Soomaaliya maanta waxay leedahay dowlad cusub iyo xukumad cusub waxaana hada la yareeyay golaha wasiirada dadka Somaaliyeed ayaa qaar kood soo dhaweeyay halka qaarna ayba diidan yihiin
Golaha wasiirada waxaa dadka taageersan ay ku doodayaan in ay xukumad yari ay katayabadan tahay wasiirada badan waxaana ay tusaale usoo qadanayaan sanadku markuu ahaa 1960-kii markaas golahii wasiirada ay ahaayeen ilaa 8 wasiir.
Xiligaas waxaa ay ahayd waqtigii ay Somaaliya xornimada qaadatay waxayna sheegeen inay Somaaliya maanta joogto xiligaas oo kale halka kuwa diidan ay sheegeen in ay dowladan lagu soo dhisay 4.5 loona baahnaa in wax lagu qaybsado waxayna dowlada cusub ku dhaliileen qaabka ay wax u qaybisay iyagoo sheegay in ay dowladu iska indha tirtay marxalada hada dalku uu marayo oo ah meel xasaas ah.
Somaaliya oo xurnimada qaadatay sanadku mar kuu ahaa 1960 markaas oo Somaaliya ay midowday gumaysta yaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga markaas waxaa la dhisay xukumad tayo leh yarna in taasi kadibna waxaa Somaaliya soo maray dowlad tirayar 1969 ki waxaa somaaliya la wareegay dowladii kacaanga Soomaaliya oo uu hor kacayay Maxamed Siyaad bare 21 sano sanadku markuu ahaa 1991 waxaa Somaaliya ka dhacay bur burkii lagu tuuray dowladii siyaad waxaana uu dalku galay fowdo iyo bur bur waxaana meesha aka baxay adeegii bulshada waxaana dhowr jeer laysku daday in somaaliya loo dhiso dowlada laakiin waa ay suuro gali waysay maadaama ay dalka ka jireen dagaalo sukeeyae oo galaaftay naf iyo maali ku waasi oo lagu hoobtay waxaana dalaka soomartay dowlado ku meel KMG ah waxaana ugu horeeyay dowladii cali mahdi waxaana ku xigay dowladii DRc/qaasima salaad xasan waxaana kukumadii cali khaliif galayr ay ahayd mid aad U tiro badan waxaana lagu qiyaasaa xukumadii xiligaasi ilaa 60 wasiiro wasiir ku xigeeno iyo wasiirul dowle
Shirkii ka dhacay Kenya waxaa lagu soo dhisay dowlad ku KMG ah waxaana madax wayne ka ahaa GO C/LAAHI YUUSUF AH MED xukumadii xiligaasna waxaa hogaaminayay cali maxamed geedi waxayna wasiiri badan loo soo magacaabay waxaa ku xigtay dowladii shiikh shariif shiikh axmed oo iyana lagu soo dhisay dalka jabuuti waxaana kukumadaasi hogaaminayay cumar c/rashiid cali shar maake wuxuuna soo dhisay xukumad farabadan si loo qan ciyo beelha somaaliyeed .
Somaaliya waxay ka baxday mudo dhan 21 sano oo ay ku soo jirtay KMG waxaana somaaliya lagu doortay madaxwayne somaaliyeed oo mudo dhan 42 sano aan lagu dooran somaaliya 21 sano oo uu kacaaanku haystay iyo 21 sano oo uu dalku bur bur ku jiray waxaana somaaliya madaxwayne loogu doortay dr xasan shiikh maxamuud gar guurte oo noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee lagu doorto dalka somaaliya mudo dhan 42 sano wuxuuna madax waynaha somaaliya soo magacaabay ra isulwasaare oo uu umagacaabay c/faarax shirdoon saacid oo ah ra isulwasaaraha somaaliya
Dr Saacid ayaa mudo ku soo maga caabay xukumadiisii ugu horaysay wuxuuna ku soo koobay ilaa 10 wasiir sida la shaaciyay in kastoo ay wali dhiman yihiin wasiiro ku xigeen iyo wasiirul dowla xukumada saacid waa xukumadii ugu horaysay taariikhda noqota xukumada ugu tirada yar caalamka waana xukumadii ugu horaysay ee somaaliyeed oo qof dumar ah ay wasiirka arimaha dibada ka noqoto waxaana wali laga war sugayaa baarlamaanka somaaliya sida uu ka yeeli doono iyo waliba beelaha aan helin wasiirada somaaliyana waxaa mudo dheer taashaday dagaalo aan dhamaad lahayn shacabka somaaliyeed meel kastoo ay joogaan waxay ka war sugayaan waxa ay qaban doonto xukumada cusub ee uu soo magacaabay c/faarax shardoon saacid
Waxaa diyaariyay Zakariye Xaaji Abshir “Kampala”
adanyare5@hotmail.com
xukuumad dastuuri ah maahan sababto ah madaxwaynaha ayaa digreeto kusoomagaca dastuurkuna maqabo
Anoo ka duulaaya maqaalka uu qoray zakariya xaaji,wuxuu walaalkay sheegay in dawlada lagu qaybiyay 4.5 mase faah faahin, waxaan anigu qabaa waxaa dawlad dhistay xamar iyo hareeraheeda oo beelaha leh afhayenka,madaxweynaha iyo raysalwasaraha iyo beelaha kaleba waxay heleen labo labo wasiir, markaa xilalka waaweyn saami qaybsi kuma jiraan miyaa? Sidoo kale waxaa la irska indho tiray beelaha waqooyi oo somaliweyn ogolaa taasina waa adkaynta somaliland oo aan waligeed aan lakala furi karin waayo waxaa mudnaa in la tixgaliyo gobolada sool,sanaag iyo awdal oo ka mid ah 5 gobol ee somaliland sheegta balse aan waligood aminsaneyn somaliland .