Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xog : Musharaxiinta ugu cad cad Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland State iyo sida loo kala wato‏

Maalmihi ugu danbeyay waxaa dhagaha Shacabka Somaliyeed ku soo lab laabanayay  Arinka ku sabsan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee laga waday Wadanka  Kenya balse hada lo soo raray Magaalada Kismaayo.

Howshaan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo  waxaay soo socotay mudo ka badan hal sano waxaana si toos ah gacanta ugu hayay Urur Goboleedka IGAAD oo ay horkacayaan Wadamada Kenya iyo Itobiya.

Howshaan mudada socotay waxaan waxbadan laga ogaysiin  Dowlada Somalia xiligi uu Madaxweynaha ka ahaa Sh.Shariif  waxaan sido kale lo joojin  Madaxweynaha Somalia Xasan Sh Maxamuud oo aasagu mujiyay sida uu arinkaan uga soo horjeedo.

Ayado arimahaan oo dhan ay jiraan ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose si xowli ah uga socda olaolaha Doraashada Madaxweynaha Jubbaland State waxaana ku baratamaya raxan ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda deeganadaas.Musharaxiinta ugu cad caad lona saadalinaayo in ay u gulaystaan xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland state ayaa waxaa ka mid ah Col: Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo asagu ah Gudomiyaha Ahlusunnada Gobolada Konfureed horayna uga mid aha 6 saxiixeyaasha Roadmapki lagu dhisay Dowlada hada jirta iyo Gudomiyaha Raskambooni Axmed Madoobe oo asagana ku jira xubnaha ugu cad cad.

Sh Axmed Madoobe oo ah Gudomiyaha  Raskambooni  oo ayaan halkan idinku soo gudbin doono  Taarikhdisa oo  kooban .Sh. Axmed Madoobe wa Gudomiyaha Raskambooni  waxaa uu dhashay 1947 waxaa uu ku dashay dhulka Somalida ee ay Itobiya haysto waxaa uu waxbarashadiisa hoose ku soo qatay isla kilinka 5naad intaasi ka dib  waxaa uu u soo waregay dhanka Somalia  waxaana uu soo dagay Dagmada qadiimiga ah ee Afmadoow waxbarashadiisa sare waxaa uu ku qatay Magaloyinka Afmadow iyo Kismaayo waxana uu noqday Ganacsade.Axmed Madoobe waxaa uu siyaasada ku soo biray Xiligi Maxakiimta Islamka waqtigaas oo lo magacabay Gudomiyaha Gobolada Jubboyinka ee Maxakimta Islamka,

Sh Axmed Madoobe  waxaa uu kalan weyn ka qatay qabashada Magaalada Kismaayo  hadana waa Gudomiyaha KMG ah ee Mamulka Kismaayo.Axmed Madoobe ayaa waxaa damaciisa Madaxweynenimada Jubbaland State si weyn ugu taageraya Dowlada Kenya oo ay Ciidamo ka jogaan Gobolka waxaa kale oo si  hagar la,an ah u taageraya Maamul Goboleedka Puntland State oo ay  dhalasho ahaan  isxigaan Axmed Madoobe sido kale wa macquul

ah in u helo codadka qaar ka mid ah dadka deegan.

Sh. Axmed Madoobe waxaa uu Gobolada Jubboyinka ku haysta Ciidamo badan oo siweyn u tababaran kuwaaso qayb ka qata la dagaalanka Al-Shabaab iyo Sugida Amaanka Gobolka waxa una hada ku sugan yahay Magaalada Kismaayo.Taarikh Kooban ayaanu ka soo qadan doona asna Col Maxamed Maxamuud Yusuf  Gudomiyaha Ahlusunnada Konfureed.

Col Maxamed Maxamuud Yusuf waxaa uu ku dhashay Gobolka Gedo sanadku marku ahaa 1949 waxaa uu waxbarashadiisa hoose ku soo qatay  isla Gobolka Gedo  ayado waxbarashadisi sare uu ku soo qatay Schoolka Alaahida ee ku yaalay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Col Maxamed Ow-libaax waxaa uu ku biray Ciidamada Xogga Dalka Somalia  waxaa una ka soo shaqeyay inta badan gobolada Somalia  balse waxaa uu u badnaa Magaaloyinka  Muqdisho, Ceerigaabo, Saylac iyo xuduuda ay Somalia wadagaan Wadanka Jabuuti waxaa una Ciidamada ka garay darajada Gaashanle Dhexe.

Mr Ow-libaax waxaa uu siminaaro iyo Shirar kala duwaan uga qayb galay Wadamada Kenya ,Itobiya, Jabuuti, Denmark ,Italiya,iyo waliba Turkiga ayado inta badan shirarkaasi uu ka soo jeediyay qudbado.

Col Maxamed Maxamuud Yusuf  ayaa waxaa uu taagero hagar la,an ah ka helaya Wadamada Itobiya, Jabuuti iyo R.wasaaraha Xukuumadda Somalia Dr Abdi Farah Shirdoon.

Sido kale Col Maxamed Ow-libaax ayaa waxaa uu taagero buuxda ka haysta beelaha Gaaljecel, Biyomaal, Digil iyo Mirifle Cowromaleh,Jareerweyne,Baajuun, Laalkase  Darood.iyoSade Darood,

Col Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax ayaa waxaa uu Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ku haysta  Ciidamo badan oo si weyn u tababaran kuwaas dagaalo toos ah la gala Xogaga Al-Shabaab qaybna ka qata sugida Amaanka waxaa hada ku sugan yahay Magaalada Kismaayo.

Musharaxiinta kale ee u tagaan Qabashada Xilka Madaxweynaha Jubbaland State ayaa waxaa ka mid ah  Prof Gandi oo horay u ahaa Madaxweynihi Maamulki Azaaniya sido kalewaxaan waxaa musharaxiinta ka mid ah Gen Cali Madoobe oo horay u ahaa Taliyaha Ciidamada Boliska Somaliyeed  marna ahaa Safiirka Somalia u fadhiya Wadanka Tanzania iyo qaar kale oo badan balse sida la qiyaasaayo 4 mudane ayaa wareega ugu danbeeya isku heli doona.

Isku soo wada duubo  Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland State ayaa waxaa lagu wada in ay dhacdo 10-01-2013 waxaana intaan la qaban doorashada ka horeeya  keenista 185 Ergo oo laga keenayo Gobolka Jubbada Hoose, 175 Ergo oo laga keenayo Gobolka Gedo iyo 125 ergo oo laga keenaayo Gobolka Jubbada dhexe waxana marki ergoyinkan la isku keeno ay ansixinayaan Dastuurka Jubbaland oo horay lo qoray waxay sido kale doranayaan Madaxweynaha Jubbaland State ayado Madaxweynaha uu soo magacaabi doono  3 madaxweyne kuxigeen iyo Gale Wasiiro oo ka kooban 10 xubnood.
Maxamed Bayow
Nairobi-Kenya

20 Responses to Xog : Musharaxiinta ugu cad cad Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland State iyo sida loo kala wato‏

  1. waamo Boy says:

    Anaga midki soo baxaba wanu taageeraynaa al muhiim waa in Gobolku yeeshaa hogaan siyaasadeed iyo mid dhaqan balse hada wax kasta wa kala dadsanyihiin gul jubbaland

  2. Jubbalandar says:

    Wale waa la isku dhagan yahay raga meesha maraya ma ahan rag kala dhacay bale sida lo kala qaday qolana waa kuwo ku hubaysan Jubboyinka iyo Gedo qalona wa qurbajoog

    si kastaba ha ahaato shacabka reER jUBBALAND waxaay mujin doonan sida ay u bisil yihiin oo ay u taagero doonan qof walba oo soo baxa,

  3. mahiimadu waxaa waajib nagu ah midkii soo baxaba inaan tageero inagu waayo juboland ayaa dan noogu jirtaa

  4. kismaayo says:

    Wayriyoodeem libaax iyo saaxiibkiis madoobe kklk

    You

  5. Balcad says:

    VIVA muwadininta somaliyed sida Col. Or sh. Owlibaax
    Gen.ghandi
    Gen. Cali madoobe
    Itobiyan afsomali ku hadla ama kenyan afsomali ku hadlad dooni meyno viva jubbaland

  6. samatar says:

    maxamed siyaad wuxuu kudhashey,shilaabo,cabdiraaq xaaji wuxuu kudhashey galadi,dr saacid wuxuu kudhashey feer,aadan cade feer,dhamaan dadkaasi kilil5 ayey kudhasheen

  7. Kun-Ciil says:

    To : Balcad, maxaa kaa galay adiga Nimanka wada Dhashay !? . Waan taageeraynaa kii soo baxaba sxb . Meeshu Xamar maaha . Deeraha ku xiro Xamar .

  8. sax waye ninki heleba wa un nin darod wana ku qanacsanhy si walbo aya ahato cadowka un ha no jabinana

  9. gargaar says:

    viva j/land viva dhamaan musharaxiinta aad ban ugu bahanay inaan helno mamul mideysan. illaahayow wadankeena nabad noga dhig oo ciqaabtan naga saar

  10. samatar says:

    @ balcad
    ma isbaaro ayaad rabtaa waadigan qaylyayee

  11. ismail says:

    GUUL WEEYAAN QOFKASTA OO DEEGAAN AH NO DHULBOOBKA XAMAR

  12. DHAGALIBAX says:

    @KISMAYO MIDKA WATA GO BACK QORAXAY DOQONYAHAW CAGTA DHEER NIN CAQLI LEH WAXAA IDNKA DHASHAY SAYIDKII RAXMATULAAHI CALYHI ASAGA AYAANA IDIN SHEEGAY INIINAAN CAQLI LAHAYN

  13. bilow says:

    Thanks j/land state pple vote your leader

  14. Jamjam says:

    Alwaax yahay ka carara mesha

  15. saadiq says:

    Kanaxoow nafta waa

  16. Asc ninka labaxay dhagalibax walaal ummad dhan ayaad caysay lagana yaabo dad kaa kheyr badan inay jiraan walaal naca qabiilku iskadaaya Allana utowbad keena. Tan kale sayidka keliya lama dagaalammin gaalo ee weligood ayey ladagaalamayeen waxaana tusaale kuugu filan dagaalka mudada dheer ay kula jireen ethopia gobollada jubbooyinkana waxaad akhrisaa webkan http://www.britishcolonialafrica.com kadibna akhri jubbaland iyo british east africa waxaa kaloo aad gashaa (why the war between somalia and UK was costly) kenyana waa ay kula dagaallameen ee soomaliyey xasidnimada iska daaya

  17. Waxaan kaloo u sheegayaa webka warqaad colaad aad horisaan waxba idiin tarimayso ogaada qofka mu’minkana been masheego ee beenta iskadaaya walaalayaalow kollay somali maanta joogo ayaaban qiimo saas ah laheyn

  18. jooreyboy says:

    kkk war madaashan miyaa ma awlibax by ethiopia wada taa war naftiina runta u sheega oo ayiida madaxweyne axmed taariikha uu leeyahayna waad ka been sheegteen waxbarashadiisa waa jamacad islamic sudan dugsiga sare xamar hoose dhaxe waa galkacayo ku dhashay afmadow

  19. Gedoland says:

    Musharaxii kusoo baxa doorashada ayan tageereena. Viva Jubbaland State of Somaliya

  20. Bosaso says:

    Warkaas ayaa imaraya wana dageerayaa kii kusoo baxa dorashada viva jubaland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII