Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO: Qaar kamid ah Madaxdii soo dhaweysay Dr Gaas oo xabsiga loo taxaabay

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Puntland ay xabsiga dhigeen Mid kamid ah xubnihii ugu caansanaa ee soo dhaweeyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Gaas.

Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan “”Faarax Gaab” oo ah siyaasi caan ah horeyna u ahaa xoghayntii Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi ayaa xabsiga loo taxaabay.

Gaadiid dagaal oo aad ubadan ayna wataan ciidamada amaanka Puntland ayaa si xooga ah kusoo ka xeeyay Siyaasigan kadibna xabsiga dhigay.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa usheegay saxaafadda in qof walba hadii danbi uu galo uu xabsi mutaysanayo.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Gudoomiyaha.

Sargaalkan ayaa sheegay inuusan waxba kala socon xariga loo gaystay siyaasigan caanka ka ah Puntland sidoo kalana kamid ahaa dadkii soo dhaweeyay Dr Gaas.

Ciidamada xariga gaystay ayaa si gaar ah uga amarqaadanayay madaxweynaha Maamulka Puntland C.Raxmaan Faroole waxaana ay isugu jiraan kuwa badda iyo kuwa nabad sugida.

Dhanka kale Ciidamo uu hogaaminayo taliyaha magaaladda Boosaaso ayaa weerar ku qaaday Xarunta xisbiga isbadal doonka ee Puntland, iyadoona jirdil loo gaystay qaar kamid ah saraakiishii xisbigaas kuwa kalana xabsiga loo taxaabay.

Xiisad siyaasaded oo aad ukacsan ayaa ka jirta deegaanada Puntland tan iyo markii uu halkaas gaaray Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Gaas.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

4 Responses to DHAGAYSO: Qaar kamid ah Madaxdii soo dhaweysay Dr Gaas oo xabsiga loo taxaabay

  1. Mali says:

    Farole siyasada wu halaynaya sasna wax kuma hagagan,marka aakhirka fashil ba udambeya

  2. Faroolow dalka haska burburin oo yay kagadarin nabadu kanada sarakisha xariga

  3. Lascaanod says:

    Waxan leyahay puntland wa badow alaha ride qowsaro dhul dadow sida logu gagabay yaqaanan

  4. Lascaanod says:

    Nabadna mahaystan waxa wata malin walba laqarxinaye wa muqdisho kale rer badiye dheh kuwasna ma dad ba ooc akhas calek

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII