Marka dhagahaagu kusoo dhacaan ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed, waxaad dareemaysaa farxad, waxaad dareemaysaa kalsooni, waxaad dareemaysaa neecow gobanimo, Waxaad dareemaysaa awood aad ku kalsoonaan karto oo kaa difaaci kara cadawga umada soomaaliyeed,
Rag fara badan oo sharaf badan bulshada ku dhex lahaa kana tirsanaa ciidamada qalabka sida ee soomaaliya,ayaa u naf waayay difaaca sharafta iyo karaamada umada soomaaliyeed, burburkii ku yimid kow iyo sagaashankii ciidamadii qaranka wuxuu nabaday, dhibaatooyin badan oo aan lasoo koobi karin, umada soomaaliyeed mar walba waxaa laabtooda ku taagnaa in ay helaan ciidan qaran oo badbaadin kara sharaftooda umadnimo,
runtii askariga dhabta ah ee xalaal quudadka ah wuxuu qabtay howl dhaxal gal ah, maalin walbana dhaayuhu waxeey arkaan ama dhaguhu maqlaan, horumar balaaran oo ay gaareen ciidamada qaranka, bad dhanse waxaa qurmiya hal kaluun ah, taasoo macnaheedu yahay, kuwo fara kutiris ah ee haybadii iyo karaamadii ciidanka ka door biday, bililiqaysi iyo kufsi, kuwaasi ma garan karaan xilka dhabarka u saaran iyo sida ay u gudan lahaayeen.
Waxaan u sheegi lahaa ninka sheeganaaya ciidan qaran hadana fara xumeeynaaya gabar soomaaliyeed, walaashiis, hooyadiis, inanta uu dhalay iyo tii u dhixi lahaydba wuxuu baday ciil wuxuuna u gooyay xeer aad u xun mana mudna in laguugu sheego xooga dalka, waayo magacaas waxaa qaadan kara qof xalaal ah.
Waxaan ugu baaqayaa dhamaan ciidamada qalabka sida in ay u istaagaan,sideey isaga dhex qaban lahaayeen la harka magacooda iyo mansabkooda dilaaya, isla markaana u arkaan cadowga ugu wayn oo ay leeyihiin midkaas aan iimaanka lahayn. Hadaase iska qaban weeydaan oo aad dhowrataan dhiigiina daadanaaya ee aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina, wuxuu noqon doonaamid iska daata oo aydaan wax sharaf ah ku heli doonin, waa ineey idin dhibtaa hadalka xanuunka badan ee ah ciidamada dawladaa gabadh soomaaliyeed kufsaday, wax aad qadan kartaan yay noqon.
Waxaan ugu baaqayaa dawlada cusub ee soomaalieed, in ay gacanteeda koowaad saarto, cadawga gudaha, ee bulshada gudaheeda ku dhex wada bililiqada iyo kufsiga. Tan labaadna kuwa diidan in ay soomaaliya dawlad yeelato, waayo kaas wuxuu dilaayaa karaamadiina iyo sharaftiina, hadii aan maqalno ciidamada qarankaa magaaladaas qabsaday, waxaan dareemaynaa in dawladu qabsatay magaalo hor leh, hadiise aan maqalno ciidamada dawladaa gabar kufsaday, maxaan u qaadanaa?. Waxaan idinkula talinaayaa in aad xooga saartaan difaaca shacabka, oo aad aad uga xanuunsataan waxa uu falaayo damiir laawaha.
Ciidan dawladeed ma aha waa cadawga dawlada. Wax lagu aamini karana mal aha kan kufsanaaya gabdhaha soomaaliyeed. Hadaba waxaan ka codsanaynaa dawlada soomaaliyeed doqnada wax magaradka ah in ay ka qaado talaabo aad u xanuujisa.
Waxaan codsanaayaa in la, iga cafiyo wixii qalad ah ee iga dhacay, ogoow waxaan ahay wanaag doon.
W/Q Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur
nasri2014@hotmail.com
Sxb wasida ayada ah mado nayno qof damirlawe ah dacayad ben ahna habahinina wararka wa in lagu kahso nada
manta ayad wax saxah qortay weligaa sxb wana cadow mahane ciidan maha
acs dhamaan umada somaaliyeed meelwaba ay joogaa waxaan kuboorinayaa in ay iska iloobaan wixii dhacay kana noqdaan walaal is jecel oo cadawgooda garta ninka gadhaba soomaaliyeed kufsanaa waa xayawaan aan damiirlahay miyowsan ogayn in aytahay walaashiis waa dameer axmaqa dhamaanteen aan allah utoobadkeeyo ciqaab allaah ayaa nagudhacday marhore waa in ninkii shacabka dhibaateeya cadaalada lahorkeenaa. somalia long life when ever
Subxanalaah stbxanalaah waa arin yaableh burcadkaas ayaa lagu leyahay waa askare qaran! War meesha waxa jooga waa munafiqiin insha’allaah kuwaan waa la iska qaban donaa, gabadha waxaan leyahay iska sabar, sabarka badso
Asna hala kuf sada mur.tatka
Maxad umaleysen somaliyey xaqa inusan sonoqoneynina wallah wusonoqoneya xaqqa ilahey badilkna ma baqi yelayo insha allah telex tirayada tawxidka lataga waye
Waa wax laga xumaado anoo jooga magaalada addis Abba ee etoobiye askari soomaaliyeed oo gabar kuf sanaya hadana waa laga daranyahay oo nin ba meel buu kufsaday mid diintii ka been sheegay iyo mid kimaayo yiri kenya baa maamul u dhiseysa kuwaas baa ka daran
Wuxu ku leyahay sharafti somaaliyeey war sharaf iyo qaranimo iyo wanaag xaguu yaalaa somaaliya wey dhimatay madaxda waa tuugo ciidaanka kaba daran shacabki waa qabiil wariyaashina waa dhuuni qaatayaal waxa somaaliya ka difaacayo cadowga waakee oo ahayn alshabab waa wilal halgamayal ah o is dhar sadey damiirki somaaliyeed iyo dad nimo wuxu ku danbeyaa wa shababka marka yan layska dhigin salim nin askari ayaa gabar soomaaliyeed kufsaday yaad ku beer jilic sanee idinkuba warqaadey so mataager taan gaaladan ku so dushay dalka e mab da wadato maxad isaga dhigey saan wadaniyal aniga waxan qabaa wariyasha ka hol galo somaaliya in la laayo kur tigood ilaa kuwa garabtagan walaalaha shabab mooyee
Mashaa allahuye waa wamahadsantahay
Ciidankii kufsada gabar walashis ah guska mali haka gasho wuxu dilaya magaca xooga dalka somalia ma,usan wayin mid uu kahelayo waxa qaldan ee uu radinayo muxuu ugu ciyarayaa gabdhehena sharafta lah ilahay gabdhaha hanoo xifdiyo dawladu tilabo aan horay loo arag waa inay kaqada wuxushta laga so diray melo anan carababeyn ee lagu yiri sumcada muqdisho sodila
Asc dhaman umada somaliyed. Hadan kudo galo barnaamijkan Naag la kufsado iyo dad la dhaco iyo guri la bilili qaysto hawiye ugu imow hadana hawiye ayey maamul udhibeen! Somali hawiye ayaa saan ugalaye hadana madaxweyne ayey ka dhigen! Tankale yaa cadaalada horkeeni kara moryaan hawiye cadaalada isagaa kasareyo? Ruxi dhahaa cadaalad ayan ku horkeeni madaxuu ka jabini isagaana cadaalada la horkeeni intey hawiye madax yihin dawlad lama helayo taas maankina ka bixiya
wa saqajaan wuxuuna sharaftooda ku ciyaarayaa ciidanka qalbka soda waana in ay island qabtaan noocaa oo kale
Waa askarta dowlada ,lakin waa qaayin ahna cadowga dinta.
Waxaan oran lahaa waa khaain
kucayaaray magaca diinta, soomaalinimada. baniaadanimada,
iyo xishood kaba waana wax ay caadeysteen umada uu maankooda gaaban yahay
waana wax mar waliba soolaalaabto maadaama uu dalku
lahay sharciyo iyo kaladambeyn
na kilamtu anafanya vile anataka
asc
A.s.c.arintan lashega waa bara bagando waxana lesku nacsiina ciidanka qalabka sida iyo shacbiga somaliyed marka waxan oran lahay warka daaya dadka benta somaliya waxa lagala dagalama qalinka iyo afka iyo qoraga shababna waa la lenyna?