Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wafdi ka socda IGAD oo gaaray Kismaayo iyo Wadahadal lagu samaynayo Maamulka Jubbooyinka oo socda

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa manta ka degtay wafdi ka socda Urur Goboleed-ka IGAD iyadoo wafdigaas markii ay magaalada galeen amaankeeda aad loo adkeeyay.

Ciidamo badan aya lagu daadiyay wadooyinka waa weyn ee Kismaayo iyo xaafadaha udhow halka wafdigaas ay caawa ku hoyanayaan ee magaalada Kismaayo,.

Wariye madax banaan ayaa Warqaad.com usheegay in Wafdiga ay kulamo xasaasi ah la leyihiin Saraakiisha gacanta ku haysa maamulka Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.

“Wafdigan soo garay magaalada Kismaayo, waxaa ay hada la kulansan yihiin Saraakiisha halkan kusugan sida Axmed Madoobe, Gen Cali Madoobe, Sh Maxamed Ow-Libaax, Yaasiin Raadeer, C/Naasir Seeraar iyo Saraakiil kale.

Waxaa wafdigan oo haatan kusugan Jaamacada Kismaayo ay Saraakiisha magaalada kala hadlayaan arimaha mamul usamaynta Jubbooyinka iyo Gedo oo haatan meelo gabo gabo ah maraya.

Wararka waxaa ay sheegayaan in sidoo kale laga wadajadlayo sidii dowlada Soomaaliya ay gacan uga gaysan lahayd mamul usamaynta Jubbooyinka si khilaafka jira loo xaliyo.

Marar badan ayay Wafuud ka socota dalalka Gobolka iyo kuwa caalami ah tageen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

13 Responses to Wafdi ka socda IGAD oo gaaray Kismaayo iyo Wadahadal lagu samaynayo Maamulka Jubbooyinka oo socda

  1. teys says:

    Wagar
    Walee IGAD macnaheedu maamul samayn ka miskoweyn

  2. kismaayo says:

    Iiged dalka maleh dalka dowlad buu leeyahay madaxwaynana wii lewisham sidiodoo kale kkk

  3. Galmudug says:

    Waxaan maqli jirey waxaad ceebta u taqaan qof bay camalkiis tahay waxaa la yiri ninka fuleyga ah markii la uleeyo ma soo yeesto marka nimankaan jubalaan ay kaga dhagtay jubalaan waa dhul soomaaliyeed cidna ma xoogeyso laakiin shaqo badan baa ka horeysa wax qeybsi dadka daga deegaanka wax qeybsi dowlada dhexa iyo jubbalaan iyo xoreeynta si cidii wax weysa ay u reecin cadowga al shabab

  4. Wali says:

    Teys hoyadaa was qunqurun dhalay oo hawiye ah anagaa keen sanay

  5. Wiil hiiraan says:

    Kk caay waxtari meyso ficil ayaa lobahanyahay awalba hawiye wa kuwasi jiray hadane wa kuwasa o hadeyba intii 91 kagus dheeryihin dhanka kale adigu koley gumeysi la.aan majogi kartid marka intii igad kenya kugumeysan lahed waxan go.aan kugaray in aan ani kugumeysto

  6. Qaliil says:

    Asc sxb mesha cay matalo ee fagradada. Kahadal saas miyaa nin rag ah kutahay odrabtaa in aad rag wax kulaqabsato

  7. Dhamaantiina cayaal ayaa tihiin mana fahmi kartiin siyaasada waayo igad dhulka nalama qeybsaneeyso ee kalkiya waa dhax dhaxaadiyaha siyaasadeena marka yaan xumaan loo arkin igad waayo qaramada midooway ineey kugu daneeysato ma ahane kuu daneey meeyso marka igad ayaa boqol kiiwo boqol ka fiican hadaad cod inaad bixisaan aad rabtaan oo wadanka wanaag yyo nawad ku danbeyo axmed maxamed islaam axmed madoowe ucodeey

  8. wadani says:

    Galmudug ninka watow waxan maqli jiray ceesantii arigeda ka lunta orgi badi ah ya wasa. Mar. Hadad garan weysay dadka kismayo iska leh imow. ilen baadi ya tahaye

  9. IGAD MEELBA UMUUKHATO
    MARKA WEYDALEESA
    SIDII KISMAYO
    UGU SOLAWANEESO
    KAWAHA UNBA KADHANAYO
    SOMALIA XAL MA OGALO

    HRE AYUU UYIRI
    ALLAHA UNAXARIISTO
    JAALLO MAHAMED SIYAAD BARRE
    SOMALIA DHUL AYAA KATAGEY
    DAT MA AANAN KATAGIN

  10. saadiq says:

    Kismayo waxaa madaxweyne ka,ah kibaki,intaas xassan dhuxul haloosheego.absame maanta cid aanan amisom ahayn oo laxoog ah majirto ee ragi bisadaha kufuulijiray xamar rag hadeey yihiin banaanka haiskeenan.

  11. wadani says:

    IGAD yaan lagu marmarsiyoonin meesha waxa maamulka sameysanaya waa DAAROOD, deegaankana waxa qabtay oo ka taliya waa Siyaasiyiinta DAAROOD, waad maqleyseen raysal wazaare SAACID siduu u amaanay maamulka iyo ciidanka ka arimiya KISMAYO ee hawiye ha tashado.

  12. Daadir says:

    Kkk wa wax lagu qoslo igad meshan wax umayalan dada been ushegay o dhahaya o leh anaga kismaya leh walale kismaye qabiilada dagan wa la garana 2006 di ka hor kismayo absame kuma maqal dhoobley laguma heysta lkn kismaya hal xafad kama dagane se ku lahatay dhul la boobi kara majiro so xasusto 91 di

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII