Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faroole oo dagaal caalami ah lagalay Dr Gaas “Akhri Fadeexo ka dhalatay”

Waxaa maalintii shalay gaarey magaalada ganacsiga ee Puntland Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof.Cabdiweli Cali Gaas, oo ka soo kacay magaalada Qardho halkaas oo uu ku sugnaa saddex habeen isaga oo horey u soo marey Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.

Fadeexada kowaad

Kadib markii uu Raysalwasaarihii hore Prof.Cabdiweli Cali Gaas uu kasoo kicitimay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Muddug, waxaa safarkiisa dhanka dhulka ahaa mid si weyn ay amnigiisa u sugayeen ciidamo gaar ah oo kala yimid gobalka Mudug kuwaasi oo lagu celiyey Kantaroolka Koonfureed ee magaalada Garowe.

Warar laga soo xiganayo Madaxtooyada Garowe iyo waliba xubno kamid ah Wafdiga Prof.Gaas ayaa xaqiijiyey in Dowlada ay kula talisay Prof.Gaas inuusan ciidamo illaalo ah iyo Tikniko lasoo gelin magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa markaas u sheegey in gawaaridada dagaalka ee la socda uu uga tago Garowe, isla markaana Madaxtooyadu ku darayso hal mid, waxaana Garoowe uga harey laba ka mid ah garaawidii ka soo kaxayeysey Gaalkacyo iyada oo lagu darey hal gaari Tikniko ah oo ay leeyihiin ciidamada Madaxtooyada.

Intuusan Prof.Cabdiweli Cali Gaas soo gaarin magaalada Qardho maalintii ciida ayaa Madaxweynaha Puntland  u sheegay in aysan ahayn waqtigaan in uu ku soo aadiyo safarkiisa isla markaana aan loo baahneyn in uu dalka oo dhan wada maro,  maadaama ay jirto xasaasiyad siyaasadeed iyo xaalado amni.Prof.Cabdiweli ayaa ku adkeystey in uu dalka oo dhan marayo  isla markaana uu qorshihiisu ahaa in uu dadkiisa soo arko.

Raysalwasaaarihii hore ayaa ah qof  boos sare kaga jira Soomaaliya weli, waa Xildhibaan, waana raysalwasaarihii hore, waxaana bartilmaameedsan kara kooxa xagjirka ah ee uu Muqdisho kula dagaalamey, waxaana uu u baahnaa in loo ilaaliyo sida Madaxweynaha Puntland oo 15 tikniko ah ka yar aan Puntland ku dhex-socon karin, waxaana arrintaasi ahayd fadeexad haddiiba jidadka loo geli lahaa Raysalwasaarihii hore, madaama laga bilaabo Tuulada Yalho ilaa Konroroolka  Bosaso ay habeenkii soo galaan Kooxda al-shabaab ee ku sugan Buuraleyda magaalada Galgala dhacdo.

Fadeexada Labaad

Safarka Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya uu ku tegey magaalada Bosaso ayaa ka duwanaa kuwii hore, muxuuse kaga duwanaa?

Marka hore ee Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Bosaso ayaa amar ku siiyey dadka in wixii ka danbeeya saacaddu markey tahay 8:00 subaxnimo aan laga bixi karin magaalada qofkasta oo isku daya in uu baxana jidka laga soo celinayo, iyaga oo doonayey in aysan isu soo bixin dadweyne aad u faro badan oo soo dhaweya Prof.Cabdiweli Cali Gaas, laakiin taasi ma dhicin.

Dadweynaha reer Bosaso ayaa arrooryadii sii tegey Tuulada Daar-Salaam halkaas oo ay ku sugeen wefdiga Prof.Cabdiweli Cali Gaas, sidoo kale siyaasiyiin hore iyo saraakiil horey uga tirsanaan jirtey maamulka Puntland ayaa xoog ku dhaafey Kantoroolka halkaas oo dadka laga celinaayey.

Prof.Cabdiweli Cali Gaas markii uu soo gaarey degmada Carmo ayaa loo sheegay in dadkii loo diidey in ay soo dhaweeyaan oo jidka laga celiyey, waxaana prof.Cabdiweli Cali Gaas ku hanjabey in uu laabanayo, laakiin waxaa lagu adkeystey in uu soo galo Bosaso.

Maamulka Gobolka iyo kan degmada ayaa markii ay arkeen awooda dadka isu soo baxay iyo kuwa jiiraya Kontoroolka waxay ku khasbanaadeen in ay qayb ka noqdaan soo dhaweynta isla markaana ay noqdaan kuwo u horeeya ee wax u sheega.

Kadib markii Prof.Gaas la geeyey gurigii loogu talo galay ayaa waxaa halkaasi hadalo kooban kasoo jeediyey Raysalwasaarihii hore iyo waliba xubnaha ka socday maamulka, waxaana isla markaa kadib ay shir deg deg ah la galeen Xildhibaan Cabdiweli Cali Gaas, ayadoo lagu amray saxaafadda inay  banaanka joogto.

Maamulka ayaa isku dayey inuu mar hadii uu joojin waayey safarka Raysalwasaarihii hore ay bal xooga saaraan inay xakameeyaan dhaq dhaqaaqa dadka uu la kulmayo iyo goobaha uu tegi doono.

Fadeexadda Saddexaad kulankii Cabdiweli iyo maamulka

  1. Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed “Gallan”
  2. Taliyaha Qaybta Gobolka Bari Cismaan Afdalow
  3. Duqa Bosaso: Xasan Cabdalla Xasan
  4. Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdirisaaq Xareed ilbir

Waxay u gudbiyeen Prof.Gaas qorshe la rumeysan yahay inuu ka yimid dhanka Madaxtooyada Garoowe, kaas oo ah.

  • In uu kala diro ilaalada gaarka u ah Xildhibaanka isla markaana ay iyagu ilaalo u keenayaan
  • In uu shaqada si kumeelgaar ah uga joojiyo xog-hayntiisa isla amrkaana ay xog-hayn u keenayaan mudada uu joogo
  • In aanu la kulmi karin raga mucaaradsan maamulka Madaxweyne Faroole

Warar la helay ayaa sheegaya in Xildhibaan Prof.Cabdiweli Cali Gaas Raysalwasaarihii oo ka cudurtartey saddexda qodob, waxaana uu u sheegay in iyaga amniga guud xil ka saaran yahay laakiin dhalinyarada ilaaladiisa ah ay ahayeen kuwo ay muddo soo wada shaqeeyeen isla markaana Bosaso aysan waxba uga duwaneyn Puntland inteeda kale, sidoo kale Xoghayntiisa ayuu u sheegay in uu ilaa Muqdisho la socdey haatana loo baahneyn wax uu shaqada uga fariisiyo, Dhanka la kulanka mucaaradka ayuu sheegay in isagu aanu u imaan Mucaarad iyo muxaafad in uu dadka u kala saaro ee dadku isugu mid yihiin qofkasta oo soo salaamana soo dhaweynayo ka Xildhibaan ahaan masuul soomaaliyeed ahaana arintaasi aysan ahayn mid u cuntanta.

Fadeexadda afaraad

Isla habeenimadii xalay ayaa magaalada Bosaso lagu soo daadiyey ciidamadii ay tabaren shirkaddii lagala noqdey oggolaanshaha ee Saracen International, ciidankan ayaa si gaar ah loo dhoobey agagarka guriga la dejiyey Prof.Cabdiweli Cali Gaas oo ku yaala xaafadda laanta Hawada, waxaa halkaas ku yaala oo degan inta badan hay’adaha ajnabiga ah, Arintaas waxaa si weyn u dhibsadey hay’adda DRC Danish Refuge Council taas oo codsatey in ciidanka laga horqaado dariiqayada gawaaridooda iyo shaqalahoodi isticmaalaan, Isla habeenkii xalay ayey gaartey arrintaasi Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Dr.Augustine Mahiga.

Sidoo kale waxay dareen weyn ku abuurtey ilaaladii la socotey Raysalwasaaraha iyo dhalinyaro kale oo badan oo tagersan kuwaas oo sheegay in arintaani aysan ahayd mid la aqbali karo isla markaana haddii aan deg-deg loogu celin ciidanka Saracen xeryahoodi ay jawaab ka bixinayaan.

Subaxnimadii saakey ayaa ciidmadii la dhigey jidadaka guriga Prof.Cabdiweli Cali Gaas laga qaadey.

Sababta ciidamadaasi Badda ee tababartay Saracen loo soo hordhoobay Xaafada Laanta Hawada ayaa lagu sheegay in lagu doonayey in lagu horjoogsado dadka shacabka ah inay gurigiisa ku booqdaan Prof.Gaas, ayadoo maanta odayaal, nabadoono, siyaaasiyiin iyo bulshada Rayidka ay ku booqan lahaayeen guriga laga dajiyey magaalada Bosaso.

Fadeexadda shanaad

Dhanka kale warar kale ayaa tibaaxaya in Xildhibaanka loo geeyey 12 nin magacyadood kuwaas oo la sheegay in la xirayo ee aanu la kulmi doonin, waxaana ragaas magacyadooda ka mid ah ganacsadaha weyn ee Bosaso Liibaan Dheere iyo nin horey xoghayn ugu ahaan jirey Gen.Cadde Muuse kaas oo lagu magacaabo Faarax Gaab.

Fadeexadda lixaad

Waxaa maalmihii uu magaalada Qardho ku sugnaa Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof.Cabdiweli Cali Gaas shirar ku qabsan lahaa magaalada Bosaso qaar kamid ah beelaha dega halkaas, ganacsatadooda, siyaasiyiin iyo waxgarad kale waxaana ay ka arinsanayeen qaabka ay u soo dhaweynayaan Prof.Cabdiweli Cali Gaas iyo arrimo kale oo la xiriira xaaladda Puntland.

Shirka kowaad ayaa ka dhici lahaa Hotel Huruuse, waxaana ciidamo la tegey maamulka gobolka waana ay kala direen odoyaashii, mid kale oo ka mid ah isla Beelaha Bosaso ayaa codsatey in ay shirka iyagu la wareegayaan waxayna ku qabteen halka la yiraahdo Minisaariyo, laakiin maamulka degmada ayaa shirkaasna kala direy, ugu danbeyntii maalinimadii Axadii lasoo dhaafay ayaa beel saddexaad oo isla kuwa shirka laga baajiyey ah ay iyagu qaadeen masuuliyadda shirka waxaana ay ku casumeen guri ku yaala xaafadda Laanta Hawada, iyaga oo ciidan ay shirkooda ku ilaashanayaan goobta geystey kaas oo maamulku ka gaabsadey in ay farogeliyaan sida ay u farogeliyeen kuwii hore, beelahan ayaa lagu waday inay ka shiraan xaalada dalka  iyo waliba soo dhaweynta Prof.Gaas uu ku imaan lahaa Bosaso.

Shacabka ku dhaqan Puntland ayaa in badan oo kamid ah sheegeen in ay soo foodsaartey arrin  ay ugu danbeysey sanadihii Sidieetamaadkii, caburin, cagajugleyn, saxaafadda oo aan loo oggoleyn in aysan tegi karin meel aan maamulku ogeyn iyo in xarig la isugu hanjabo.

Dadka ayaa is weydiinaya Sababta maamulku u cadaadinayo dadka doonaya in ay soo dhaweeyaan Prof.Cabdiweli Cali Gaas, miyaanu xaq u lahayn soo dhaweyn, Cabdiweli Cali Gaas waxa uu dadka uu sheegaa in ay maamulka la shaqeeyaan amnigoodana ilaashadaan.

Si kastaba ha ahaatee Prof.Cabdiweli Cali Gaas oo safaro ku soo kala bixiyey Gobolada Mudug, Nugaal iyo Karkaar ayaa hadda ku sugan Gobolka Bari xaruntiisa Bosaso, waxaana uu doonayaa in uu arko qaybaha kala duwan ee bulshada, barto ogaadona xaaladooda iyo waxa uu la qaban karo ka muwaadin ahaan, waxaa la filayaa Prof.Cabdiweli Cali Gaas in uu booqdo deegaano kale oo ka tisran Puntland.

Source: Horseedmedia

28 Responses to Faroole oo dagaal caalami ah lagalay Dr Gaas “Akhri Fadeexo ka dhalatay”

  1. Joore Yare says:

    maxaa idin ka galay puntland dhexdeedda ku ekaado gadada qaawan ileen ilaahay dhulkii uu idin siiyey xoog baa la idin kaga heesataye

  2. waayoarag jecel says:

    war gas waaa muwaadin somalizeed ee haka boxo arimaha putland ama hadii aan nahay dowlada putland waaan dileynaa ninkaaas waayo waxa uu wadaa waa isku dir reer putland

  3. gaws says:

    caaceey caac. shaqo laan badanaa maxaa idinka galay hawlahaas labada nin ee ilma adeerka ah. beenta reer qardho ay buufinayaan ayay qoladaanina run moodeen. badda meelo laga kalluumaystaa jira hadaad badwayn been ah dhex gasho waad ku hafanaysaan webkan warqaad ahna taas ayaan u sheegayaa.iska hubiya intiinan wararka soo koobiyaysan

  4. abu ayman says:

    prof gaas waan nin ka bixin kara pumtland xalad aya ku jirto hada waa nin aqoon lah somali waxa la qeybasan kara hadii la qaato taladiisa ama la doorto isga prof gaas ah hormaka la filayo ninka gaasiin kara waa isga punltand

  5. abu ayman says:

    waa nin ka bixinkar xalad aya ku suga tahay prof gaas waa nin waxa la qeysan karo somali waa nin ku wanaagsan in loo dhiibo xilka puntland waa in la siiyo codka shacanka

  6. waamo says:

    waa beentiinii iyo boro bagaanadiinii

  7. Faroole waa dhigteetar weyn

  8. Maxamuud nuur says:

    Faroole waa kaligii taliyey

  9. Abaadir says:

    Waa warbixin ay san ku jirin wax been abuur ah waxaana qoray runtii qof la is dhihi karo waa qof la socda una dhuul daloola arimaha puntland.

  10. Duca qabe says:

    Detator faroole mybe he is dreaming a day

  11. mohamed says:

    damer iyo dhigtis aye inoyihin dadka ad shegesan ma.aha in ad kafalotan umadas nagaha ah

  12. wadani putland says:

    wa tuge hanadhafo gas wa wax hata hawiyihi an berah kufalan jirnay hata eysonecen marka ma anaga hatan nahay rer ptld ma wixi hawiye daremay oo cawska cuna miyan daremi weynay war mudane faroole nasodhafikan

  13. jamasay says:

    isma oga agoon iyo ninkidilay abahayd ismaoga farole iyo halku maray cabdulahi walee ismaoga

  14. Cadawe says:

    Waa ku ficantahay in sidaasi lola dhaqmo maxa yelay waxa layiri saxan saxan ku gud rer muqdisho xaqodi ayuu wata qabilkana wuxu ka horu mariyey mida qaranka farole shalay sxbo ahayene hada maxaa dhacay labadii xaqdaro ku hishisa xaqay ku dagalan

  15. Abuumuscab says:

    Way heshinayaan iyagu ismana qabqabsadan intabadan

  16. ABdifitah says:

    Alaha may kharajiyan kha.inka

  17. maxamud cali cumar says:

    Waxaan aad ugu faraxsanahay in la gaaray waqtiggi ay reer puntland isaga tuuri lahaayeen heeryada melleteriga qasabka ku heysta ,kuna sanduleynaya waxa ay rabaan kaliya.waxaan soo dhaweynayaa in shacabka ay tallabo ka qaadaan maamuladaas ku saleysan xoog ku haysashada shacbigas ,dibna ay u soo celiyaaan xorriyaddi shacabka ay ku dooran lahaayeen ciddey doonaan,isla markaana u noqon lahaayeen kuwa ka mid ah gobolada soomaaliyeed,waxaana u rajeyna shacabka puntland guuuuuuul insha allah.

  18. Wil Marexan says:

    Wil kadheh farole

  19. Mr ganacsade says:

    Halajojiyo fadeexada nimanka qoray shekadan wukhaldan yahay mamulka websit kan waxkast oo kadhaco puntland cidna uma bahna

  20. Hussein othawa says:

    Gaasr nin culus dheh farole shaydan iska oy dheh

  21. Liban abdullahi says:

    Walahi farole cid walba oo somaali ah ayuu sd sidan oola dhaqmaa wa wax dhaqan xun farole hadii aan laiska qaban wax weyn in laami th kidoonaa

  22. Maxamed cali says:

    Farole waxaaku dhacday foolxumo manaraban dadka reer butland. Awelba ma usan ahayn ciduu shegto wa jareeta shabele dega wufashil may ha kacararo wadanka la ogaaye

  23. Qotansay says:

    Ninkii talo la wada lee yahay isa siiya kaligis bu soo hara waliba iimay baa lagu aasa ama nayjeriya hadba meeshay gayso . Marka waxan dhihi laha casriga ha lala Jaan qado putland uma baahna alshabab ee waxay u bahan tahay Kuwait oo kale

  24. yarka sandka says:

    FAROOLE TIME IS OFF

  25. bare says:

    WAA SIYAASAD WAXAN

  26. Qaasin bay iyo bakol says:

    Dadka reer puntland waxaan kula talin lahaa ineysan deegaanadooda bur bur uhorseedin ayna ka hortagaan wax walba oo bur bur sababi kara’ dhinaca kale siyaasiyiinta doonaya madaxtinidamada puntland iyo kuwa hadda madaxda ka ahba ayagana waxaan usoo jeedinayaa iney eegaan danta dadka iyo deegaanka lkn eysan eegin dantooda gaarka ah

  27. Doomkow says:

    Walee dad isma yaqan ee hadda leys baran, cise riyoole godkisa ayey biyo ugu so galen “farole ” tuug dheh.

  28. Museelama says:

    Asxyaal waxaan idiin sheegayaa in aad ka hoostihiin idinka kuwaa waxmo karatada ah ee aad ku murmaysaan iska dhaafa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII