Dastuurka Dawladda Federaalka ee soomaaliya waa sharciga rasmiga ah ee kala haga hay’adaha dawliga ah, isla markaana lagu qeexay awoodaha iyo salaaxiyaadka hay’adaha dawliga ah midkasta iska lee yahay, Dastuurka waxaa loo asteeyey in looga gudbo khilaaf ku yimaada hay’adaha dawliga ah, waxaa dawladihii hore ee Soomaaliya fadhiid ka dhigey in aan loo hoggaansamin sharciga iyo axdiga la dhigto.
Markii uu socdey tartankii Madaxweynaha Soomaaliya bishii September waxaa musharax kasta uu ku dhawaaqaeyey in uu dastuurka ilaalinayo isla markaana ka dheeraan doono khilaaf .
Dawladda hadda jirta waxaa ilaa iminka ballan qaadkiisi ku taagan Afhayeenka baarlamaanka prof.Maxamed Cismaan Jawaari oo ballan qaadey in aysan dhici doonin Afhayeen baarlamaan oo faraha la gala hawlo aan dastuurku siin, ballana ku qaadey in uu shirarka guddoomin doono, waxa baarlamaanku isku raacana ku dhawaaqaya, shaqada ugu badan ay noqon doonto la xisaabtanka xukuumadda sida lagu yaqaaney Baarlamaan.
Hadaba dulucda maqaalkan, dhowaan waxaa lagu dhawaaqey gole wasiiro oo aad u kooban, inkasta oo lagu kala aragti duwanaan karo haddana bulshada Soomaaliyeed inteeda badan waxay jeclaayeen Wasiiro aad u yar, waxaase u dheeraa in ay iska wada dhex arkaan taas oo is-waafajinteedu aad u adagtahay, dad badan waa soo dhaweeyeen arintaas, waxaana la aaminsan yahay in ay ahayd fikrad ka soo maaxatey Xisbiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo la taliyaashiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xassan Shiikh Maxamuud ayaa wareegto ku soo saarey magacaabidda Wasiirada, wareegtada Madaxweynaha, waxa uu cuskadey qodobo ka mid ah dastuurka oo mid kamid ah aanu ka hadleyn magacaabida Golaha wasiirada awoodna u siineyn isaga waxaana ka mid ah qodobada madaxweynuhu cuskadey:
Qodobka 87aad faqradiisa 1 waaxdiisa (a) Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
Qodobka 87aad faqradiisa 2 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qodobka 90 faqradiisa (D*) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).
Qodobadan sida ka muuqata midna ma xusaayo magacaabida golaha wasiirada, marka laga reebo in uu magacaabayo xilka raysalwasaaraha ama wasiirka kowaad (Prime Minister).
Sida uu qabo dastuurku waxa awoodda magaacaabidda la siinayaa Raysalwasaaraha sida ku cad qodobada awooda raysalwasaaraha:
Qodobka 97-aad : Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirroDawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno. Golaha Wasiirrada waa ay ka iman karaan xubin ka mid ah Golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid aheyn Golaha Shacabkaba
Qodobka 100-aad faqradihiisa: (a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah; ,(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;
Magacaabida golaha Wasiirada waxaa iska leh waa Raysalwasaaraha, waxaana uu kala tashan inta aanu ku dhawaaqin Madaxweynaha sida dastuurku sheegayo, laakiin wareegtada ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha ee uu akhriyey Agaasimaha Madaxtooyada Kamaal Guutaale lanbarkeeduna uu yahay 024, waxaa lagu sheegay in Raysalwasaaruhu soo jeediyey keliya ee aanu magacaabin, waxaa qaybta tanbe ee wareegtada lagu sheegay si majhuul ah ama aan la garanayn cidda magacaabtey lagu yiri waxaa la magacaabey, ma cadda cidda magacaabtey, waxaase wareegtadu ka soo baxdey Xafiiska madaxweynaha ee maaha xafiiska raysalwasaaraha, waxaana akhriyey Agaasimaha Madaxtooyada ee maaha Agaasimaha Xafiiska Raysalwasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waa mid muuqata in Raysalwasaare Saacid uu bartanka u galay Xisbi muddo soo wada shaqeynaayey islamarkaana uu ku daandaamey tallaabadii ugu horeysey.
Dad badan ayaa aaminsanaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku muddadii uu raadinayey raysalwasaaraha shardi ay u ahayd qof maqaar saar ah ee aan ku xisaabtami karin awoodda dastuuriga ah ee uu lee yahay, Sidoo kale waxaa dadka qaarkiis aaminsan yahay in Golaha wasiirada oo dhan uu Injineer ka ahaa Madaxweynuhu, mana ahayn mid uu xaq u lee yahay, marka la eego sida saaxiibadiis ay ugu badan yihiin, hadaba miyaan la dhihi karin Madaxweynuhu ma ilaalin dastuurkii ay ahayd in isagu ilaasho? sidoo kale maxaa la gudboon Raysalwasaaraha haddiiba talaabadii u horeysey dastuurka la der-deray? Kalsoonina loo siin waayey in uu soo dhiso xukuumad? Xildhibaanada baarlamaanka sharci maka saarana yahay in ay dib u eegaan qaabka loo magacaabey xukuumadda iyo farogelinta Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud?
Hoos ka akhri wareegtada Madaxweynaha
————————–
(D*) Sidaas waxay ugu qoran tahay wareegtada laakiin dasuurku waxa uu isticmaalaya tiro waana 4 qodobka ay D ula jeedaan
XEER MADAXWEYNAHA J.F.S. Lr.024, taariikh 04/11/2012.
Magacaabis Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
MADAXWEYNAHA J.F.S.
Markuu arkay: Qodobka 87aad, faqraddihiisa 1aad, Xarafka (a) iyo faqraddiisa 2aad ee Dastuurka (KMG) Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
Markuu arkay: Qodobka 90aad, xarafka (d) ee Dastuurka (KMG) Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
Markuu arkay: Gudbinta Hadal-qoraalka Kulanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed: SUMMAD: K01/FG01/12 ee 18ka Oktoobar 2012 kuna saabsan ansixinta Ra’iisu-Wasaaranimada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
Markuu tixgaliyeey: Soo Jeedinta Ra’iisu-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ee ku sumadeysan XRW/002/11/2012 kuna taariikheysan 04/12/2012
Markuu Garwaaqsaday: Baahida loo qabo in la dhiso Golaha Xukuumadda ka dib markey Xukuumaddii hore waqtigeedii dhammaaday oo Ra’iisul Wasaare cusub La magacaabay si loo helo Xukuumad u adeegta dalka iyo dadka Soomaaliyeed
Wuxuu Soo Saaray Xeerkan:
Qodobka 1aad:
Laga billaabo marka Madaxweeynuhu saxiixo Dekreetadan, waxaa la magacaabay Wasiirrada Xukuumadda J.F.S, waxaana Wasiirrada hoos ku qoran loo magacaabay Wasiir waliba Wasaaradda ku hor qoran:-
Marwo Fowsiya Yuusuf X. Aadan, waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen /Wasiirka Arrimaha Dibadda
Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur, waxaa loo magacaabay Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta
Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga
Mudane Cabdikariim Xuseen Guuled, waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.
Mudane, Maxamuud Xasan Suleymaan, waxaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta
Mudane Cabdullaahi Ciil-Mooge Xirsi, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Dalka
Mudane Muxyaddiin Maxamed Kaalmooy, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud
Marwo/Drs Maryan Qaasim, waxaa loo magacaabay Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada
Mudane Maxamuud Axmed Xasan, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Qodobka 2aad
Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waxaana lagu soo saaraya faafinta Rasmiga ah ee Dowladda.
By/Hussein Farah
arintaan waa wax lagu farxo mudane madaxweyne noolow waxaad iska barejesay libaaxi loogu magac deray sheekh sharif sheekh axmad waa madax weynaha aadka loo jacelyahay lkn nasiib daro waxa doora waayay baarlabanka somaliya
War dadow bal EEGA qoladan bilaawday DABKA in aan somaali horay u marin oo ay QABIIL wadaan wali , Meeyay R/ wasaarihii ma adinkaa u ifinayo wax uusan OGEYN mise waad iska arki weydeen SHAASHADA, Warqaadey magaciinu WAA DABQAAD laga bilaabo MAANTA .
Waxan tagerayA PRMAE MISTER KA SOMALI Sidg usodoray wasirada
The prime menister of somalia he choosed the the other wasir that is demogaratic of repuplic somalia
Waxaan ka xumahay qoraaga marku wax qorayay inuusan u cuskan cidduu ka soo qaatay warka lakin waxa ka muuqata in caro uu u qaboxisbiga madxweynaha konfurta somaliya iyo xismigisa laakiin waxaa wanaagsan markad wax qoreyso in hadal dhexdhexaad ah inaad qorto iyo cidda aad ka xiganeyso.ugu dambeyn waxaan kula talana qoraagan inuu barto sharciga saxaafadda qodobadisa si uu u noqdo dhexdhexad isla markan yadidiiladiisu noqoto sadaalin wanaagsan.
dhabcan waxaa kuxusan meesha in magacaabista uuleyahy ra isal waseeruhu madaxweynuhuna uu ugolaaday madama uu dastuurku dhigaayo in lalatashto madaxweynaha mida kale dastuurka meyeydnaan garaneyn qaabka uu ku qoranyahay waxaamagacabay madaxweynaha meel ey kutaal ma arkin ee waxaa lamagacabay ayaan aragnaa hadii la majhuuliyo waxaa loomajhuulin karaa dhowr arimood waxaa kamid ah in lagaranayo cida le magacaabsista wana ra isal wasaaraha marka hadiilayiraahdo waa lamagacabay wey iska cadahay inuu raisal wasaaruhu leyahay xaqa magacaabista isla markana magacaabay marka yaan leen leesku deyin in leeska horkeeno xukuumada wada shaqeyneysa isla markan isku kalsoon madoneyno khilaf waxaan doneynaa wada shaqen wallahul mustacaan
Kuwan dawlad ma.ahan ee waa. Lagu hungoobay walahay 2dii shariif ayaaba dhaamay xisbigan waa shabab shaati kale gashan allaw naga qabo
Wa yaab wax walba ma dhalilaysan balaya qad war ma qadan wax kalad qadane
waxba masoo kordhineyso dowladaan waa afarsano oo baaqatay xabad ayeey ku dhameysaneysaa waqtigeeda maxaa yeelay kuma qanacsana qabiilada dowladuna waxey ku dhisantahay waa qabiil mar halaga fakiri afarsano kadib
warqaad waxaad kashaqeysaan khilaaf iyo iskudirka xukuumada alla kacabsada xussein farax jooji namiim nimada
waa run qoraaga warkiisa madaxweynahana wax jira mahan awalanba layabayay madaxweyne fadhiidh ka carar mesha qandha qabyaalda badan iyo wax duudsi tuuuug
meeshan kuma qorna in madaxweynuhu wasiirada magacabay magacabistana r/wasaraha aya leh wixi talo ah ahna wa mid ka dhexeysa marka umada xumaan ha ugu baaqin hana kala fogeynin
Waaa yaaaab:-*
sxb meeshan wax ka soo naso cad ma jiraan dowladana ma ogolanayso golaha shacabka taas aniga iga qor waayoo waxan iska garanayay markii golaha shacabka ay dhahen labo qodob ayan lalnay oo kala ah in madax weynaha uuw kala diri karo golaha shacabka hadii ay labo mar iyo wixii kabadanba ku soo celiyan dowladiisa marka qofkii wax garad ah ha iska fahmo golaha shacabka ma ahn dad ciyar ciyar qadanaya ama ben bentii hore marka somaliyey idinka oo an dagdagin ka war dhowra golaha shacabka