Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Degmada Kaxda Ee G/Banaadir ?

JUQURAAFI AHAAN HALKA AY KU TAALO DAGMADA KAXDA:

Dagmada Kaxda waxa ay dhacdaa koonfur galbeed ee Gobolka Banaadir waxaana dhanka Galbeed ka xiga Dagmada Dharkeenlay, Sidoo kale waxaa dhanka koonfur ka xigta Dagmada Lafoole ee Gobolka SH/Hoose.

Dagmada waxa ay ka soo bilaa baataa Ex-Controle Afgooye waxayna ku egtahay Siinka dheer ee Gobolka Sh/Hoose.

Dagmada kaxda qiyaas ahaan waxay ku fadhisaa DHUL GAARAYA 10KM OO WAREEG AH.

#WAAX-YAHA AY DAGMADA KAXDA KA KOOBANTAHAY:

Waxay ka kooban tahay 5 waax-yood oo kala ah
1. Janeraal liiq-liiqato
2. Cali Janaale
3. Barwaaqo
4. Km13 ( N.B: Wali magac toos ah looma bixinin)
5. Shimbiraale

Dagmada kaxda waxaa maro ilaa 4-wado oo ay midiiba tahay (30 mitir).

MIDA 1-AAD: waa waddada koobaade waxay ka Timaadaa Xaafada Xoosh waxayna gaartaa laanta Cali janaale.

MIDA 2-AAD: waa mida labaade waxay sidoo kale ka timaataa EX-Controle-ka Afooye waxayna soo gasha waaxdaa Barwaaqo.

MIDA 3-AAD: waa mida seddexaade iyadana waxay ka timaadaa waaxda Barwaaqo oo waxay tagtaa ama ay gaartaa xaafada kaaba godey ee dagmada Wadajir.

MIDA 4-AAD: waa mida afaraade iyadana waxay ka timaadaa waaxda Cali Janaale waxayna tag-ta xaafada Jaziira ee Dagmada wada jir.

#XAALADAHA AY SOO MARTAY DAGMADA KAXDA

Dagmada kaxda waa DAGMADII 17 –AAD ee G/banaadir waana dagmo aad u facwayn, laakin soo martay marxalado kala duwan,waxaana si toos ah dagmo loogu aqoonsaday ama looga dhigay dhigay 15/10/2012 maalin isniin ah waxayna ku aasaasantay dhibaatooyinka faraha badan kuwaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaana dib u dajin iyo dib u dhis balaaran lagu sameeyay sanadii 2007-dii waqtigaas oo ahaa waqti aad u xun, ayaa dadka deegaankaasi ku nool waxaa lasoo daristay dhibaatooyin farabadan oo ay kamid ahaayeen COLAADO, ABAARO, iyo BARA KAC iyo dhibaato dhanka bulshada, iyo siyaasadaba, taas oo ay usoo mareen himiladooda oo ahayd inay mar qura arkaan deegaankooda oo noqdo Dagmo buuxdo oo ka tirsan G/banaadir.

Hadaba howshaasi dhibka badan waxaa u istaagay ama u tafa xaytay go’aana ku gaaray inay siwalba iyo wakhti walba ugu dhabar adeegeen dabadeedna ay ku guulaysteen.
Dadkaa ayaga ahaa waxaa soo magacaabay bulshada ku abtirsata dagmada kaxda oo waxa ay marwalba kusocdeen latashiyo ay dadka lasamaynayaan,
taasi oo keentay in ay ugu dambayn gaaraan hadafkoodii.

#HOR MARKA DAGMADA KAXDA:

Waxaa kuyaala 3-school oo kala ah:
1.Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Caynu shamsi.
2.Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee AL-Ixsaan.
3.Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee AL-misbaax .

1. Caynu shamsi secondary school: Oo ah Dugsi Hoose Dhexe iyo Sare ahna dugsigii ugu horeeyay ee yeesho heer dugsi sare taasi oo ladhihi karo waa talaabo lagu farxo oo ay gaareen dadka dagmada ayagoo kaashanaya aqoon yahanadooda iyo cuqaashooda.

2. AL-Ixsaan secondary school: Oo ah dugsiga 2-aad ee yeesho heer dugsi sare lana dhihi karo waa talaabo markale lagu farxo oo ay ku amaan yihiin bulashada iyo aqoonyahanda.

3. AL-misbaax primary oo ah school: Dhawaan ayaa la asaas-aasay walina nasiib uma yeelan inuu helo heer dugsi sare.

#DHANKA DIINIGA:

Waxaa kuyaala dugsiyo kor u dhaafayo 20-dugsi quraan oo isugu jiro kuwo Tajwiid iyo kuwo kale.
waxaa kaloo kuyaala ilaa 13-maasjid sidoo kale waxaa jirta xer sitoos ah kutuba cilmiga uga daalacata SHEIKH MAXAMED NUUR MACALIN IBRAAHIM.

DHANKA CEEL BIYOODKA IYO CAAFIMAADKA
Waxaa dagmada kaxda kuyaala ilaa 3-CEEL, sidoo kale waxaa kuyaala ilaa 2-MCH iyo hal ISBITAAL oo kaliya lkn waxa uu qabtaa caruurta iyo umulisada balse dhamaan hada sidii loogu talagalay uma shaqeeyaan.

#DHANKA WADOOYINKA

Gabi ahaan dagmada kaxda malahan wado laami ah, balse waxaa jirta wado macmal ah taasoo dhib ku ah maritaanka gawaarida sida BL-ka iyo kuwa raaxada, Maxaa yeelay waxaan nahay dad shacab ah oo aan awoodin baahiyihii ay dhamaystiri jirtay dowlada, waxaana jirta daruufo farabadan oo aan kasoo marnay dhibaatooyin aan marnaba lagu soo koobi Karin qoraal gaaban .

aad ayaad ugu mahadsantihiin sida wacan ee aad u akhrisateen warbixintii qiimaha badnayd ee aan ku soo qaadanay dagmada kaxda.

W/Q: C/raxmaan Maxamed Macalin C/laahi (Mr: UK)
Tell: +277 3125 8074
Xaafada Parow, Cape town – South africa
Email:
cabdiraxmaanuk@gmail.com
cabdiraxmaanuk@hotmail.com
cabdiraxmaanuk@yahoo.com

9 Responses to Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Degmada Kaxda Ee G/Banaadir ?

  1. Ayuub Qarni says:

    Wa qoral ka tarjumayo sida ay umada ugu so jedsatay hormarka dhinaca deganka waxana laga so gudbay xiligi qabyalada iyo qurunka lagu fani jiray

  2. Maxamad says:

    Mahadsanid walal runti wa wax ad uwacan

  3. Shacbaancc says:

    Maashaa allah waa wax lagu faano degmada 17aad e gobolka banaadir bulshada reer kaxdana hambalyo hambalyo hambalyo

  4. Dhakaajo says:

    Mashalaah aad ban ugu farxsanhay tarikhdan caariqa ah ee u naso gudbiyay walalkena mr.uk hamblyo bulshada kaxda

  5. Maxamed save says:

    Ruunti waadku mahasantahin sida qurux badan ee aad usoo gudibiseen warbixinta wanagsan

  6. bashiir maxamed says:

    dadaalaa wuugaaraa waana wax lagufarxo horumar uugaaro shacab aysan jirin dawlad kaalmaynayso

  7. Aad iyo aad ayaan idiinka mahad celinayaa dhamaan intii ilaahay u idmay in ay si nabad leh ku dhameeyaan qoraalkii dheeraa ee aan soo bandhigay ee ka tarjumaayay Taariikhda dagmada Kaxda, waxaana idiinka balanqaadayaa inaan mar walbo idiin soo gudbin doono dhamaan wax Alle iyo wixii aan leeyahay wax tar ayuu u leeyahay umada soomaaliyeed.
    wabilaahi towfiiq

    • Iqbal says:

      I will miss you being there so hard. But I am relieved for you that you are doing what you need to do for yursoelf, and taking care of business. Your loved ones (me!) want you to get better and to not have to agonize and suffer like this anymore. ***HUGS***

  8. saxane says:

    Waxaan dhihi lahaa waa mid aay u baah naa yeen bulshada abaa bushay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII