Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka soconayso howsha dhoofinmta dhuxusha xili Madaxweynaha dowlada Soomaaliya iyo QM ay diideen in dhoofinta dhuxusha laga sameeyo Magaaladda Kismaayo.
Dekadda Kismaayo ayaa lasoo sheegayaa in ay ku xiran yihiin Maraakiib daabulaysa dhuxusha sida ay sheegeen Saraakiil Kismaayo kusugana waxaa dhuxusha la dhoofinayo ay tahay tii horey magaaladda utaalay.
Xildhibaan C.Rashiid Xidig oo kasoo jeeda Kismaayo ayaa sheegay inuu jiro warka ah in Kismaayo ay ka soconayso dhoofinta dhuxusha gaar ahaan tii horey utaalay Magaaladda.
Qaraarkii QM iyo hadalkii Madaxweynaha ayaa tan waxaa ay ka dhigaysaa mid meesha ka baxay, iyadoona horey Maamulka KMG ah ee Kismaayo ay sheegeen in ay dhoofin doonaan dhuxusha Kismaayo taala.
Lama oga talaabadda ay qaadi doonto dowlada Soomaaliya iyo QM maadaama oo isku raacsanaa go’aanka cunaqabataynta ee dhanka dhuxusha.
Warqaad.com/Nairobi Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
وَلاَ يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ كَفَرُواْ سَبَقُواْ إِنَّهُمْ لاَ يُعْجِزُونَ
وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا اسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ الْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِ عَدُوَّ اللَّهِ وَعَدُوَّكُمْ وَآخَرِينَ مِن دُونِهِمْ لاَ تَعْلَمُونَهُمُ اللَّهُ يَعْلَمُهُمْ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَيْءٍ فِي سَبِيلِ اللَّهِ يُوَفَّ إِلَيْكُمْ وَأَنتُمْ لاَ تُظْلَمُونَ
وَإِن جَنَحُواْ لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
وَإِن يُرِيدُواْ أَن يَخْدَعُوكَ فَإِنَّ حَسْبَكَ اللَّهُ هُوَ الَّذِيَ أَيَّدَكَ بِنَصْرِهِ وَبِالْمُؤْمِنِينَ
وَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ لَوْ أَنفَقْتَ مَا فِي الأَرْضِ جَمِيعًا مَّا أَلَّفْتْ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَكِنَّ اللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ إِنَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَسْبُكَ اللَّهُ وَمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ إِن يَكُن مِّنكُمْ عِشْرُونَ صَابِرُونَ يَغْلِبُواْ مِئَتَيْنِ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّائَةٌ يَغْلِبُواْ أَلْفًا مِّنَ الَّذِينَ كَفَرُواْ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لاَّ يَفْقَهُونَ
الآنَ خَفَّفَ اللَّهُ عَنكُمْ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمْ ضَعْفًا فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّائَةٌ صَابِرَةٌ يَغْلِبُواْ مِئَتَيْنِ وَإِن يَكُن مِّنكُمْ أَلْفٌ يَغْلِبُواْ أَلْفَيْنِ بِإِذْنِ اللَّهِ وَاللَّهُ مَعَ الصَّابِرِينَ
Todobaad Kadib Warbixintii Jamaal, Waa Sidee Shacuurta Wariyaasha?. (Qore C/fitaax Filibiin)
Saturday, 20 October 2012 16:35 Caanogeel Hits: 976
Wargeyska The Guardian ayaa todobaadkii lasoo dhaafay baahiyay warbixin uu qoray wariye Jamaal Cusmaan oo ka tirsan TV-ga Channel4 ee dalka Ingiriiska, taasoo uu kaga hadlayay marxaladda ay ku shaqeeyaan wariyaasha Muqdisho.
Jamaal oo muddo dhowr jeer ah yimid dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa war bixintiisa ku sheegay in wariyaashu isugu jiraan kuwa milatari ah oo dagaalama, kuwa laaluush ku shaqeeya (Sharuur) iyo kuwa kale.
Hab dhaqanka noocaas ah ee wariyaasha ayuu Jamaal ku tilmaamay inuu yahay midka mar walba sababa dilkooda.
Haddaba waxaan qoraalkrygan uga hadli doonaa, waxa ka jira war bixinta wariye Jamaal iyo saameynta ay yeelatay.
Marka hore waxaan leeyahay, dhinac ayuu ku saxanyahay wariyuhu, dhanna wuu ku khaldanyahay.
Waa midda kowaade, waxa uu wariyuhu ku saxanyahay tilmaamaha uu saxafiyiinta ka bixiyay.
Sababta aan sidaa u leeyahay ayaa waxay tahay in aan dalka jooga, lana socdo duruufaha ay saxaafaddu ku shaqeyso, haba kala duwanaadeene.
Anigu ma oranayo dhammaan wariyaashu waa ciidamo, laakin waxaan xaqiijinayaa in ay jiraan kuwa ciidamo ah oo u shaqeeya Amisom iyo labada idaacadood ee dowladda maqaar saarka.
Qaar kamid ah wariyaashaasi ayaaba ku faana malleyshiyonimadooda, iyagoo waqtiyada qaar isku soo sawira labiska ciidamada shisheeye iyo kan ciidanka dowladda.
Maxaa ka jira xogta kale ee uu wariye Jamaal Cusmaan ku sheegay in qeybaha kale ee wariyaashu yihiin laaluush qaatayaal (sharuur)?.
Erayga Sharuur waa eray bixin reer magaalnimo oo ay wariyaasha Muqdisho soo hindiseen, kaasoo micnihiisu yahay laaluush, wuxuuna xilligan caan ka yahay xarumaha dowladda, xafiisyada hey’adaha, ururada bulshada rayidka iyo meelaha lamidka ah ee magaalada Muqdisho.
Laaluushakan ayaa keena in si fudud loo isticmaalo wariyaha, khatarna la galiyo nafsaddiisa, maadaama milkiilayaasha warbaahinada lagu eedeeyo in ay ku tuntaan xuquuqda wariyaha.
Sharuurka ayaa wuxuu aad u shaqeeyaa waqtiyada uu khilaafka ka dhex jiro madaxda dowladda iyo xilliyada ay ciidamada shisheeye doonayaan in ay duulaan qaadaan.
Idaacad aan dhageysanayay baa maalin warkeeda duhurnimo ku sheegtay in ay is khilaafeen labada Shariif, la iskuna heysto lacag uu lunsaday Shariif Xassan, arinta aan la yaabay ayaa waxay ahayd in isla idaacaddaasi warkeedii habeenimo ay ku sheegtay in uu khilaafku sii kordhay, kuna saleysanyahay ku takri fal awoodeed oo uu madaxweynuhu sameeyay.
Warkii ayaa waxaa lagu amaanay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo mar walba magaciisa la raacinayay mudane iyo erayo kale oo aanan warkii duhurnimo lagu oran.
Muxuu Ku Dhaliilanyahay Jamaal
Maadaama uu warbixintiisa ka run sheegay wariyuhu, haddana ma ahayn in uu waqti isaga lumiyo dad uu mar hore damiirkoodu dhintay.
Saameynta warbixintiisa
Si kastaba ha ahaatee war bixinta wariye Jamaal ayaa si khaas ah u saameysay wariyaasha Amisom, kuwa u shaqeeya dowladda maqaar saarka iyo kuwa cilaaqadada la leh.
Qaar kamid ah wariyaashaasi iyo madaxdooda oo isticmaalaya idaacadda dowladda shisheeyuhu dhisay ayaa sheegay in Jamaal ay dacweynayaan.
Ninka ku caan baxay sameynta geeraarada, masuulkana ka ah idaacadda labaad ee dowladda maqaar saarka iyo wariye ka tirsan wakaaladda wararka Mareykanka ayaa hadalkooda ku gaabsaday in Jamaal uu meel kaga dhacay ummada Soomaaliyeed.
Gunaanad
Waxaan qormadeydan kusoo gunaanadayaa, dardaaran guud iyo mid gaar ahaaneed oo ku socda saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Nabigeena CSW wuxuu qof walboo inaga mid ah ku leeyahay:- من كان يؤمن بالله واليوم ألاخر فليقل خيرا أوليصمت”
“Kheyr ku hadal ama iska aamus” sidaa darteed waxaan nafteyda iyo tiinaba u dardaarmayaa in aan ka fiirsano hadalkeena.
Miyuusigga oo dadka dhagahooda lagu sii daayo iyo dhaqamada gaalada oo dadka la baro ma ahan kheyr ee aan is xisaabino dhammaanteen.
Si khaas ah waxaan u dardaarmayaa in aan iska ilaalino u iilashada gaalada dalka kusoo duushay ee calaamadda saliibka xiran in yarba ha ahaate’e, Allaah subxaanahu wataa wuxuu leeyahay “ولا تركنو الي الذين ظلمو” .
Sidoo kale wuxuu Allaah SW inooga digayaa in aan ku garab noqono Yahuud iyo Kiristan, isagoo qur’aanka kariimka inoogu cadeeyay ciddii gaalada walaheeda siisa in ay gaalowday . “ومن يتولهم منكم فانه منهم”.
MAQAALLADA
LATEST NEWS
MOST READ
Ma Guddi Madax Banaan Mase Mooriyaantii Faroole (Maqaal Is-dul taag ah).
29.10.12
Shabakadaha Ictisaam ma Dambi-baarista Puntland bey isu Beddeleen? Maxayse Shahiid Cawlaqi iyo Shabaabka ugu Diganayaan?
28.10.12
Todobaad Kadib Warbixintii Jamaal, Waa Sidee Shacuurta Wariyaasha?. (Qore C/fitaax Filibiin)
20.10.12
Shariif Sakiin ooy Shahaado La’aani Ciishay
Filimkii Umal Jilbaha dhulka ugu dhuftay (Ha Noqan Mid u Dooda Khaa’iniinta)
Filim cusub “Harsashada Hooska Shareecada Islaamka”
sax sax habilowda shaqadoda wilasha xureystay kismayo
Kooxda Raakanbooni iyo Alshabaab waa isku mid. waa Dameer iyo Dhegihiisa Umadda soomaaliyaa waa in ay taa ogaadaan ee meel looga soo wada jeesto.
Durba waxay bilaabeen boob iyo in dhuxusha iibsadaan. ka waran Jubbaland qayraad diro badan ayuu leeyahay oo ay ka faaiidaysan karaan. maxay geedaha u jarayaan oo dhulka u xaalufinayaan.
Kawaran kheyraadkaa Kismaayo oo dhan ninkii arki waayey oo dhuxul uun caqligiisa noqotay. ma qofkaasa laga sugayaa in uu wax hogaamiyo ama nabad keeno.
[...] DHAGAYSO: Dhoofinta dhuxusha oo ka bilaabatay Dekadda Magaaladda Kismaayo … [...]
Kkk wa wax lagu qoslo ninkan isku dayaye in u wariyayasha wax ushega hadane aad mooda in ay cuqdud buuxisay jirkisa wuxu wax ka shega wariyasha somaliyed gaar ahan kuwa muqdisho kali taasi jamal wa ku qaldanyahan sxb wa nin cuqdud qabiili heysatmn madama aan daremayo
Teeda kale yaan ogeeyn in kismayo kenya uqawatay hal qawiil qabiilkas waxa ka buuxa dad sharciga meel gaar ah ka taagan taane waxa sababayo dowlada iyada talaaba ka qaadi la kenya kenya wa in ay ka baxda magalada ciidamadeda la baxda madama argagixisada qaar kamid ah iyada garab la tahay axmed madobe iyo saxardid o qabyalad qaday wa argagxiso o dad qabiil iyo cuqdud ka buxdo
Dowlada wa in talaaba cad ka qaada nimanka kmg magalada loga dhigay ma aha inla jabiya hadalka madaxweynaha wadanka kenya sey rabta kama yelankarto dad gooni ahne kuma naasnujin karto dhaqalaha sharcidarada ah e dhuxusha qmidoba wa in ay maxkamad saarta sarakisha iyo madaxda kenya kenya waxey caanku tahay laalushka darogada sharcidarada taas wa in lagala xisaabtama sharci caalami ah aya ka yaala waxyalahas
[...] Warar ka yimid Kismaayo ayaa sheegaya in dhoofinta dhuxusha Magaalada Kismaayo ay bilaabatay isla markaana ay fasaxeen maamulka KMG ah ee magaalada. [...]
[...] ka yimid Kismaayo ayaa sheegaya in dhoofinta dhuxusha Magaalada Kismaayo ay bıla bilaabatay isla markaana ay fasaxeen maamulka KMG ah ee [...]