Yaa yiri ISBADAL baa dhacay? Yaa yiri marxalad cusub baa la galay? Yaa yiri murankii Madaxda waa laga gudbayYaa yiri Profyadan ayaa wax tari kara? Yaa yiri khilaafkii baa dhammaaday?Yaa yiri is qabqabsigii baa idlaaday? Yaa yiri is maandhaafkii baa haray? Yaa yiri waxaa la galay xilligii dib u dhiska dalka iyo dib u deginta dadka? Yaa yiri waxaa la gaaray bisayl siyaasadeed? Yaa yiri AL baa laga xoroobay? Yaa yiri … Yaa yiri… Yaa yiri….
Inaan weydiimahan dhigo inay dani ii sheegtay ka sokow, waxaan is leeyahay durbaankii la gaaracay Maalinnimadii Talaadada ee 28-ka bsihii Agoosto, ee la doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Jawaari, 10kii bishii Sebtembre, ee la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo 06-dii bishan lagu jiro, ee la magaacabay Mudane Saacid, daxashii ka dhalatay iyo mirirkii uu maanka u gaystay kolleey kama goyn kartide, armaad ugu yaraan burush Timo yix ka jilic marisaa, Suujinadu inaysan qaadmayn ma moogi, balse, waxaan is leeyahay armaysan ka darayn “Cayri caymo ma diiddee!”
Si aan digasho loogu qaadan, bal aan soo reebo qayb aan is iri, marka laga soo tago daacadnimada ay u dhahaan waxaa u wehliya duruufo qallafsan oo dalka ku soo maray, Kacaankii Luggooyo ee maalmahan la xusayeyna u gaystay, hadday dibadaha tageenna aan dayr fiican iyo daryeel wacan midna helin, dibna aaan loo soo gurya noqon karin, illeen Duqii waxaa ka daba maray lama arag iyo lama maqale.
Marka aan afeeftaa dhiibto ka dib, haddaan maalin walba u joogno warin wax dhacay ama la sheegay, ee aannaan la imaan caqli aan ku miisaanno sida, qaabka iyo hannaanku wax u dheceen ama loo dhahay, waxaa hubaal ah in maalin walba ay nala soo gudboonaynso midda hadda taagan oo kale, maxaa yeelay hore ma aannaan eegin, haddana ma aannaan eegin, gadaalna ma aannaan eegin, hawtul hamag iyo hayaan aan hadaf lahayn.
Dunidaan isdaba mari
Majarahay ku socotaa
Milicsiyo hummaag iyo
Saadaalyo muuqaal
Inaan meehaannawnaa
Maankeena maran iyo miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn Miraheeda weeyaan!
Ayaandarrada jirta baa ah, qormadu inay ku soo aadayso iyada oo wali ay socdaan mashxaradaha loo dhigayo kuwan is khilaafsan, waaba iga weydiin, ma mudan yihiin in loo alalaaso? Hadday taa haa, waa DHILAALKA DHAQANKA wax noogu hagaagi la’yihiin, illeen waxaanba u sacbinnaa wixii dhibkeena ah oo kaliya, haddiise ay maya tahay, maxaana keenay in loo sacbiyo?
Muruqeenna kala maqan
Muuqeenna kala jaban
Madmadowga badaniyo
Mugdiguna ku kala jiro
Maankeena maran iyo miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn Miraheeda weeyaan!
Waxaa muran ugub ama curdun ah ka dhex taagan yahay Madaxeyane Xasan Sheekh iyo Wasiirka 1-aad Saacid, waxaa la isku mari la’yahay tirida Golaha Wasiirrada laga dhigayo, Sagaal ama Toban waxaa ku dhaggan Madaxweyne Xasan, oo dabcan loo qiilin karo, balse, aanan anigu wali arag qiil i qanciya ama lala soo shir tagi karo, ugu yaraan Shan iyo Toban ilaa Siddeen iyo Toban waxaa taagan Wasiirka koowaad Saacid, oo ah sida caqligu keenayo.
Inta aanan sii falanqayn, su’aalaha ugu waaweyn waxay yihiin: bil is lama joogine, goorma ayey is khilaafayaan? Miyeysan wax ku heshiin inta aysan dadka u caddayn inay wada shaqayn doonaan?
Gaar ahaan, haddiiba ay ka go’nayd Madaxweyne Xasan inuu tirada Sagaal ama Toban meel marasho saw kuma habboonayn ama ma ahayn inuu inta uusan shaacin magacaabista Saacid shardi ahaan ugu xiro, si uusan caqabad ugala kulmin, anagana noo niyad dilin? Miyeysan ahayan niyad jab xun oo la billowday Xukuumadda Saacid? Su’aashuna noqonaysaa: imisa ayey sii jiri doontaa?
Marka laga soo tago yaa qumman yaa qaldan? Ma tahay xilli ay murmaan? Ma isla qaateen waqti ay isku qilaafaan? Ma wadaageen aragtiyo kala duwan ee ku addaan:
Nidaamka Beelaysiga “Federalka”
Sugiddaa ammaanka Dhismaha hayadaha dhaqaalaha
Dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka
La dagaallanka musuqmaasuqa
La dagaallanka argagixisada
Dhismaha garsoorka iyo cadaaladda
Dhammaystirka dhismaha dawladda IWM?
Marka warcelinta weydiimaha la isku soo duubo, waxay wada noqonayaan waa “MAYA” haddana, maalmihii la magacaabay weydiimo taagnaa baa jiray oo dhacdadan oo kale baajin lahaa inay dhacdo waa haddii la isweydiin lahaaye, sida aan hore la isugu weydiin bay iminka u maqan yihiin isla weydiimahan sare ku xusuni, marka laga reebo jawaabta iska cad ee ka imaan karta.
Anigaa masuul ka ah Adigaa masruuf raba Isagaa maciin u ah Annagaa muqaawila Idinkaan
midnimo rabin! Is maandhaafka jira iyo
Is mari waaga taagani
Maankeena maran iyo Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn Miraheeda weeyaan!
Koobidda tirida Golaha Wasiirrada soo socda, waxay qayb ka tahay dhammaystirka qaab dhismeedka Dawladda Soomaaliyeed, balse, taa macnaheedu ma ahan in tirada dhanba lagu soo koobo Sagaal ama Toban, kaba sii darane, ma ahan in Maxdaxweynuhu tira tobnaad ku taagnaado, haba ku taagnaadee, markii hore ayey u ekayd inuu Tarriiqad afka ka tolan ku taabto Ra’iisul Wasaaraha, waligeedba xilli aan la mudnayd ayaa afka la meermeershaa.
Marka laga soo tago Gobollada dalka ee maamulladu ka dhisan yihiin iyo kuwa aysan ka dhisnayn, haddaan Dawladdu Muqdisho talo ku lahayn Amisom la’aanteed, saw ma ahayn inay xoogga saarto sidii ay u badin lahayd ciidanka jaad walba uu yeelan karo, inta ay isku mashquulin lahayd tiraynta Golaha Wasiirrada? Alla maxaa la isku war la’ yahay!
Haddii aysan wali aragti ka haysan ama ku soo bandhigin sida laga yeelayo ciidanka Kenya ee waqtigii ay ka midka ahaayeen ciidanka Amisom ka dhacay, haddii aysan wali mawqif ka qaadan sida laga yeelayo deegannada Jubbooyinka, ee dhawaan Alshaabab isaga bexeen, ee aysan cidna ka qarsanayn damaca ku jira Kenya ee ku aaddan hadday noqoto maamulka deegaanka ama dhaqaale ahaanba.
Haddii aysan wali aragti ka haysan kuna soo jeedin sida laga yeelayo ciidanka Amisom qudhiisa, oo aysan wali caddayn xilliga uu baxayo iyo xitaa qaabka uu ku shaqaynayo, marka laga reebo in loo oggolaaday ka gadaallanka deeganno ka baxsan Muqdisho, haddii aysan wali soo bandhigin qaabka loo suugayo ammaanka Muqdisho iyo guud ahaan dalkaba, oo maalin walba lagu dilo waxgaardka Soomaaliyeed, ee isugu jira Saxafiyiin, Abwaanno, Fannaaniin, Odayaal, Ganacsato IQB, maxay is khilaafaan?
Dhanka kale, dawladda ma waxay u dhisan tahay in la isla wadaago mise in la is waydaarsho? Waxaan uga jeedaa, haddii Madaxweynuhu ku dhaggan yahay Sagaal ama Toban Wasiir, sidee ku dhacaysaa in beelo markii horaba gunuunuc qabay loo qanciyo? Kaba sii darane, haddii tiradu intaa dhaafi wayso waxay ka dhigan tahay Dawlad u dhisan inta dhisatay oo kaliya.
Haddii markii hore laga cawday in dawladdii hore ay saamayn ku lahaayeen niman la yiraa AALA SHEEKH oo xitaa Mahiga mar xusay, middan marka laga soo tago saamaynta ay DAM JADIID ku leeyihiin, waxaysanba soo dhaafayn afarta la magacaabay iyo irridaha ay ku jiraan, maxaa yeelay dal laguma maamulo ANAA IRI IYO IMA DHAAFTO! Midda socotana waa taa oo kale, ee armay ka fiirsasho u baahan tahay kuna habboon tahay?.
Muran dawlad noqon waa Madax noo samayn waa Manhaj gaara noo diid Hiddihii mudnaa iyo In la mooso Dhaqankii Maankeena maran iyo Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn Miraheeda weeyaan!
Madaxweynuhu markuu tirada Sagaal ama Toban ku dhagayo, waxay ahayd markuu magaalada Kampala ku qaabilayey madaxda Uganda iyo Kenya, inuusan iska soo fariisan ama iska soo istaagin goobtii uu ka dhacayey shirku astaan la’aan, halka madaxda kale uu mid walbaa garabkiisa surnaa calankiisa, keennuse meesha ka maqnaa!
Maamul aan hoggaan qabin Majarahii hagaayiyo Marjicuu u laabtaa Maankeena maran iyo Miyirkeena maqan iyo Maskax aan shaqaynayn Miraheeda weeyaan!
Arrinta kale ee muhimka ah baa ah, dunida waxaa xeer u ah, marka mudane Guddoomiye ama Madax Xisbi ku guulaysto xilka Madaxweynaha inuu iska casilo xilkii uu u yahay Xisbigaa, xaalka waddanka marka lagu dabbaqo, madaxweyne Xasan wuxuu Guddoomiye u ahaa Xisbiga Nabadda iyo Horumarka “PDP” walina lama hayo meel uu xilkaa ku wareejiyey sidii loogu shubay xilka Madaxnimada.
Dhanka kale, haddii wax lagu murmo ay jiraan waxaan dhihi lahaa waa dhaarin la’aanta Guddoonka Baarlamaanka, ee uu ugu horreeyo Mudane Jawaari, taa uu ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avvocato Caydiid Ilka Xanaf isagoona waliba ka cawday arrintaa oo yiri:
“Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba ku Xigeennadiisa ayaga ayaanba ahayn Sharci! Sababtoo ah ma dhaarin, sidaa darted, waxay ku joogaan Sharci daro!”.
Maarayn xumaataa Mashaqiyo abaar iyo Mawd wadara kaba daran!
Dhammaad.
F.G: Dhammaan tuducyada aan ku soo qaatay qormada, dhawaan ayey maanso dhammaystiran ku soo bixi doonaan.
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com
kkkk madaxweyne culusoow awal ayaan layaabanaa waxa meesha keeney waxaa labuuxo qabiil iyo qurun farmaajo muxuu ukeeni waayey amuu kaa magac dheerdaa iyo wax lamida lkn adeerkiis lee keentaye oo kaa aqoon badane hakaayelo waxaad walaaqaysid
Asc marka ugu horoysa soomaalidu madaxdeeda suxun baa waxloo tusaa haday khilaaf bilaabeyn ayagoo wili wax qaban dalka yaa umaqan dadka yaa umaqan wlh shariif baa dhaamay kuwaan balsa somaliyey mid ogaada kenya & itobiye maraykan kama shaqeynaan nabadaada haku fikirin waligee in ay wax ku qabtaan lugooye mooye yaasa kabixi karo madax is aamito dadka kala tagay qabiilka ow dilay gumoysi gaal door biday isjecleysii karo baaloo bahnaa balsa mar xaladda muu qato ma aha taa is eed horoy ugal ayaa muu qato ninkaan waxa ka hadalsii waa dhiig somali keynya horey uqaadatay dhulkeenii dadkiinii wiliba taa waxadheyr waxbo uma qaban dadka somalida eedagan dalkeeda jubaayika ha ogaadeen gumeysi baa lala doonaa masoo koobi karo qaabdarada haysata dadka somali alow noo hagaaji dalkeena dadkeena amiim amiiin
Dowlada fashilantay halaka tashto soomaaliyey calankeena baluugo wuu iska ilmeeynaa allow somali a daa umaqan
Warqaadey idinkaa kow ka ahaa wixi buun buuninaayey marka aniga wan ogaa wax an lagu dhisin xukun ilaahey wax lagu caro galinayo illahey iskuma raaci karno wadankana illaa lagu dhaqayo kitabka alle wax ka hirgalayo malahan
Uguhoreyn ani waxey ilatahay ninka waxansoqoray uma,arko aragti ineykatahay lkn waanin maser hayo qofkasto hadeyqarawgeeda soqorto waawarer marka hadad waxsoqoree wax dhadhanleh soqor tankale nimankaan gaalo kalkaalkaa anigu dowlad uma,aqaane wadanka kamatalindoonan insha,allah wadangumeysikujira dowladu kamajirto
Waad mahadsantahay. Waxaan leeyahay madaxweyne xasan ha is casilo in aanu jecelnahay
Zo, Jan, dat was weer even bijlezen.Geweldig, dat je zo’n goede vadaearrjg hebt gehad enne .we weten al wat je volgend jaar wilt een mooie doos met Breng je de kip nog mee ?? Of blijft zij daar voor een of ander goed doel ?Wel een zeer speciaal gebaar en dat na zo’n korte tijd al.Groetjes uit een nu, zeer nat Waalwijk.
bashiirow:calaacal muxu qaban,
anigu lama yaabani labada nin ee isqilaafsan oo ay bil lama filaan ahi u bilatay
waxa aad aragtana waxa kasiidaran waxa aysoo wadaan,
ee aniga waxa miyirkaygii iyo moraalkaygii dilay waa mesha dowlada lagasoo unkayey oo ah xoogsatada baarlamaanka layiraahdo
hadaan soo koobo KULU FIDNA CINDA BAARLAMAAN…
[...] Yaa yiri ISBADAL baa dhacay? Yaa yiri marxalad cusub baa la galay? Yaa yiri murankii Madaxda waa lag…October 31, 2012 NEWS IN ENGLISH [...]