaad beenleey maxaad war buunbuuniseen wacelayahay wacellada dhashay 3 hoobiye oo habaaw ah oo xaafada iskaga dhacay ayaad leedihiin weerar ayaa dhacay markaan waxii ka danbeeya magaciina waa warbeen.com

  2. Run sheg says:

    War cusub wax kalena waan sugaynaa shabaab warkooda wuu cad yahay waa gobolada dalka waa tana anaa leh taadana kula lihi taa micnaheeda yahay gobolada dalka kuwan an hayo taladadooda anaga leh o nbdgalyo ayey ahaneysaa taadana wan kula haystaa o nabada ayan u diidayaa ta micnahedu yahay bulshoy arko dawlada iyo amisom anagaa ka fican e kuwasi waa waxmatarayal o fulay ah tasi dadwaynaha waxa kaga imankarta dhib wayn

  3. Al hud.hud says:

    Warqad beenta kada madaxtoyada al qawaf waydhamatey filinkoda tawar ay mugdisho ku weraraan mahaayan

  4. Sayfu diin says:

    Alaahu akbar illah subaxanahu watacaa waxow yiri(walaa tahinuu waqlaaq taxzanuu wan antum aclowna in kuntum mu minuun )

  5. Suldaan says:

    Idinka lee waaye wargaal!…. Away shabaabka laga adkaaday lana baasanayo?!…. Ma rag saldhigaaga, gurigaaga iyo xafiisyadaada iyo meel walba kugu diyaar ayaa laga adkaaday?!… Manta xoga run ah baad sheegteen, beenna waad sheegteen. Waa run in madaxtoyada laweeraray. Laakiin madaafiicda kulligood waxay ku dhaceen aqalka madaxtoyada, gaar ahaan guriga uu ka degen yhy madaxtooyada murtad sirdoon. Midna waad qariseen; dagaalkii fool ka foolka ahaa ee ka dhacy maxkamaddii hore ee Gubta, ee maleeshiyada murtaddiinta saldhigga u ah. Dulli beenta quuta!

  6. Muxyidiin Cadde says:

    Wargaal maxaad dulli tihiin! Waad ujeeddaa in mujaahidiintu ay weerarrada ay ka fulinayaan meel kasta oo gaalo joogto, hadday ahaan lahayd somalia iyo haday caalamka ahan lahayd. Marka idinka afkiina ku jabiya mujaahidiinta, maadaama ay gaalada idin soo dirsatay ku fashilmeen dagaalkooda dhanka mellateriga!. ALLAHU AKBAR… Waa idinkan qarin jiray jabka gaaladee maxa idinku dhacay o aad usheegeysaan awoodda ay mujahidintu leyihin. ALLAHU AKBAR… Ogaada howshan ilaah baa wata, Allaah baana idinka hadalsiinaya, idinku sidaad doontaan uma hadli kartaan illaa uu rabbi-swtc- idin idmo.

  7. Singalayr says:

    War shabab ma aha wamalayshiyo di isbarad lagaqaday odonaya inlaso celiyo

  8. Islaamaaa says:

    Walahayga xaqqa u hadlaayi waxan idin shegayaa wargaal in ay u dhamatay ayna fashilmeen waxaa kaloo lasoo xaqiijiyay webkaan in sitoos uu uhoostago dowlada kuffaarta faransah or franch sirdoon ama jawaasis badan ay wax kala baxan commentiyada ay shacabka so dhigaan ayagoo doonaya commentiyada inay ku helaan sir ama qodob anfaca sidoo kale webkaan wargaal.com uu iska horkeena qabaa,ilada somaliyeed sida habiyaha iyo daarood

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII