Saxafada Somalia waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay dilalka ,dhaawacyada ,barakicinta iyo is eedaynta dhexdooda ah. Waxaana xusid mudan in qof walba oo wariye ah oo ka hadla arimaha saxaafada Somalia uu farta ku fiiqayay qaladaadka ka dhex jira saxaafada.Inkastoo ay jiraan wariyayaal badan oo maanka ku haya sidii xal waara looga gaari lahaa dilalka wariyayaasha soomaaliyeed.Hadana aad ayay u yartahay inta qalinka u qaadatay in ay tilmaan ka bixiso wadada lagu gaarikaro xalka rasmiga ah.Hadaba waxaan isku dayi doonaa in aan toosh ku ifiyo waxyaabaha sida rasmiga ah u keeni kara waxyeelaynta wariyaha iyo sida aan isleeyahay waa lagu sixi karaa ama lagu baajin karaa dilalka joogta ah ee loogeysto wariyayaasha soomaaliyeed.
Mihnada saxaafadu sideedaba waa xirfad u baahan aqoon , waaya aragnimo, karti iyo hufnaan. Is biirsiga arimahaasi oo idil waxaa ay keeni kartaa jiritaanka saxaafad dhab ah oo dhexdhaxaad ah islamarkaasna runta ka sheegta waqtiga iyo waayaha .
Dunidaan casriga ah ee aynu ku nool nahay waligeed waxaa horseed iyo hormuud u ahaa saxaafada . Soomaalidaa waxay tiraahdaa “warbaa ugu gaajo kulul” taasoo marqaati ka ah in saxaafadu ay ka mid tahay baahiyaha koowaad ee aadanahu ubaahanyahay in laga haqab tiro.
Burburkii dowladii dhexe ee Somalia kadib dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax banaan oo isku howshay soo tabinta warar iyo barnaamijyo wax tar u leh bulshada.
Inkastoo talaabadaasi ay aheyd howl bilow wanaagsan ah ayaa hadana waxaa nasiib daro ah in iftiinkii warbaahined ee soo shaac baxay ay isku daboosho daruur huwan han qabiil ama mid shaqsiyaded waxayna arintu ku biya shubatay in idaacad walba iyo wargeys walba uu qalinkiisa ugu adeego danaha besha.
Hadaba si loo fahmo waxyaabaha ka dhacaya hareeraheena ee saameynta ku leh nolosheena iyo mustaqbalkeena ,islamarkaasna kor loogu qaado hal abuurka bulshada soomaaliyeed ,waxaa lagu qasban yahay in la helo saxaafad baahisa ama tabisa warar iyo warbixino xaqiiqda ku saleeysan iyo isgaarsiin tayo wanaagsan ku qotonta. Ugu horeyn waxa haboon in aan is waydiino:
waa kuma saxafiga dhabtaa ah?.
saxafiga dhabtaa waa kan qalinkiisa iyo aqoontiisa ku difaaca umaddiisa kuna shaqeeya habka dhex dhexaadnimada ah dareensana waxa ay umaddiisu uga baahantahay. Mar hadii aan isla garanay saxafiga dhabta ah waxaa lagama maar maan ah in aan is waydiino, Saxafigu yuu u adeegaa maxayse tahay shaqada uu qabto? Marka si qoto dheer looga hadlo saxafiga waa isku xiraha adeegaha iyo loo adeegaha , hadaan jilciyo waa madaxda iyo shacabka. Waxaad war kasoo qadaysaa madaxda waxaadna u gaynaysaa shacabka , Shacabka ayaad fartiin ka qadaysaa waxaadna ugaynaysaa madaxda. Mas,uuliyadaas ku saran waxa ay kuu cadeynaysaa inaad leedahay awood ama mug ka weyn tan ay leyihiin madaxda iyo shacabkuba waana taas mida laguugu wakiishay inaad labadaas u dhaxeyso.
Wariye waligaa ma isweydiisay inay shaqadaadu tahay sidaas islamarkaasna ay ku sarantahay masuuliyad la’mida tan saaran madaxda dalka?
Qaladaadka wariyasha:
1- background news : : Waa xiritaan loo sameyo hadba dhacdada uu wariyuhu war ka sameynayo , waana arinta ugu qatarta badan marka war la sameynayo balse wariyayaasha soomaaliyeed waxa ay ku kala tartamaan sameynta background-kaas
Tusale : wasiir hebal ayaa waxa uu qabtay shir”jaraa ‘id oo, uu uga hadlayo amaanka magaalo Heblo. Hortiis wasiir kale ayaa sidiis oo kale uga hadlay amaanka magaaladaas , Sidoo kale madaxweynaha ayaa bilo ka hor sidaas oo kale uga hadlay .
wariyayaasha jooga goobaha aan sharcigu ka jirin caado waxa ay u leyihiin in backgroundka warkaas ay ka dhigaan , ma ahan markii ugu horaysay oo amaanka magaalada ay ka hadlaan masuuliyiin ka tirsan dowlada ama hadalka wasiir hebal waxa uu kusoo adayaa kadib markii saas iyo saas.
Hadaba markaad xiritaankaas fiiriso labo qodoba uma adeegayo,
1- wadanka aad ka hadlayso iyo rajada dadka aad wax u shegayso uma raano
2- wasiirka aad warka kasameysay shirkisii ja”raa’id oo dhan waxaad ka dhigtay been iyo waxaan jirin waxaana fudud in wasiirkaasu uu ka xanaaqo Warkaas.
Talo : fadlan intii aad sidaas dhihi lahayd waxaa kaaga filan inaad tiraahdid : hadalka wasiir hebal waxa uu kusoo adayaa xili amaanka magaalo Heblo uu yahay mid la isku halayn karo ama u samee Warkaaga xiritaan macquul ah oo aan dhib kaaga imaanayn .
2- Isticmaalka Erayada : Marka aad dhageysatid idaacadaha soomaalida qaarkood waxaad maqlaysaa wariyayaal ku hadlaya hadalo ama erayo aan loogu tala galin in saxaafada loo adeegsado , Waxaana xusid mudan in ay jiraan wariyayaal si toos ah usoo qaata eray bixinta reer galbeedka iyagoo aan tifaftirin islamarkaasna ku xad gudba diinta iyo shaqsiyada qofka isagoo wariyuhu uusan ka lahayn dano gaar ah balse ay sababto aqoon daridu. Waxaana intaasi dheer in ay jiraan wariyayaal inta badan ku hadla hadalada suuqa looga hadlo.
3-Aqoon daro : Marka aad isku daydo inaad la shekaysato wariyayaasha ka shaqeya warbaahinta madaxa banaan waxaa kusoo baxaysa in ay yartahay wariyaasha leh aqoonta saxaafadeed. Waxaadna arkaysaa wariyayaal badan oo isku maleeya inay yihiin qatar ama xirfad yahano balse waxaan soo xasuustay mahmaah Oranaysa ” waxaad ismoday ma tihid ee waxaad tahay waxay dadku kumoodeen ”
Waxaan idinla wadagayaa sheeko gaaban oo na dhexmartay mid kamida wariyayaasha Muqdisho ka howl gala laakiin magaciisa sababo jira owgood aan u qarinaayo .waxaan maqlay wariyahaas oo barnaamij ka mida barnaamijyada kabaxa idaacad Muqdisho daadihinaya. Wuxuu ku wareysanayay wariyayaal kale oo Muqdisho la jooga. Waxaa laga hadlayay arimo quseeya saxaafada. Mowduucu wuxuu ahaa mid xasaasi ah. Laakiin wariyahaasi aqoon durugsan uma lahayn waxa uu ka hadlayo ,Maamulkii barnaamijka iyo qeybeyntiisa waxaa la wareegay qof kamida martidii.Kaba siidarane waxaaba su,aalo la weydiinayay warihii barnaamijka daadihinayay.,Waxaaba iga sii yabisay su,aalihii la weydiiyay ayuuba siday tahay uga jawabayay, Waan yaabay waxaan isweydiiyay maxaa qaldan? Waxaan raadiyay meel aan kala xiriiro wariyahaas facebookiisa ayaan markii dambe helay akhbaar ayaana u diray kadib waxaan ku saxiibnay facebook. Waxaan kala sheekeystay qaababka uu barnaamijyada u sameeyo waxaan weydiiyay shuruudaha laga rabo qofka barnaamij sameeyaha ah. Ninkii wuxuu ii fahmay si kale waxay naga gaartay meel fog waxaan isla mel dhigi waynay qaladaadku halka ay ka jiraan.Kadib waxay dantu igu kaliftay inaan raali gareeyo kadibna aan fahansiiyo habka diyaarinta.
4-Sharuur : Erayga sharuur micno ahaan waa khidmad ama lacag yar oo laga qaado qofka loo shaqeeyay wariyayaashana siyaabo badan ayay kusoo gashaa. Inkastoo wariyayaashu dhamaantood ay isla garteen waxa sharuuri ay tahay iyo misaanka ay ku leedahay qaladaadka wariyayaasha Soomaaliyeed. Ana intaas ayaan kusoo gaabiyaa sharuurta waayo waa wax aan wariyayaasha dhan lagu edeyn Karin. Hadii dhanka kale laga fiiriyana ay kawada simanyihiin wariyaasha caalamka .
Talo: waxaa haboon in la iska daayo shuruurta hadii ay ku dhaafinayso xaqiiqda jirta , Hadiise ay baahi kuu hayso inaad sharuur qaadato marnaba ha ka tagin inaad sheegto xaqiiqda aad indhahaaga ku aragtay ama laguu sheegay.
Awooda wariyaha:
1-Awoodaada wariyenimo isticmaal :wariyuhu ma ahan inuu shacabkiisa ama madaxdiisa uu ka cabsado sida wariyaasha qaar ay sameyaan. Wariyuhu waxaa uu leeyahay awood aysan lahayn madaxda iyo shacabku. Tusaale miisaanka labadiisa garbood ee wax lagu misaamo waxaa u dhaxeysa ul bir ah wariyuhuna waa ushaas oo kale oo kala celinayya labada qolo ee, uu, u adeego. Hadaba isku day inaad adeegsato awoodaada qarsoon una adeegso si xirfadaysan.
2-Shaqadaada marnaba ha ka tanaasulin: Intabadan wariyayaasha soomaaliyeed waxaa ay aaminsanyihiin hadii ay ku adkaato xalada in ay hakin karaan shaqada warbaahineed ee ay hayaan. Waa sax qofku wuu joojin karaa shaqada laakiin waxaa ka qurux badan in qofka wariyaha ahi uu u dhabar adeego shaqada uu umaddiisa u hayo waxaadna ogataa mar waliba inaad misaan culus ku dhex leedahay bulshadaada.
Dhamaad: Hadaba dhamaan wariyayaasha soomaaliyeed waxaan ku amaanayaa howsha ay hayaan iyo horumarka ay ka gaarayaan dhanka warbaahinta waxaana rajeynayaa inta dhiman ee qaladaadka ahna la xalindoono haduu alle idmo ana intaas ayaan kusoo gabangabaynayaa qormadayda todobaadkan amaana allah .
Wariye : Ahmed Abuukar “Azhari”
Malaysia , Kuala lumpur
Email: eng-azhari1@hotmail.com
Nin culus allaha kuxafido eeebow waxaan filayaaa inaa tahay nin waayo arak ahwaxaan kagartaa qoralkeega &walalkega jaahilka ah sida ugu faaidesay
waa suala mutan dadku na waxa ka ka dahaxeeya raiyi dadalkuna mesha kama marna had iyo goor waxa sharaf daro ah u dhimo 100$ iyo wax lamit ah ibso sum cadada iyo qaran kada ha egin mustaqbal kada iyo waxa ad higsaneyso haisku dayin in lagugu qoro bal dahab ah saxafadu waxay ku bad badaysa iydo an hun guri racuin ama aysan waxan jirin bun bunin hadi lagu siyo malayin ha gadan dhul kaga hoyo hadad u hiiliso dhulka wa ku hilin waa inuu leyahay iiman buxa meesha ad ku qadato lacagta waa meesha ad ku dhimanayso lastika ama aqirka waxa iga wano ah cadalad qofkeeda lama dilo wax na magaran
Walal waa ku mahadsantahay sidaa u ifisay waxa ka dhexjiro weriyayasha mugdisho ku sugan.
Tan xigta ani waxaa aaminsanahay wariyayasha ku sugan mogdisho in aay iga is dileen sababto ah mid baa loo hanjaba wili howshi bu ku dhex jiraa kadib wa ladilaa markaasee leyihiin marna hoowshinee ma u baajineeyno maxaa ugu baajin weeyday waa in shaqada la joojiyaa la banaan baxaa liis weeydiiyaa sababta loo dilay lagu dadaalaa si ayna markala ugu solamaaban arinkaas hadii aaysan sidaa u dhicin waxaa la aamina in aay mesha ka jirto kii dhintay asagaa dhintay maxaa iga galy cml.
Tan kale weriyasha waxaa au shegaa hadii laga dilo idacadaa joogtay wariye kale baa booskaa ka baxday keensanayaan labo malkin baa lagu sheegshegaya kadibna qofba meel kamaso qadeeysoo.
Mamulada idacadahana waxaa la sheegaa halkii wariyo oo laga dilo in aay calamka ugasaa qataan lacag xad dhaaf ah waxba ayna ka siinin cidii uu ka geeriyooday weriyahaas.
mahadsanid masuul sare.rayigaaga halacabsanin. Geesiyow noolaaw.
we cannot get solution untill somaali people unite