Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kismaayo oo lagu qabtay askar ku eedeysan in ay amaan xumo ka wadeen xaafadaha magaalada

Ciidamo ka tiran kuwa ammaanka magaalada Kismaayo ayaa lagu soo helay inay qayb ka ahaayeen fal-dambiyeed ay qudhoodu fulinayeen.

Askartan la qabtay ayaa dhawaan lagu daray ciidamada ammaanka degmada waxaana loogu talagalay inay magaalada waddooyinkeeda waawayn socod ku maraan si loola socdo cidda wax u dhimaysa xasilloonida degmada.

Waxaa la arkay iyagoo teleefannada gacanta ka qaadanaya dadka shacabka ah, waxaana arkay ciidamo kale oo watay gaadiidka dagaalka.

Askartii falkaas foosha xun fulinaysay ayaa laga soo helay dhowr goobood oo magaalada Kismaayo kamid ah sida xaafadda Siinaay, Faanoole iyo Via-Afmadow.

Ciidamada soo qabqabtay raggii falkaas fulinayay waxaa diray maamulka degmada oo ay soo gaartay qaylo dhaan ku aadan in wax laga qabto askar la sheegay inay dadka ka qaataan wixii muhiim ah oo ay wataan.

Markii askartaas falka lagu arkay waa la jir dilay waxaana la dhigay saldhigga magaalada Kismaayo.

Wali Kismaayo waxaa ka jira in teleefannada gacanta la iska qaato waqti kasta walow habeenkii aysan jirin cid socota, qof walbana wuxuu ku negaadaa gurigiisa.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaadhotmail.co.uk

10 Responses to Kismaayo oo lagu qabtay askar ku eedeysan in ay amaan xumo ka wadeen xaafadaha magaalada

  1. teys says:

    Reer jigjiga waxkale umayna imaanin kismayo o anan ka ahayn inay dadka baartaan

  2. Galmudug says:

    Waa ka xumahay falkaas hada kohor baa usc oo sadex sano soo dagaalabeysey baa subaxdii dabe nin qori kaare biin ah watah wuxuu nuugu yimid manaas waa baydhabo agteeda waxaa la yiri war maxaa ahayd wuxuu yiri hadaan kooyey macnaha hadaan imid marka kuwaan waa hadaan kooy koley meesha mareexaan ma joogo hadii meesha moobeel qaato hala raadsho ragii ka haray ina afgaduud

  3. Wali says:

    Jigjiga hooyada baa dhila ka ah teys ee maxaad u aflagadoon wakaas aan qabqabanay tuugtiiyee waana hawiye lasoco tuugta

  4. Axmad says:

    WAR QAAD .COM. tawar ayaa kurewatay wan kufaraxasanahay adiga oo oyaya waayo RER KISMAYO iyoh cidamada mesha joga inbadan ayad ben kashegtay ee mad run kashegtid isbarada XAMAR TALA JAHILYAHOW JAHILKA DHALAY.

  5. War nimankaan qaajada qaxoo tiha ka soo saartay umada halaga qabto

  6. dowlad says:

    reerka daarood wuu ku dhashaa dowlad nimada iyo maamul aqoonta! bal fiiri askarta dhexdooda ayaa lagu darsanayaa askar kale oo la socota qaabkay u shaqaynayaan ama haday dadka dhibaan. waana lasoo qabanayaa ninkii danbi lagu helo. halka dadka qaar xataa hadii lagu darsado askar wax basaasta isagii ayaaba waax xadaya kkkkkkkkkkkkkk viva Jland

  7. Walaalayaal bada hal malaay ayaa qurmiyo anagana ma nihin kuwo u socdo dhaca shacabka ee tuugo askarta ku dhax jirto ayaa falkan geeysatay waana idiinka raali galineeynaa hadii eey dhacdo in uu askari kugu xad gudbo haka cabsanin inaad saldhiga aad tagto oo dhibkaaga ka hadasho waayo saldhiga aduu kuu furan yahay inuu dhinkaaga xaliyo kuwi nagula soo wargaliye eaan soo qaqabanay xabsigaana dhignay marka wlh eeysan askar sii haaneeynin ee idinkana ka qaata doorkiina nawada ah alshawaab meeqa tuug ayaa ku jirtay sida eey noo qaxiijiyeen bulshada xataa laaluush ka qaadan jirtay

  8. Anigoo ah afayeenka ciidanka raaskiyaanbooni runtii anaga waxaa nahay ciidan nadiif ah naguma dhax jiro hal askari oo balwad leh ee waxa ciidanka qaribayo waa kwa bal wada leh marka walaalayaalhadaan nahay jabhada raaskiyaanbooni ma jiraan wax naga shacab jecel insha allah waxaana ku dadaali doonaa qancintiina

  9. Boosaaso wiil majeerteen says:

    Hoyadaa was teyso Jijijaga dadka jooga wax maxadana waa kablalax sharaf leh ma moorayanta hawiye ayad umaley e dhigatay 360 isbaaro muqdisho gudaheeda si ay uqaatan mobile lada iyo dahabka hawenk .fuck you teyz.

  10. Wiil somali says:

    Sxb bayalaal niinkada caytamayow waxan kuleyahay lamaa eeka afkada xun ee kadaa hadalkada xuun wadanka waxaa qabatay dowlad waxayna kasaren cadaw haduun ahan ogaden waad galoobi lahad waayo waaki macatabka kaguray caruurti somaliyed ee diib ufiri tariiqda somaliyeed waayo niinkan ahan absame ka ahaan ee kenay tariq waad iska caytamay saa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII