Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, Akristaha sharafta badanoow, safarkeygii aan dhawaan wadankeenii hooyo ku tagay (August 6, 2012-illaa-September 6, 2012). Waxaan ku so booqdey qeeybo ka mid ah gobollada dalka, oo eey ku jiraan gobollada waqooyi ee Soomaaliya-Caalamiyan-,ee loo yaqaano Somaliland.
Inkastoo aan dano kaloo gaar ah u tagay, hadana aad ayaan u xiiseeynayey in aan indhaheeyga kusoo arko, sifiicanna bal usoo indha indheeyo, si aan u kala saaro xaqiiqda iyo wixii kasoo hara. Nasiib wanaag! Waxaan kala soo noqdey in badan oo badashey fikradii aan markii hore ka heystey, badalina doonta tan eey dadbadani ka heystaan, waxaana jecleeystey in aan aqristayaasha la wadaago, waana tan ee kusoo dhowaada.
Aan ku bilaabo’e, maadaama Airport-ga Hargeeysa uu dhismo ku socdey markii aan gobollada waqooyi tagayey, waxaan ka dagay Airport-ga Barbara, oo xaqiiqdii kuleylkeeda heerka uu gaarsiisanyahay uu ii dhinnaaba. Mid saaxiibkeey ah oo ila socdey ayaa wuxuu iiga qosliyey maanlintaa, anigoo kuleyl dartii la yaaban, wuxuu igu yiri, “War Cabdiboqorow maxaa la inoo yiri Cilmi Boodhari jaceylbaa diley, war waa nin uu kuleyl dilaye kawaran!”.
Waxyaabaha aan horey usii maqley, Airport-ga Berberana aan kula kulmey waxaa ka mid ahaa, in eey ka jiraan laba saf. Midka muwaadiniinta iyo kan Ajaanibta. Hadii aad wadato Passport-gii Soomaaliyeed ee hore, ee cagaarnaa, waxaad galeeysaa safka “Muwadiniinta”, waxaana galida Somaliland iyo ka bixideedaba lagaa kala qaadayaa min $10/= oo canshuur ah, ama Gobollada Waqooyi u dhalo ama Koonfur ka imoow, waa isku mid. Hadiise aad wadato Passport-ga cusub ee E-Passport-ga, balse Gobollada Waqooyi looga yaqaano “Passport-gii C/llaahi Yuusuf”, waxaad galeeysaa safka “Ajaanibta”, oo waxaad isku saftihiin kuwa wata passport-yada dowladaha kalee shisheeye. lacagtana wey kugu kordheeysaa, oo waxaa lagaa qaadayaa, min $40+ marka aad galeyso iyo marka aad ka baxeyso Somaliland intaba, meeshii aad rabtaba u dhalo’e. Sababta arintan marka aan xuuraansadeyna, waxaa la igu yiri, Passport-ga cagaaran wuu “Inaga dhaxeeyaa”, Midkanse dowladii C/llaahi Yuusuf baa keensadey. Su’aashu waxeey tahay, yaa bixinaya marka-Waa inta dantu kasoo gashee- lacag $90/= ku dhow, isagoo heli kara in uu $20/= bixiyo? Waxaana arintan sii fududeeyey, oo dadkuna eey sameeyaan, in Airport-ga caalamiga ah ee Aadan Cade, horey usoo maraan, ayey lacag $15/= ahna kusoo sameeystaan passport-kii cagaarnaa, kaasoo inta aad taagantahayba laguu kala tuurayo, hadiiba sawirada iyo lacagtu kaa diyaar yihiin. Wareerba haku daayo!
Waxyaabaha igu cusbaa waxaa ka mid ah, marka Airport-ga Barbara aad banaanka uga soo baxdo, waxaa boorsooyinkaada kala dafaya Xamaaliyaal, mana ka kartid war boorsada ii daa, Baska aad hoosta ka taagantahay ayuu dushiisa ku tuurayaa, kadiba horey ayuu kaa leeyahay, “War iinoo dhiib kuu xamaalnaye!” Oo anigaaba saarankaraye inteed ula ordeysey, subxaankee, War cusub!
Marka aan soo dhaqaajinney, waxaan soo marney wadada Dheer ee Barbara iyo Hargeeysa isku xirta, tasoo ah -Inta aan arkey-wadada kaliya ee si wanaagsan u dhisan. Nasiib darro! Inta aad ku socoto, waxaad ka argagaxeeysaa tirada baaburta ah ee ku gadoontey/qalibmatey, ee wadada dhinacyadeeda isku wada buusbuusmey, sababtuna waa darawallada oo Maan-Dooriyaha Qaadka aad isaga badiya, gawaaridana God, Tog iyo Dalcad toona aanan ka qabaneeynin darteed, waloow dadka qaarna leeyihiin wadadaa ayaa Jinniyo iyo wax la mid ah laguba xantaa.
Waxaad Buuraleey iyo dhul geedo gaagaaban leh soo dhexmartabe, marka aad Hargeeysa kusoo dhawaato ayaa cimillada hawada isbadalayaan, oo kulleeylkii aadka u darnaa ee Barbara ka baxeeysaa. Nasiib darrose! Hargeeysana waa meel aan dhaxanta kula yaabey. Dadka weey iskala qabsadeen, balse aniga oo ku cusbaa intii aan is lahaa Xarakoo, oo Shaar isku taag, ayaan Burunkiito ka qaadi gaarey, waloow dhaxantu aaney xad kabax u aheyn sidii Kuleeylkii Barbara, hadana waa xoogaa Nin dhalinyara ah oo Xaniintiisu qac leedahay, uu dareemayo, odeyna warkiisa daa.
Waxyaabaha igu cusbaa, oo aan sida gaarka ah ula yaabey, waxaa ka mid ahaa, in Magaalada Hargeeysa loo kala daganyahay Reer-Reer ama lookala badanyahay, oo reerbaa ku tilmaaman meelkasta. Waxaad maqleeysaa “Daanta Reer hebel iyo Daanta reer hebel”, marka laga reebo xabad-xabad iska Dool ah, ama Gobollada kale ee Soomaaliya ka yimi, iskana dhexdaga meelkasta.
Waxyaabaha Hargeeysa eey caanka ku tahay, balse aniga igu cusbaa ayaa sidoo kale waxeey ahaayeen, in dhulkeeda oo dhami wada Dhagax yahay, waxaaba looga yaqaanaa Hargeeysa “Miskiin kalkaale”, micnaha hadii dagaal uu meel kugu qabsado, waad haabaneeysaa oo kaliya. Dhibkiisa ayaase wuxuu yahay, waa kan isdagaalka Xaafadaha siina fududeeya. Waxaa iska caadi ah in dhagax meel uu ka yimid aadan garaneyn, uu guriga kuugu soo galo ama dusha uga soo dhoco, gaar ahaan habeenkii, hadii qof reerka ka mid ah uu ku daqramana waa yeelkii.
Waxyaabaha sida gaarka ah iiga yaabiyey, oo aanan ka filaneyn Hargeeysa, oo caasimdii Somaliland ah, waliba mudana 20+Sano nabad heysatey, ayaa ah in wadooyinkeeda oo dhami aad u burbursanyihiin, xitaa tan hormarta Madaxtooyada oo magaalada gudaheeda ku taala. Dhamaan waa bohollo, iyo karakeeyshan. Roobka marka uu da’ana waxaad soo xasuusaneeysaa, Suuqa Bakaaraha oo uu Roob ku da’ay. Dhiiqada, Dacda ureeysa ee wadada dhex ceeygaagta darteed. Maxaa loo dhisi waayey ayaan dadka weydiiyey, maadaama mudo Somaliland nabad aheyd, waxeey dadka kudhahayaan, Musuqmaasuq maamulka ragaadiyey iyo Qaad ama Qayilaad darteed, ayaan cidiba dhiseyn. Waxeey kuugu sii darayaan, Musuqmaasuqa marka laga soo tago, waqti yar ayaa xafiisyada dowlada laga shaqeeyaa, inta badanna Qayilaad ayaa loo fadhiyaaa, ummadana waa iska wada fuqaro, oo ninnkii meel loo dhiibaba inta aan laga qaadin ayuu is leeyahay, war xoogaa aad kusii noolaato meesha kala hadh, Maxaa wax la dhisaa marka! Waxeey dadku isweydiinkaraan maxeey tahay sababta kooxda la yirhaado “The UN’s Somalia Monitoring Group oo uu badaxda u yahay ninka la yiraahdo “Matthew Bryden” eey warbixino la mid ah tan eey Madaxda Xamar joogtaahi sida joogtada ah uga qorta, eey uga qori weysey? Waxaadse ogaataa in madaxa hey’adaasi uu madax u yahay Matthew Bryden oo ah nin aaminsan kala goyngoynta dalka Soomaaliya, waa ninka ku faana in uu sito passport Somaliland ah, waa nin Xaakiisuna oo dhowr cunug u heysaahi eey kasoo jeeda gobollada waqooyi-Somaliland ee Soomaalida. Ninkani wuxuu ka tirsanyahay koox la yiraahdo “ The Somaliland International Recognition Group”, oo ah koox dacallada caalamka si joogta ah uga ololeeysa in Somaliland laga jaro Soomaaliya! Nadiib darro! Madaxda Soomaliya wali uma eeysan tilaaboqaadin sidii isaga iyo kuwa la midka ahba eey meel cad ummada uga saaro laheyd. Fadlan si aad wax uga ogaato ninkan madaxda ka ah hey’adaa muhiimka gaarka ah u leh Soomaaliya, lifaaqyada hoose kasii aqri (2 & 3).
Dhinaca kale waxaad si aad ah ula dhaceeysaa hantida gaarka loo leeyahay, iyo sida eey u kobacdey, oo bilicda magaaladana eey u hormarisey, gaar ahaan dhismayaasha Hotellada oo eey ugu caansanyihiin Hotel Mansoor, iyo Hotel Ambassador, dabcan hotella kaloo aad u waanaagsanna weey jiraan. Marka aad tagto ma maleyn kareeysid Cadaanka dhooban iyo kuwa soo dagaya. Qaar hey’ado ayaan u shaqeeynaa ayey leeyihiin. Qaar suxufiyiin ayaan nahay ayey leeyihiin. Waa hubaal in inbadan oo Jawaasiis caalami ahi ama waxyaabo kale u yimidna eey ka buuxaan. Waxa bilicda magaalada sii biley waxaa ka mid ah: Dhismayaasha Shirkadaha gaar ahaan sida: kuwa Isgaarsiinta iyo Baararka. Magaalada oo Dadka u dhashey aad ugu soo laabanayaan darteed, ayaa waxaa kasii sameysmaya Xaafado cusub, gaar ahaan kuwo eey dagaan dadka dhaqaalaha leh ama ganacasto ha ahaadeen, ama Dad mudo Qurbo-Joog soo ahaa. Xaafadahaas oo aad ka garankarto naqshadaha guryaha iyo nuucyada gawaarida intaba. Waxeey sidoo kale magaaladu leedahay goobo dhowr ah, oo ah nuucyada kala duwan ee waxbarasho. Jaamacadaha ka furwan waxaa ugu caansan: Jaamacada Golis, iyo Jaamacada Hargeeysa, dabcan kuwo kalana weey jiraan oo isku soo wada xigxiga.
Xaafadaha magaalada Hargeeysa waxaa dhexmara, Togag Biyo-Mareeno ah, oo marka uu roob da’o magaalada biyaha ku wada fataha. Baabuurtana aad ugu rafaado marka eey wadooyinka xaafadaha qaarkood goynayaan, Waxaa ku filnaan laheyd Buundo yaroo aad u gaaban, oo meelaha togaga magaalada dhex maraahi lasaaro, ama siyaabo kaloo uga haboon loo xalliyo, mase jirto cid howshaa u kacdey illaa iyo hada. Nasiib darro! Wixii eey dowladi qaban laheyd ayaa magaalada ugu liita, Marka laga reebo dhinaca nabada.
Waxyaabaha kaloo igu cusbaa, ayaa ahaa Goobaha tirada badan ee ganacsi ee Ethiopian-ku ku leeyihiin gudaha Hargeeysa, oo waliba calanka Ethiopia ku sawiranyahay ama ka babanayo. Waxaa sidoo kale la iigu waramey in guryaha badanaaba iyaga eey ka shaqeeyaan iyo gooba badanoo ganacsi sida: Hotellada. Waa hubaal in Dowlada Ethiopia wax badan ka warqabto.
Waxyaabaha muhiimka ah waxaa ka mid ah, sida magaalada eey u daadsanyihiin ciidamada BS-ta ee Sirdoonka. Ethiopian-kuna dabcan qeybta ugu weyn ayey ku leeyihiin, oo waxaa uga furan meesha wax eey safaarad ku sheegaan-Ileyn ma aqoonsana Somaliland’e-. Waxaa odayaal ii sheegeen in Saraakiin waaweyn eey ka howlgalaan gudaha Hargeeyga, shabakadana u daadsanyihiin dhamaan gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Waxaan la yaabey markii saaxiibkey igu waaniyey in aanan kaligey Hotel iska dagin, oo aan Guri family ah dago, sababta oo ah buu yiri, “Ma rabo in eey kugu dhacaan wixii aniga igu dhahay, oo aheyd in hotelkii anigoo indha ka duuban la igala baxay, nasiib wanaagse! Nimanka shirkada aan la shaqeeynayey, ayey arintii gaartey, oo isoo samatabixiyey”.
Magaalada waxeey leedahay Goobo badan oo caafimaadeed, waxaase ugu roon isbitaalka weyn ee Adna (Edna Adan Maternity Hospital), oo dhinaca Dhaliinka haweenka si gaar ah loogu Ammaano, Adna waa Xaaskii uu ka geeriyoodey (Allaha u naxariistee) Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Nasiib darro! Marwo Adna aad ayey Xagjir ugu tahay, xaqiiqdiina ugu talax tagtey, uguna dhardhigatey xumaan isaga sheegida Ummada walaalaha ah ee Waqooyi iyo Koofur, oo hade waxkastoo xun ku sheegta guud ahaanba walaalaha Koonfureed, iyadoo waxyaabaha qaarkoodna aaney afkaba ku habooneyn Akhlaaqiyan iyo dadnimo ahaan intaba. Waxaa kawada marqaati kacay Indheer-Garadkii daawadey Qudbadii eey ka jeedisey Shirkii Biljam, ee nasiibdarrada aheyd (lifaaqa 1-aad ee hoose ka daawo Video-ga qudbadaa). Xaqiiqdiina mararka qaar ayaan is iraahdaa, waxaaba dhaama, Feeysal Cali Waraabe oo Xagjirnimo dhinaca kala goywnta dalka iyo naceyb abuurka lagu sheego.
Marka laga hadlayo dhinaca Qadiyada Gooni isutaaga Somaliland –Ama kala Jarida dalka-Dadka waqooyi joogaahi, waxeey ugu kala qeybsanyihiin laba qeeybood- waa dadka aan siyaasiyiinta aheeyne- A-Da’yarta soo koreeysa. iyo B-Dadka waaweyn. A-Dhinaca dadka da’yarta ah, guud ahaan kuwa Qurbaha laga soo celiyey, gaar ahaan kuwa Ciyaal-Casiirka ah, aad ayey ula xamaasadeeysanyihiin Gooni isutaaga Somaliland. Programing joogta ah oo siyaasiyiinta eey ku hayaan darteed. Waxaana ka dhaadhacsan Reer Koofur oo dhan: Rag iyo Dumar, Caamo iyo Culimo, Sheikh iyo Shaab waxba isma dhaamaan, oo waa Umulo-Dooxyo, Marras iyo Maato leys ah. Waa kuwii ina xasuuqey oo waa wada Cadow. Kuwa Gooni-isutaaga kasoo horjeedana, waxeey raali ka yihiin dhibkii ina gaarey. B-Balse dhinaca kale; Dadka waaweyn waxeey ku leeyihiin, dhibka waxaa geystey Regime-kii Maxamed Siyaad Barre, oo Soomaali oo dhami ka wada tirsaneyd, oo waliba ragii ugu sareeyey qaar ka mid ah eey Waqooyiga kasoo jeedeen. Ragaasi waxaa ka mid ahaa: Sareege Gaas Xuseen Kulmiye Afrax, waxaa sidoo kale ka mid ahaa: Axmed Maxamuud Faarax oo ka tirsanaa Gudigii siyaasada ee Golihii dhere ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, oo waliba geeridiisi kadid lagu aasey Hargeeysa kadib burburkii Dowladii Siyaad Barre, waliba isagoo “Geesi Qaran ah!”. Xaqiiqduna waxeey tahay, wuxuu regime-kaa ahaadaba Ummada Soomaaliyeed oo dhan ayaa la dagaashey, Koofur iyo Waqooyiba. Nasiibdarro! Kadibna iyadii dhexdeedaa is leeysey. Waxeey ila tahay in kala goynta dalka eey ka fududahay in Ummadu is cafiso, wixii xukun dowladeed ahna si cadaaladi ku jirto loogu wada heshiiso, Xaqiiqdiina waa waxa caalamku ina lahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafey. Wax aaney Waqooyi Koofur uga baahneyna, Koofur ugama baahna waqooyi, iyadoo la wada ogyahay in Koofuri tahay meesha Wabiyada dalku wada maraan, tahayna meesha dalku ugu kheeyraadka badanyahay. Waxaase maragmadoonto ah in shacab dhan oo walaalo ah aanu mudneyn in Jiil dhan loo cuqdadeeyo, oo dhaqaale, waqti iyo Juhdi intaa la egi la galiyo, ee ilaahoow Xamar nabad inooga dhig, iyadaa Hantideenii maguurtada aheydi taallaaye, waxkastaahina meeshaan waa qaali, marka loo eego Muqdisho’e.
Gabagabo/Gunaanad
Nasiib wanaag! Dadka Koofureed guud ahaan sida Dadka waaweyn ee walaalaha waqooyiba aaminsanyihiin, waxeey ka xunyihiin wixii ku dhacay walaalahooda Waqooyi. Waxeey ka tiiraanyoodaan dhibkii eey gaarsiisey Dowladii Milateriga walaalihii waqooyi ee Midnimadi Ummadeena salka u ahaa, ee iyagoo Dal gooni ah noqonkara, ka doorbidey in eey walaalahood la midoobaan, hal dalna wada dhistaan. Marka eey walaalaha Koofureed diidanyihiin kala Goynta dalkana, ma aha in eey Xasuuq shacab ogolyihiine, eey tahay oo kaliya garashada in dadku walaalo wadayihiin dantooduna ku wada jirto midnimadooda iyo isku duubnidooda, ileyn horaa waxaa loo yiri, “Gacmo wadajirbey wax ku gooyaane”. Wixii Dulmi Kursi ama Kheyraad ah ee dhacayna, walaaluhu weey isaga garaabikaraan, isna xaqsoori karaan, waase in sidaa la isula fahmo, inta cadowgu midba gaar u didsanlahaa, oo uu yuubanlahaa. Marka aadse aragto Siyaasiyiin markii hore Qadiyada Gooni isutaaga meelkasta la taagnaa, oo inta Muqdisho iska xaadiriya xilal kasoo qabta, ee hadana Hargeysa xilal kale ka qabanaya, sida: Mudane: Maxamuud Cabdullahi Jaamac, “Sifir”, iyo Marwo: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, iyo kuwo kaloo la mid ahaaba, waxaad dareemeeysaa nuxurka meesha Ummaduba dhab ahaan kala joogto, siyaasiyiinta ayaa dano jago/Kursi u waalaya maahane.
W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com
Asc. Salan bacdigeed, A/kadirow warbixintadan kooban waxa kaliyoo igu cusub lama filaanna igu noqday ninkan Mathew aad ku sheegtay ee aad tiri wuxu madax u yahay UN Somalia monitoring group isla markaana xubin ka ah kooxda aqoonsi u raadinta N-West Somalia!
Waxaa isweydiin mudan kuwa Muqdisho jooga iyo indheergaratada kale ee Soomaaliyed midkoodna xog iyo xuuraan toona kama hayaan miyaa seeddi xume (Mathew)?
Waad mahadsantahay horta inta badan waxaad sheegtay ama wixi aad kusoo aragtay gobolada waqooyi waa wax run ah beena kamaad sheegin siiba arinta musuq maasuqa oo aan wadanka ninkii loo dhiibaaba siduu doona ka yeelaayo wado uu sameeyo iska daaye uu is leeyahay yaan lagaa badsan taasna waxa hubaal ah in soomaali meel ay joogtaba aan musuqmaasuq laga waayeyn sidoo kale soomaali hadaynu nahay waxa la dhihi karaa waxaa inagu yar muwaadinimada oo laynaga helaayo boqolkii qofba hal qof aan usoo laabto gobolada waqooyi horta ta ugu muhiimsan ee ay hayaan waa xaga nabad gelyada oo ah mid aad u muhiima xaga bilicda goboladana wax sidaa usii badan maaha inkastoo goboladu ku kala horeeyaan xaga bilicda hargeisa aad soo aragtay waxa laga yaabo inay jiraan gobolo kale oo ka bilic wanaagsan haday wadooyin tahay iyo haday dhisme tahayba hargeisa wuxuunbaan dhihi karaa waxaad tagtay meeshii dhaqaalaha wadanka lagu burburinaayey uun inaad tagtay xaga bulshada kunool gobolada waqooyi waa sidaad u sheegtay oo dadka inta wax magaratada ayaa iska badan dadka waxgaradka ah waa dadka waaweyn ama dhalinta intooda aqoonta leh ileyn wax magarato marka la leeyahay aqoon daro ayaa jirtee dad waxa jira hadii koonfur la soo qaadaba inay matagaan ku dhawaanaaya taasna waxay tahay aqoontooda ama fikirkooda oo ku salaysan jaahilnimo waad mahasantahay marlabaad
Hadii aan fikradeyda ka dhiib warka weriyaha marka 1 baad waa mahadsanyahay madaama ow na ogeysiyay waxyaaba badan oo ina gaqarsonay midkale gobolada waqoyi hal qabil ayaa dego hal qabilna qaran manoqdo taas midas ugagudub mid kale 20 sano iyo dheraad ayey dowladnimo sheganayaan waxa ey qabsan waayen gormey qabsanaayan jawaabto kofur ha sugaan
Waxan layaabay ninka borsada ka dafay hadana gariga saray hadana ken ku yiri lacagta an shaqestay igatak dheh
Mahadsanid with ur findings in Somaliland but one thing made me superised me was mathew is marred to somali woman could we kindly investigate may be mahiga too is marred another somali confured lady
kkkk yaab dunida ee hargisa waa xarun jajuusinta itobiya ee taas ogada walala yaal
Good information waad ku mahadsantahay sxb in wax la qoraa waa mihiim haddana qoraalkaagan ceeb iyo dhaliil waa yeela karaa lkn ani ugama jeedo
Mahadsanid
war adigu ma basaas loo soo diray somalliland baad ahayd
Waaryee waxaad naguleedahay xumaan dhan waa dhankiina, war nabigaa ku sali hanagu oranin hadalada qaarkii ee sida amniga iyo nabada ay ku dheehneyd iyo soomaali jaceylka oo aad kusoo aragtay Berbara ayaanu nahay kolkasta ee adinka ayey waxkasta idin kayimaadaan sida in passportkii aanu isku ogeyn soomaali aad badesheen ee inan taariikhda runta ah ka qorsoon ayaad tahay ee waxaan ku leeeyahay umada ha maran habaabin ee xumaanta Alle uga xishoow oo uga yaab.
Asc. Horta marka hore wanku mahad celinaya bare sare. Tan 2ad aniga waxay ila tahay inkasto qormadan wa xaqiqo la oran karo hadana ilama wanag sana inad arimaha bilicda magalada iyo cimilada iyo qabka qaysananta ah e magalada lodegan yahay sidaa qayaxan wax u shegto wayo waxaa lo arki karaa qof dal anow lahayn ceebihisa shegaya Somaliya somali baleh wana wada barwaaqo sida inay markasta noojogto aya wanagsan . Tankale ninkan madaxda ka ah ururkan calamiga ah ee arimaha somaliya daneeya run ahanti waa qatar wayn oo qaranimada soo wajihi karta dadka somaliyedna indha an saxafadda ahayn maqabaan e waa in lagu baraarugo .
Asc anaga wixii dhacay magaraneyno midakale hadaan qorba jognahay dadka markey nawey diyaan caasimada lawaad somali magaced waxan leenahay hargeysa wana run mamqlin waxkale marka haliiskadayo waxyaabah qar kood aniga muqdisho ayan kudha shay hadan wan jeclahay hargeysa in aantago maraka nagadaaya tafa raaroqa aad naga dhax wadiin fadlan inshaa alaah waan midoobi donaa marna madhici donto in halwadan onoqdo lawo wadan insha alaah ilaah ayaan kabri yeynaa somaali waa haal qofkii kufikiro waxkale wayeb kiis wadna mahad san tihiin midakale qofa basa boorka badalay waa duli ayaan dhikaraa asc by
Dagaa ladaan dad ayaa uqaxay gargeysa wax dhib ah ma maqlin odha haayo cunsur nimo ayaa kujirto. Dadkaas marka aniga waan taganahay hargeso waa caasimada labaad esomaliya. Qof diidi karta majiro midakale baasa boorka walaga wada hadle karaa wax dhi ah kamataagno walaal layaa low ilahay an kabaqono midakale konfur afrika wax ladhoho somaliend kaka jirto mana maqlin marka waxala wado hadaayo fadlaan thankyou
A. S. C war nimankan rer somaliland waa dad cuqdad dishey oo kamid dadka dunida oo gu cuqdada badan somali oo dhan maraban waxey shegan in bari la xasuqey malinkastana waxey xasuqan shacabka qaxotiga ah ee rer ogadenia waxey udhiban gumeysiga ethoipia ayaka oo ushega iney yihin onlf anu waxan kutalin laha markale hala xasuqo kuwan detana halagaso rebo inyar oo aqbasha midnimada qaranka somalia
Ninka xukuma somaliland wa ninka u sayidku gabey kumariyey ina walan wal wilku dhalo wilku sidhalo galadu waheshan doona
silanyo isaga aya bilabey dagalki lalagaley ee ay lacabadayan hada warkuwan hala xasuqo oo kurka halgaguro kuwane waa cudur aan dawo laheyen majiro dadka xun oo kaxaransan
profisor boqorow warbixintaada inteeda badan waa sax oo anigu mar aan dhowr jeer tegay hargeesa waan ku arkay inta aad inoo sheegtay, LAAKIIN halmidbaad qaladay XUSSEIN KULMIYE AFRAX oo ka mid ahaa shantii golaha sare waxaad ku sheegtay in uu kasoo jeedo gobalada waqooyi, taa sax maahan wuxuu kasoo jeedaa GOBOLADA DHEXE galgaduud gaar ahan DEGMADA CEELDHEER oo anigu iminka aan ku suganahay, oo walaalihii iyo ahalkiisaban garanayaa, waxaan rajeeynayaa in aad dib ka sixi doontid
Adeer kaagan leh waxbaan soo ogaaday waxaan ku odhanlahaa hadagdagin hakaxumaan somaliland dhuumashaad kusoo gashee xataa hadaad caadi utimaado cid waxku odhanaysa male waayo waxaa kunool dad soomali ah adigana waxaan umalaynayaa inaad tahay soomaali laakiiiiiin ha ilaabinmid in ayay kadaba iman kartoo anagu hadaanahayy dhalinyarada somaliland marwalba waxaan kufikirnaa wakhtigii aanu kasoo aargoosan ahayn dadkii noogaystayy xasuuqa ma ahayn somali oo dhan laakiin dadgaar ah oo noon calaamadsan hamoodin i n nabadan aanu samaysayabadan aanu samay
xaasidnimo waawaxaad meel la gaadhi laadihiin. gobollada woqooyi ku lahaa, ma hooyadaa baa ula baxay?adeer dadku magac ay la baxeen ku ixtiraam oo naaqusnimada iska daa. yes, somaliland qaran bay noqotay 23 sano, adna weli waad is cunaysaa, hadlba kuuma bannaana oo futadaadii baa qaawane horto cawrada qarso markaa dad wax ka sheeg. meel lagugu soo dhoweeyey baad caayeysaa nacasyohow bilaa caqliga ahi.
inta xaasidnimadaasi idinku jirto meel gaadhi maysaan. weliba kuwa xaasidiinta ahi waa kuwa xun xun ee hawiye ee aannu annaguna soo dhoweyno ee tolka moodno. daaroodku waa dad ilbax ah oo sidaa qaawan uma hadlaan, mid mid mooyee.
Walaalayaal dacaayada ha laiska daayo somalia waa dad wada dhashay raasa casayr iyo raasa ganbooni abtigaa ama awawgaa ayaad ugatagaysaa aduunka kale lagama helo marka dadku markii dhabta la ogaado waa la isku soo noqondoonaa midnimo la aanna dadku hormar magaaro sidaan hada lakala yahay hadii la ahaado waligeed hormar lagaari maayo dawlad danbana somalia ha ka filan sidaan hada aan nahayna rag baa macaash usocdaa waana loo soo toosi doonaa(hadaan anigu iska hadlo waligeey dawlad ma arag meel xukun yaalana ma arag waxaan ahay dadka qub iyo qacda ku koray marka anigu dawlad ayaan ubukaa) balaayaa ma nohartaagane nin un baa usoo kicidoona soomaali baan kuu aqaan shisheeye iyo dulli soomaali sheeganaya cadow ku ah wabilaahi towfiiq ilaahaw midnimo