Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sidee Dalka Soomaaliya Looga Saari Karaa Liiska Dowladaha Fashilmay ee Caalamka !!!

Xalka dhibaatada ka jirta ama heysata dadka soomaaliyeed laguma soo koobi karo maqaal kaliya laakin waxaan isku dayayaa intii aan awoodo inaan iftiimiyo ilaa xad, walow wax kasta oo caalamkan ka jira uu allah xalkooda haayo

Soomaaliya wexey hormuud u tahay wadamada aduunka looga yaqaano dowladaha fashilmay oo eey safka hore kaga jirtaa waxaana taa sabab u ah soomaaliya oo aan leheen dowlad awood leh ilaa dhicitaankii dowladii kacaanka ee mudane marxuum maxamed siyaad bare sanadii 1991kii.

waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha fashiliyey shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda ba dagaalo sokeeye oo ahli ah iyo qabyaalad jeceyl oo waliba qabiilka uu aasaasi ka noqday dhaqanka umada soomaaliyeed ama muqadas.

Soomaaliya ayaa moodaa hada sidii hore iney wax xoogaa ah dhaanto taasna uu mahadeeda allaah leeyahay markastana umada waxaan u sheegayaa inaan laga quusan naxariista allaah.

qodobadan soo socda waa qodobo aan is leeyahay hadii sida eey tahay loo fuliyo waa laga gudbi karaa dhibaatadan xidideeysatay ee ku habsatay dalka iyo dadka soomaaliyeed:

1} In la helo dowlad caadil ah dadkana ku dhaqda kitaabka allah

2} In la helo hogaan u qalma inuu dalka hogaamiyo lehna karti hogaamineed sida madaxweyne aan caajis badneen aan jilcaneen misna aan ad adkeen laakin ah madaxweyne dhaxdhaxaad ah lana jaan qaadi kara caalamka casriga ah.

3} In la helo ra’isul wasaare firfircoon soona dhisa xukuumad tayo leh ileen waxa fashilyey xukuumadihii hore waa gole wasiiro aan tayo leheen oo kaliya magac ku joog ah taasna in laga foojignaado.

4}In laga shaqeysiiyo xafiisyada iyo xarumaha wasaaradaha oo eey dadka helaan tacaamul toos ah iyaga iyo xukuumada oo aan loo kala tarjumeynin.

5} In la dhiso hey’adihii aminiga qaranka iyo difaaca si loo helo ciidan qaran oo xoogan sida ciidankii xooga dalka soomaaliya oo sumcad ku dhex lahaa caalamka gaar ahaan afrika loogana maarmo ciidamada shisheeye sida kuwa amisom.

6} In lala dagaalamo musuqmaasuqa iyo is daba marinta maxaa yeelay waxa wadankeena fashilieyey waxaa kow ka ah musuqmaasuqa oo waxaa yaraaday dadkii eey ku jirtay ruuxii wadaniyadnimo iyo alla ka cabsiga oo inta badan dadka umada horbooda ama hogaamiya ayaa jeebka iska geshta wixii wadanka iyo dadka wax loogu qaban lahaa.

7} In la hormariyo ilaha dhaqaalaha iyo caafimaadka taasoo muhiim u ah dhamaan dadka gaar ahaan danyarta.

8} Ugu dambeyn in la helo dad diyaar u ah waxaas aan soo sheegay oo waxaa lagu xantaa dadkeena soomaaliyeed ineey la qabsadeen dhibaatada iyo rafaadka eeysan weli u bisleen nabada iyo hormarka intaba.

Waxaasoo dhan waxaa sahli kara dowlada haatan la wada sugaayo oo looga fadhiyo howl adag maadaama uu wadanka u baahanyahay shaqo adag si looga saaro liiska wadama fashilmay.

C/fitaax Maxamed Daahiye{Injey}
daahiye9@hotmail.com
Khartoum Sudan

9 Responses to Sidee Dalka Soomaaliya Looga Saari Karaa Liiska Dowladaha Fashilmay ee Caalamka !!!

  1. Carab yare says:

    Guuud wan idintagersanahay qodoba qaar : Q 10 in laga fejegnado dhaqarta rer galbedka wayo allah aya ino shegey inay nadhagrayan waxan wey waxa ay labtoda kuqarinayan

    • Osman Axmed Yusuf/NAMUKHA. says:

      Run waxa ah,markaad dooneysid in aad wax kala saarto ay lagama maarman tahay in qofkaas uu yahay mid u indha darreen badan o focuska saari kara halka bukta.Markaas iyada ahna aragtida ma aha midda indhaha labada ah,ee waa indha qarson(intellect),taasina waa in ay tahay dammiir adag isla markaana waaya aragnimo leh isuna dhigma,Akhyar ah oo xishooda ama qajila.Dhimasho ka xiga in qalad ka dhacay lagu sheekeysto ama dhiig badan daadiya ama yatiim{AGOON} u ku baahdo,wax difaacayana u aha kan xilka qaaday.Marka u horeysa talada ha qabto ka u ehelka ah(AKHYAAR),Tan xigta qof xil in lo doorto raadiya laga diido.Lakin kan loo doortana uu murugoodo,mudanna in loo tacsiyeyo.Runti waxa ah in muuqaal ahaan muslim aanu ku sifeysanahay hase yeeshe ma saxba?.Wadan ma xumaado ee dadkiisa aya xumankara,waxana u sabab ah,kuwa loogu magac daray Odayaasha|Duqowda|cirolayaasha iwm.Kuwaas iyo gacan adag o naxaris lahayn lagula dhaqmo kuwa sida fudud ku gala dambiyada.Tan ugu muhiimsana waa in la isku xukumo[ALLEYSA LAAHU BI AXKAMIL XAAKIMIIN?].Diinta islaamka oo dhab ah.haddi lo baahdo wan wadi doona,insha Allah.

  2. Issa fantastic says:

    Warqaad,thanks alot for your enlighting us this valuable information from our home land

  3. Canjel viva says:

    Daahiye wuxuu sheekay waa possible maxa yeelay somalia waxay kamid tahay wadamada ku fashilmay dhinica dowlad la aanta but still we have time to make

  4. Maxamed cali says:

    Asc somaliya diinta oo markale lagu sodabalo moyee rajo kama qabno wa inteena kitabka alle aminsan kuma waari doonto dowlad gumeste ah abdiked horayna uguma warin hadana hakasugina!

  5. Fanole says:

    Fikir wanaagsan lakin kitabka inlagu xukumo somalia iyo somalhda wadaede lomara? Qabnoce aya lowafajini sharecada iyo dowlada casri ah.?wa sualo ubadan iney umada somaliyed kajawaban.

  6. cade garad says:

    Thank u mr Dahiye for ur contribution of valuable sugestion for somalis n that is what every somali man n woman is expected to do instead of clanism n opposing against each other for religious sects.becoz our religion is islam n we all belong to one tribe i.e somali.thanks

  7. Qalin laawe says:

    Thans warqaad 4 ur gd idea and i hope one day allah will lead us the right bath…

  8. jamame says:

    waa in laiskusamraa oo diinta laracaa oo wadanka aaqibo loo yeelaa wadanka waa wadan somali kudhofo kadhaqaqda lagadayaa nin walba xil ayaa kasaaran asc

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII