Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xasuuqii Xulkeena Xiriirkaa ka Danbeeyey!!!! (Faallo Aqri)

Ma’ahan wax ku cusub dhagaha ummadda Soomaaliyeed ee jecel Isboortiga in la maqlo waxaa intaas iyo eber ama hal ayaa looga badiyey xulka  qaranka Soomaaliya laakiin bulshadu isma weydiiso sababta iyo cidda iska leh qaladka intaas la eg ee keenaya in dhulka lagujiido sumcadda ummadda Soomaaliyeed haddaba jawaabtu waxay tahay waxaa eedaas dhammaanteed iska leh kooxda isfahamsan ee aan dhicin ee  lamagac baxday xariirka kubadda cagta Soomaaliya (SFF) oo iyagu in qaranka laga badiyo iyo inay badiyaan aan kala jecleyn ee markasta awoodda saara sidii ay kursigoooda kusii joogi lahaayeen.

Maadama aaysan jirin wasaarad Isboorti ama dowlad tayo leh oo kula xisaabtanta waxyaabaha ay ku dhaqmayaan ee sharafta looga qaadayo sumcadda iyo Calanka ummadda Soomaaliyeed.

Waxyaabaha xiisaha leh ee aad layaabeyso waxaa ka mid ah qaabka qar iska xoornimada ah ee kaaliye macallin oo Ugaandheys ah loogu aaminay masiirka qaranka Soomaaliya iyadoo uu meesha fadhiyo macallinkii Ciyaartoydiisa kasoo watay dalkii hooyo, sidoo kale waxaa kale oo layaab leh in qaar ka mid ah ciyaaryahannadii laf dhabarta u ahayd qaranka laga soo celiyey, waxaa kale oo fajiciso ku noqday intii daawaneysay ciyaarta in aanba garoonka lasoo gelinba difaac wax ku ool ah oo ilaaliya weeraryahannada xulka Burundi oo runtii la dhihi karo waa xulka ugu liita inta ka qeyb qaadaneysa tartanka.

Koley majiro qof jecel in qarankiisa laga badiyo laakiin su’aashu waxay tahay haddii Brundi 5 iyo 1 nagu garaacday maxaan ka sugnaa wiilashii madmadoobaa ee reer Sudan jawaabta waan wada garankarnaa, iskastoo kubaddu cad iyo madow tahay, haddaba ummadda waxgarata ee ku nool caalamka gaar ahaan bahdii hore ee Isboortiga Soomaaliya waxaa dhihi lahaa soo farageliya arrinta ka jirta kubadda cagta ee dalka haddii kale magac xun ayey kuwaani nooga bixin doonaan caalamka,  waxaan maqli jiray allow yaa Geela leh oo ciinka ka ceshada.

Qeybtiii koowaad
waxaa qorey
Maxamuud Cabdi Colaad

18 Responses to Xasuuqii Xulkeena Xiriirkaa ka Danbeeyey!!!! (Faallo Aqri)

  1. qeys says:

    Wlh aad ayaan ugu xumahay atinta dhacday lakiin dhib malahan ninbo waa malitii anagana waan sameen donaa saas wyo ciyaraha layaab malahan 5 laisga bafiyo whyo kumanan ayaaa loga badiyay marka sabra kii sabraa sadkisa helee

  2. Dalmar yare says:

    Wan kaxunahay wlh hadanahay dhalinyarada somaliyed lkn insha.alahu waxa nodhiman wa 2kulan o.adag wana.dadalayna bi.idnilahil,karim gul wcn

  3. m. Jirbion says:

    runti waxa an ahay qof joga kampala daabanayay ciyaartana ciyaarta waxa lodhelay si hagar ah waa lo jeeday mesha bedalka ay ka rabto hadi warka an cadeyo dubaha aya ciyarta qeebti hore ayu dhawacmay badal ayu codsay wana lagu dhagestay mida kale ninki dhaxda hayay aya la bedalay 8ka ninka waday

  4. war maxaa somaali ah ama somali matali karo waxan waa hal qabiil oo hawiye ladhaho meeshan nin kasta wa hebal ayuu ku imaaday boqolaal ciyaartoy ayaa qurbaha joogto wax laxariirana maleh dhaamaan waa abgaal iyo habar gidir isbaaro uwada taalo fool xumadaa kadaran umaba eka soomaali runtii burindiyaanka ka cad cadaa hadana madhahaysid dadkanaa islaam ah dhamaanto jeego qaab daranaa ujaran nasiib darada hadana mesha taalo waa kuba mabaasaayaan mid kasta waxuu rabaa ineey kaamirada qabato wajigiisa qaabka daran waxan waxaan umaleeyay ineey yihiin ciyaal xashiish maba lahaba qiiro wadaninimo ani waxaan ku talin laahaa somalia fifa haka baxdo hana lakansalo kulumada caalamiigaa ilaa laga helo wasaarad isboorti oo caadil ah iyo dowlad daba gasha si loo bad baadiyo sumcada qaranka xitaa butlaan waxaa jogto ciyaartooy fiican loomana yeerto marka waad dareemi kartaan waxa meesha kajira

  5. Daadiya Akaha dalkiini inka raray wa dulowdeene. says:

    Waxa ka muqata wadaniyad lakin meesha waxas kama jiran.afar reer xamar ah ayaa sharaf umadda somaliyeed ku ciyaari.sidey ugu ciyareen? Ciyartoyda mataleysa sumcadda iyo sharaf ummadda waxa laga soo aruuriyay 16ka degmo xamar.away somalidii kale? Waxan ognahay tin lacibiinta ay ka iman jireen gobolada dalka siiba Jubbada hoose.BAY. Hargeysa iyo Hiiran. Hadda waxa laga soo xulay wardhiigley iyo boondheere.war sharaf hana dilina.waxan hubaa haddii lataga Xeryaha Dadaab waxa laga heli kara illaa 40 kooxod heerka kowaad ah.ma laga soo xulla.cajiib ama dhaman gobolada.

  6. mankey says:

    anugu suaalaheydu yaan weydiiya.taasoo ah qaabkee ciyaartoyda lagu soo xulaa.yaana soo xula.malala xisaabtamaaa officialka iyo kojka iyo cayaartodaba about de performance of the team.
    Anugu dhibaatadu waxaan saari lahaa wasaarada iyo niman qabyalada ka ganacsada oo danaha wadanka ka hormariya danahooda qabyaaladed. I believe cayaartoyda kulligood waa lafdheer.

  7. Axmad says:

    Xidiktii umada wala guciyaaray iyo magaciic dhalanyarada sportiga

  8. Duwe says:

    Asc k.k.k.k.k war qabil ki masogalay sportigina yab wa waxa nagadaya o antagerno xulka wayo ayaka namatala hadi kale qarabada afka halagadayo

  9. qelshow says:

    kakakaka sxb sual cayaartodi qaranka somaliya meshe ka iman jiren mataqa wa mugdisho taarikhdane dhib urac

  10. qelshow says:

    mida kani sxb ani ma ahi rer muqdisho lkn waxan huba cayartoda qaranka somaliya uso cayari jirta taarikhdoda radi gabi ahan waxa e ka iman jirien muqdisho awal haka yimadan gobal kale lkn waxa ukuso bar baray muqdisho

  11. qelshow says:

    lkn suashu waxe tahay ciyar todan durufahay hesto mafahmi karan masu liyinta iyo shacabkaba jwb wacan

  12. qelshow says:

    mida kale waxan ka cusub aqrista yasha in e ka gudban fikrada ah qabiil wad aragten mesha u nabadaye

  13. Kaqosliye says:

    Wlh aad ayan ogaxumaha tii ethoipia a wili madaxeyga kaqaylinaysa maanta wa burindi dhibkana waxa kenay kan wa ina hebele sokaxee

  14. Kaqosliye says:

    Waxaan qaran ma,ahan e dhiig kar ay nuguridayan

  15. Wadani says:

    Asc wallahi wan kaxumeh burundi aboka badiso sodanti dhedhered wanasugi ani waxan u arka mar ka hore waxa wanag saned in ey soxulan cayar toyda dalko idil xata in e u habar wacdan xeryaha qaxotiga gar ahan ka kumo maxayelay dhalinta cayartoyda kakumo wa isyaqanan sodan ama burundhi kama kabaden xata ku wa kala landan ku nol hada talo fara ku mahayno magac xumo leska horan ka galna wa in marlabad dhicin o lasoxula kox wanagsan wilashan hada maxumo inta tabar toda wacayaren waxan leyeh wad guleysaneysan is dhirigaliya insha allah

  16. samriye says:

    waxan xula lagu shaygayo waxa ka fcn qoxda ka ciyarta xarada dhagaxley e la dhaho olombic waxan ku fakir ahay in xulka somaliya u hawiye kali ciyaro

  17. waxan layabanahey dadka dhahayo xeryaha qoxotiga haloyerto yakuyerana qoxotiyatehe waxa xaq uleh muqdisho ninki kunol aya xaq uleh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII