Taliska ciidamada Amisom ee kusugan Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay si adag ula shaqeyn doonaan xukumada cusub e ka kooban 10-ka Wasiir.
Afhayeenka ciidamada Amisom Gen Aadan Xaamud ayaa sheegay in ay Amisom soo dhawenayso xukumada ka kooban10-ka wasiir ee lasoo dhisay.
Afhayeenka Amisom ayaa sheegay in ay ka filayaan xukumada cusub in dhankoodana ay kala shaqeeyaan arimaha amaanka dalka.
Sidoo kale waxaa uu si gaar ah kaga hadlay xaalada amaan e dalka gaar ahaan gobolada Banaadir, Hiiraan, Bay, iyo gobolka Jubada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo.
Hadalkan kasoo baxay Sargaalka uhadla Amisom ayaa kusoo aadaya xili ay wadaan qorshayaal dagaal oo kadhan ah Shabaab.
Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
[...] DHAGAYSO: Amisom ka hadashay la shaqeynta Xukumada Dr Saacid iyo sugida amaanka gobolada [...]
Waa ok hadii aad ku dhaqaaqeysan