Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Daawo:Swansea Oo 30 Sanadood ka dib ay ka badiyeen kooxda Arsenal.

Labo gool oo uu dhaliyay Michu ayaa ka saaciday kooxda Swansea in muddo 30 sanadood ah ka dib ay ka badiyeen kooxda Arsenal oo marti loogu ahaa garoonka Emirates Stadium.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayay mar kale ciyaartoyda Gunners oorin kala kulmeen taageerayaashooda ka dib markii ay soo bandhigi waayeen qaab ciyaareedkoodii lagu yaqiinay.

Iyadoo kooxda Swansea ay abuurtay qeybtii hore fursado ka badan intii ay abuurtay kooxda Arsenal oo marti loo ahaa. Iyadoo qeybtii hore ay ku kala nasteen labada kooxood barbaro goolal la’aan ah.

Arsenal ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta ku bilaabatay si ka fiican sidii qeybtii hore, laakiin fursadihii ay heleen shabaqa lama aysan helin.

Arsenal ayaana xaalada ay ku sii xumaatay markii Michu uu shabaqa ka soo taabtay daqiiqadii 87aad isagoo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Swansea oo marti ku aheyd Emirates Stadium.

Xiddiga reer Spain Michu ayaa labo daqiiqo ka dib hadana gool kale ku aamusiyay jamaahiirta Arsenal isagoo guul u xaqiijiyay kooxdiisa Swansea.

Guusha ay Swansea ka gaartay Arsenal ayaa ah tii ugu horeysay muddo 30 sannadood ah, halka Arsenal oo barbaro gashay labadii kulan ee ugu danbeysay ay soo gaartay guuldarro kale oo xanuun leh oo sii baab’ineysa rajadooda xilli ciyaareedkan.

Qore :Abdirahmaan Muumin(Codeey)

Email:Codeey9@hotmail.com

Halkaan Ka Daawo Ciyaarta Oo Goos Goos AH

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII