Sii hayaha Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Dawlada Somalia Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin ganacsatada qaar dalbadaan dhirta geedaha somaliya ka baxda aan nabaad guurino.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise waxa uu sheegay inay ganacsatadii kismaayo shalay la kulmeen dhamaantood ka codsadeen in loo fasaxo dhoofinta dhuxusha isagoo arintaasi ku tilmaamay damiir xumo ay muujinayaan ganacsatadaasi.
“Waa inaad fursad ka wanaagsan mid aad hadda ku doodeysaa sameysaan,ma ahan wax fiican in aad ka dalbataan dawlada nabaad guurka dalka hanoo fasaxdo ayuu yiri xuseen Carab ciise”.
Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga waxa uu sheegay inay ku baaqayaan in la iska iloobo gaar ahaan baaq ay ujeedinayaan dadka ku howlan jarista geedaha islamarkaana ka codsaday inay ku dadaalaan sidii ay fursad shaqo kale abuurtaan.
Hadalkan kasoo baxay dawlada Somalia ayaa kusoo beegmaya xilli wafdi uu hogaaminayo Xuseen Carab Ciise ay shalay tageen Kismaayo kulana ay la qaateen ganacsatada kuwaasi oo waxyaabihii ugu badnaa ee dawlada laga dalbaday ahayd in loo fasaxo dhoofinta dhuxusha.
Xasan Cabdullaahi
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk
Waa sax hala xayiro dhoofinta dhuxusha ayantaro weye dadka dalbanayo in hasuqa lawada ha la xirirkuwa
Waa sax in la joojiyaa dhuxusha dhulka daala waa in ciidamada rashinka loogu kariyaa ganacsatadan maxkamad lasoo taago oo diyaariyo kiiska xalufinta dhirta
Asc afkaga caano laguqabey cabdinar ciise wa warsirka gashan dhiga kuwa kule nofasax dhuxsha waxay uqalman inlatoogto wale wakuwa somaliya kadegiwaysey calamad kudhig o nosheg magacyadoda anaga nosogeli wabsedka wa kuwo alle kafurtay wana kuwa mudan inla toogto sitoos ah.
Kuwa laaya weriye yasha.magaranayan cida kamudan dilka o uqalma wana kuwa dhuxusha dhofiya e cadowgena dajiya dalkenana curyanka kadhigay wax ninka dilakuwas lakin ma.ogin mana naqan cadogena wale
Somalida maha isku aragti manaqan saxda iyo qaladka waxaa dilmudan kuwa gaarka inaga ah ee sidadban urogaya dalka iyo dadka e unugleyey cadowga e weliba ku indhacad e urka dowladena waxba e kuhadlaya andhofino dhuxusha away 30 sano xarantay shaqanayen waxad mudantahay hada inlagu dilo o anlagu asin munafaq.
marka hore dadku waaya arag ma.ahan oo qalad beey qalad kusaxayaan marka hore waxaa doqo nimo ah dhuxul dhulka taala oo jawaano kucabeeysan inlayiraahdo waala xayiray oo dhuxusha hadii laxayiray ma.geed beey noqoneey saa inteey meeshii lagajaray tagto miyeey geed noqoneeysaa runta halaisku sheego dhuxusha dano gaar ah ayaan uxirnay hala dhoho somali somali baaleh haduu tuugeeda wax kaxado asaga uun baaleh laakiin waxaa cawaaqib xumo ah xaalufinta laguhayo badeena oo aaysan qofsoomaali ah kafaaideey saneeyni isakabadaa dhuxusha somali uun baakafaaiday
Tii shisheeyaha kaligiis kafaaideeys tay lagama hadlin waa doqonimo iyo somali aan wax isku ogoleeyn igadheh marka aan garta gooyee maxaan kugooyay idheh waxaan kugooyay qalad qalad lagumasaxee hala fasoxo dhuxusha guban eedhulka taala oo hadii aan ladhoofin khasaaro tahay danna aan ugujirin kiilahaa iyo kaxayirayba dhir ama geed dambana aan lagaja rin gayigeena somali lagana wadashaqeeyo inlagajaro geed dambe iskadaayee inlanoo leeyo geedaha xall la.aana waxma socdaan caqli kudara
raga kudoodayo hanalo fasaxo dhuxusha nin wadanka udhashay kuma jiree baadhitaan halagusoo sameyo wadankana halagasaaro iyado waliba laga mamnuco abid inuna soogalin gudaha dalka soomaliya
[...] Xuseen Carab Ciise ayaa cod dheer ku sheegay in aan la ogolaan doonin wax dhuxul dhoofin ah gudaha magaalada Kismaayo. [...]