Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Siyaasada magacaabida RW :Ka-daroo dibi dhal ! ( All sheek ilaa dam-jadiid) –Sir Culus

Waxaa ay somali u dhaqaaqday loona doortay isbedel waxaa la doortay madaxweyne siyasada ku cusub, madaxweynihii loo hanweeynaa oo u muuqday nin daacad ayaa waxaa ku qaadatay bil ah inuu soo magacaabo qofkii ugu horeeey ee magacaabi lahaa .

Hadaba waxaa doonayaa inaan shacabka soomaliyeed u soo bandhigo sababta ay arintaasi ku dhacaday aniga oo xogogaal ah u ah wixii dhacay Madaxtooyada soomaliya , kadib markii uu waramay qof ka shaqeeya madaxtooyada oo aan dooneeynin in magacuusa la shaaciyo. waxaa madaxweyne Hassan sheikh qabsatay laba daran mid dooro. Waxaa markiiba soo baxay sedex awoodood iyo arimo badan oo siku miliqsan oo tartan kuwada jira, doonayaana inaay iyagu madaxwenaha talidiida gacanta ku hayaan.

1.Islaaxa dhiiga cusub ( Dam-Jadiid)

Maalmo kadib markii madaxweynaha la doortay , waxaa u soo baxday dam-jadiid in madaxweynuhu uu la dhacsan yahay islamarkaasna uu doonaya shaqsi ay shacabka soomaaliyeed la dhacsan yihiin islamarkaasna lagu maleeynayo karti iyo hufnaan.

Waxaa shir degdeg ah isugu yimid wadaad siyaasadeedka al-islaax ( damu jadiid) waxaa ay goaansadeen in RW iyo golahooda wasiirada diyaarsadaan kana miyaamdaan asxaabtooda.

Waxaa qalinka lagu boobay qofkii noqon lahaa RW oo ay markiiba u doorteen in laga dhigo shaqsi ka soo jeeda Beelaha reer Gedoodka iyo Caabudwaaq oo ka mid ah DJ, arintaas oo madaxweynuhu ku diiday in wadaad dam-jadiid ah uu magacaabo Taaso shaki badan gelineeysa reer galbeedka, kuna raacay goaanka danbe ee ahaa in ay wasiirada muhiimka ah soo diyaarsadaan kuna qasaan rag iyo dumar aad DJ Ka tirsaneeyn laakiin. fikirkooda raacsab. Waxaa muuqatay in DJ ay goaansadeen wax aysan la socon inanay ka hir gelin madaxtooyada soomaliya irid walbana dhigeen DJ. waxaa oo kale dhacday in damu jadiid ay madaxweyaha ka riixeen fikirkiisii siyaasadeed ee inuu wadan wax qabto ummada oo kaliya , waxaa ay u sheegeen inaanu marna keenin nin magac weeyn ku leh soomalida dhexdeeda taaso dhibaato hadhow uga iman karto awoodiisa madaxweynaha iyo dhismaha golaha wasiirada. Sidaas darteed hadii uu diiday RW Dam-jadiid uu raadsado RW kale oo saraaxada siyaasad a ku cusub, caano madaad-shena ah. 

Waxaa kale oo dhacday in DJ ( Dam jadiid ) kula taliyeen inuu ka leexdo RW La yaqaan kasoo ay yiraahdeen Qatar weeyn ku ah ku musharaxnimo mustaqbalka 2017 oo laga yaabo inuu madaxweeynuhu noqdo nin magic u yaal ah RW uu noqdo nin kula tartamo mustaqbalka sidii sh shariifaba ku dhacday.

Ragaas ka tirsan la taliyeyaashiisa ah oo dam-jadiid oo kaliya aan ahan ayaa ku yiri madaxweynaha waa inaad magacaawdo RW Sida ugu dhaqso badan ka soo jeeda beesha shacabka muqdisho la dhacsan yihiin si ugu kicin oo aanay uga soo horjeesan kuna wareeraan wixiii ay sameeyn lahaayeen waa sida hadab dhacday.

Damu –jadiid waxaa ay madaxweynaha ku handadeen in hadii uu hogaansami waayo meel cidla ah kaga dhaqaaqi doonaan.

Waxaa la isla ogolaaday in tartamayaasha Jagada RW loo geeyeyo liiska golaha wasiirada damu-jadiid ay jeclaan lahaayeen tasoo labo ka mid ah tartmayaashii RW ay diideen in wasiiro laga hadlo iyada oo aan la magacaabin Wasiirka koowaad arintaasi waxaa aad uga careeysiisay hogaanka dam-jadiid iyo rag dal yo dibada uga xiran madaxweeynaha . madaxweeynaha oo Talo ku cadahay ayaa kadib u dhoofay baydhabo.

2. Cadaadiska wadamada dariska ah.

Inskasta oo madaxweynuhu meel iska dhigay cadaadiska dalka keenya , oo ay hoos ka wadaan raga ay dhalashadoodu Somali tahay oo keenyaan ah oo doonaya in ay beel ahaan u qabsadaan jubba land iskun xiraan xukun ay iyagu leeyihiin ee isheeysta min jubbada-keenya wajir-ilaa Jigjiga, hadana waxaa madaxweynuhu aad ula yaabay shirar isdaba jooga ah oo ka socday safaarada itoobiya ee muqdisho , oo ay ku kulmayeen , taaageerayaasha shariif sakiin ee laga raayey iyo xulafadii itoobiyaanka , waxaa shirarkaas intooda badan jooga RW cusub hada la magaacabay ee saacid faarax garaad. Waxaa shirkaas gudoominayey Safiirka itoobiya Cabdicasiis Ahmed aadan “guruguru” oo isagu ah nin soomali sheegta dhalashi ahaan laakiin tigeey somaali ku dhex koray ah iyo general Gabra Dila Gudoon oo soomaliya aad looga yaqaan.waxaa uu cabdicasiis madaxtooyada inoogu yimid ayuu yiri qofkaan inoo waramay in ka badan 13 jeer tan markii la doortay madaxweynaha cusub oo hada jooga bil kaliya . waxaa habeen kasta guriga safaarada oo ku dhexyaala madaxtooyada lagu qabtaa qayilaad rag iyo dumarba ah habeen kasta , marmarna waxaa uu yimaadaa marka qaadka uu ka soo koco isaga oo aan balan uu lahaa aysan jirin rag kale duwana ay waheliyaan. 

Waxaa uu madaxweynaha soo gaarsiyey intii uusan baydhabo aadin In wafdi ka socda dowlada itoobiya ay doonayaan in ay kula kulmaan magaalada baydhobo , kana soo duulayaan addis-ababa taasoo uu madaxweynaha soo gaarsiiyey safiirka somalida ee itoobiya saacado ka hor inaanu ambabixin. Kadib markii la tagay bayshabo oo ay dhamadeen arimihii gobolka loo tahay waxaa uu madaxweynuhu si gooni ah u arkay wafdigii Raisal wasaaraha itoobiya waxaanay u dhiibeen warqad ay ku qoran tahay in dowlada itoobiya dooneeyso in Saacid faarah garaad loo magacaabo RW soomaliya islamrkaasna ay ka soo dhameeysay inaanu waxba ka oran Karin Dr. Cabdiraxmaan faroole , madaxweynaha puntland. Oo habeen ka hor saraakiisha itoobiya ogoleeysiiyeen. Waxaa kale oo loo sheegay in hadii uu magacaabi waayo ay ka baxayaan magaalooyinka ay soo galeen ee Hiiraan/ beletwein iyo iyo bay iyo bakool/baydhabo. Oo arintu noqon doonto meeshii ay joogtay 4 sano ka hor Arintaas waxaa ay madax weynaha ku noqotay yaab iyo amakaag.

Intaas kadib ayaa madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtay magaalda muqdisho oo la tashaday la taliyeyaasha islaax/DJ iyo rag kale oo ku dhow dhow waxaana lagu goaansday in si arintaa loogu raali geliyo wadamada dariska al magaaaco sacid faarx garaad. Sidaas darteed ayaa madaxweynaha oo ka xun magacaabay saacid Faarax shirdoon. Waxaa markaas kadib mar isku raacay inaan lagu dhawaaqin maalintii jimcada ahayd oo la filayeyey ee 5 octoobar. Waxaana laga baqay in shacabka ay mudaaharaad ka sameeyaan arintaan oo aan wax la qaadan Karin ah. Madaxweynaha oo markii uu ku dhawaaqayey Saacid faarax garaad waxaa uu yiri waa la arki doonaa hadii uu wax qaban karo . taasi waxaa ummada soomaliyeed u cadeeynaysay inaan magacaabidaan isaga ka iman ee ay tahay mid lagu cadaadiyey.

3. Cadaadiska dowladii RW cabdiweli iyo Faroole

Markii loo sheegay in Cabdi weli gaas aanu ahayn RW cusub, kana imaamneey beeshiisa waxaa uu degay staratajiad ah in aanu booska qaban rag uu filaayo inaay wax la yaqaan qaban doonaan soomaliya iyo muqdisho gaar ahaan, qof kasta oo siyaasada baneeya waxaa uu jecel yahay inuu ka danbeeyo mid liita oo wax ma tare ah . waxaa cabsi badan iyo walwel galisay in baaritaan gelin doonaan wixii dhacay sanadkii la soo dhaafay iyo meeshii ay hashay dhaqaalihii ee ciidamada iyo shaqaalaha dowlada mushaarkooduii loo lunsaday. Hadii ay yimadaan rag dowald yaqqaan ah. Waxaa uu geed dheer u fuulayinaan marna la soo celin booskiisii hore, waxaa uu saacid ku abaal mariyey inuu tageerayo in asiga lagu bedelo hadii uu balan la galo waana lagu heshiiyey. Saacid faarax garaad , Caasho xaaji Celmi ( asha Neero) iyo cabdiweli Maxamed cali waa saaxiibo dhuusamareeb ku soo wada koray.waxaa ay kawada baxeen kuliyadii dhaqaalaha ee soomaliya. Goaankaas oo meel la isla dhigay ayaa beelo daarood u badan uu cabdiweli soo abaabulay madaxweynaha ula tageen sidoo kale madaxweynaha lagu cadaadiyey inuu saacid ku bedelo cabdiweli Cali gaas. Ha yeeshee meesha saacid faarah garaad marna kama qaybqaadan in saacid laga dhigo RW.

Saacid Faarax Shirdoon Waa nin Caynkee ah ?

Waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1958, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin dabaccad badan, oo qof walba la heshiis ah, waxaa u soo gudbay Muqdisho oo dugsi sare kadib uu Ka qalin jabiyey kuliyadii dhaqaalaha ee J.U.S 1983. Waxaa markiiba shaqo ka bilaabay waasaradii maaliyada mudo halsano kadib ah waxaa uu dayn lacageed 100 milyan oo shilin Somali ah ah ka qaatay Bankigii ganacsiga iyo kayadka soomaliyeed, lacagtaas oo lagu sheego inuu ganacsi ku bilaabay. Ha yeeshee waxaa uu markiiba bilabay inuu Baabuur iyo guryo ku iibsado lacagtii oo ilaa iya hada aanu dib u dhiibin . Waxaa uu dalka ka baxsaday kadib marii ay sidoo kale baxsadeen rag kale oo ay saaxiibo ahaayeen. Saacid waxaa uu degay oo dhalasho ka qaatay dalka keenya isagoo ku leh xaas iyo caruur. Waxaa u dhaxda Marwo aad loo yaqaan oo karti badan waa xildhibaan Caashi xaaji elmi . waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin balwad badan oo aan shaqeeyn 20 sano ee La soo dhaafay. Waxaa aan marna laga weeynin masraxyada qayilaada ee nayroobi. Waxaa ay halkaas isku barteen rag badan oo keenya iyo itoobiya aad ugu xiran sida shariif sakiin , ahmed cabdisalaan Xaaji aaden , oo ah ninkii ku xiray muqaabaraadka itoobiya in ay saacid maalgashadaan mudo 6 sano laga joogo. Saacid faarah garaad waxaa loo doortay inuu yahay hayin wixii laga rabo lagu fushan karo. Laakiin somalidu waxa tiraahdaa Rag iyo duurba wax walba ka filo. Hadii aan ilaah u bixin rag iyo dumar culculs oo geesaha ka gala waxaa ila yahay in soomaliya ay ku dhacday god kale oo afar sano kale oo iska dab wareeg ah dowlada soomaliyana laga maamuli doono itoobiya. waxaa arintan si wanaagsan laga arki doonaan marka uu magacaabo golaha wasiirada oo ka kooban damjidiid iyo taageerayaashii amxaarada iyo keenyaatiga meesha uu u socdo. Waa hadiiba golaha shacabku ay ogolaadaan isaga.

Gabo gabo:

Inkasta oo Saacad Faarax Garaad lagu dhawaaqay inuu yahay RW cusub ee soomaliya hadana arintu meel gabo gabo ah ma joogto waayo waxaa haray, baarlamaanka soomaliyeed uu guuxaayo sida shacabka ay u guuxayaan ula yaabeen madaxweynaha inuu dib u soo nooleeyo awoodii siyaasadeed ee itoobiyaanka ee la dhimatay Meles Zinaawi, tii shariif sakiin iyo raga u olaleeya in siyaasada guracan ee in soomaliya ay gaacanta ugu jirto itoobiyaanka iyo keenyaatiga . waxaase muuqata in ay gacmaha u qabteen madaxweeynaha in itoobiyaanka maamulaan maslaxada shaqsiyadeed e ururka damjadiid oo iyagu fiirsanaya dano shaqsi ah . Hadii Golaha shacabku diidaan oo u hiiliyaan madaxweynaha iyo guud ahaan ummada soomaliyeed waxaa suurta gal ah in soomaliya ay ka badbaado inaay dib u hoos fariisato Siyaasada xooga badan ee wadama dariska ah.lana soo magacaabo RW ay soomalida ogolaan karto kuna sifoobay karti hufnaan Iyo wadaninimo.

Cali Suguleh Hersi
Mogadishu, Soomaliya
asugule9@gmail.com

34 Responses to Siyaasada magacaabida RW :Ka-daroo dibi dhal ! ( All sheek ilaa dam-jadiid) –Sir Culus

  1. wadani caana says:

    Allaha naga badbaadiyo jileeca madxweynaha dadku way arkaan waxa meesha ka soconaya

  2. Dahir says:

    Hadalkina waxba ka jiro e waxad ku dartin in waxa o dhan e galo yihin galane u adegayan

  3. xaq jecel oska says:

    my God!!!!! warqaaad idinkuna inuwadanka dago maraptiin ee san ayad dadka caloshoda wax xun ogu aburtan…. hadan mardanbe page kina aqristo eekatala…. Stupid outher wth nonsense publisher.GO TO HELL. somali matihine

  4. waa maxamed says:

    waaban yaabayey maganbaa deero dilay.
    Waxaa layaab ah geedkaan garaacnaba maxaa kadhigay gawlaliyo jiica. golaha shacabkoow maanta idinkay idinla taalaa arinkii dalku, halkaad dhigtanbaana la eegayaa! Waar maanta waxay taagantahay yaa maalijirayeey! Waar maanta waa kama danbeystii waar maanta waa halkii soomaaliya ugu danbeysay( it is now or never)
    Waar bi’iwaayee wax hala caynsho. Waar miyeynaan saqajaan inan gumeed ah kabaqaad ah kaxoroobeyn, waar aaway dadkii xalaasha ahaa, waar aaway Sayid M Abdalla Hasan, Ahmed Gurey, Sheikh Hasan Barsame, Janan Daauud, iyo wixii lamid ahaa. Ee udhintay dalkan dacawadu cuntay. Ogaada somalidu waxay tidhaahdaa. Tigaad maalin ah loomadhinto ee talo maalin ah ayaa loodhintaa. AllAA mahadleh

  5. wadani says:

    aniga waxa ila quman hadi ay Ethiopia faraha kala baxi waydo somalia inaan dhamaanteen shabaab noqono iyo wax la mid ah si aan uga hor tagno inay qasaan somalia Ethiopia nabad ku seexato

  6. abdisalam says:

    asc marka sugele salan kafib saxib
    hadalkaaga waxan ka dareemayaa xooga
    maseer mar hadi farmajo la magacawi wayo
    dadka sharafta leh lama xag xagto

  7. khalif says:

    mardanbe warqad ma,aqrisanayo hday wxan qoreso. kapixiya fadlan qoralkan wanamim nimo. iskudiralana jana magalo

  8. moha says:

    walee warqadeeey mardanbe kuma,aqristo. balayada dadka kufafisan. wawaqti nabadet hdu wadanka dago adey faido kugujurta iyo somali wxa shekta… qoralkan bixiya fadlan. thx

  9. Korneylxabad says:

    Waxan ilahay kabaryaya in ay barlamanka somaliyed ay codka udidan ninkan ayne dadka somaliyed niyada uhaynin waxana rabna hadanahay umada somaliyed mudane farmaaaajo wa nin wadani ah

  10. Wadani says:

    Kkkkkkk.wanu kufahanay dameeryahaw malin maqaranbad kahadli malin qabiil war waad jaah warertay rasalwasaraha hadad balwad kushegtay madaxwaynaha maxaa kaduway ileen kenya ayay wada jogi jireen peenaale qabyalad ayad lawaregta dadka beenta kadhaf ithobianka aya kuwasi kuna talin fucking

  11. Shere-yare says:

    Sxb ogaaden hadii ay kuguleysanwayen markiba waxay bilabeen qaraar somalia dadka aanan larabin nabad waa ogaaden sxb hadii aadan dowlad rabin waxad kabadin waaysin fala waxad rabtiin walayaqaana ogaaden waa dameer dameerna marka usha lagadayo wuu kibraa adeer waxaad rabtiin falo abaalkina waxagaranayo mareexaan> ader fulaynimadina walayaqana adoonta kenya oomarki lagala digaal suuxeysa ayaad isku haleyneeysin midakale mareexaan waxuu leeyahay 7degmo}ogaadena 3degmo madadkaas ayaad iska cilini kartaan ader ahaad iskudaydaan inad afka kudaagto mareexaan waa lagu wasi

    • Runsheg Marexaan says:

      Asc dhamaan inta runta jecel ogadeeen walalayaal raali ahaada sheegad marexan ayaa idiin gafay
      anaga kuma raacsanin dagaalkinana haduu idinla gali laha ayuu arki laha markale naga raali ahaaada

  12. Xasan says:

    Somalida inta badan way ogyihiin aan shirdoon lagu soo magacabin karti iyo aqoon oo mesha laiska keenay.xasan shiekhna wa lagu hungoobay.lakin somalida wali fursad ayay heystaan waana barlamaanka.waxan ka codsnaya mudanayasha barlamaanka in sharaft tooda iyo tan somaliya ay badbadiyaan o aysan ansixinin shirdoon.hadi aysan sidaas yeeli waxa ku dhici doonta sidii barlamaankii hore.

  13. Dhashane wiil wgrdhced from dhabad says:

    Kkkkk yab iyo amakak

  14. saciid says:

    walaahi waa arin aan tuhun sanaa arintaan rutii waxaan dhaha maba garanaye wa muraal xumo horleh hada iyo kow lkn mala huba weye sh kolay qaadka waanba ku tuhmaye maxaa ka jira arinntaaas kale ee itoobiya

  15. Sharaf says:

    WARQAAD OO DHARKA USIIBATAY ISKU DIRKA IYO UMADA SOOMALIYEED |0| waxan u shegaya warqad in laga jojin dono magaca saxafada ay ku qarabanayan mar ay ahataba inshalah | somaliyey ka digtonada

  16. Wadani says:

    Niman farmaaja ahen marka lagadhiga RW ,wa wax cad in aanay dan nooga jirin.somali mps should stand by us please.

  17. Muxamed xussen says:

    Asw ww horta waad mahadsantahay sxbkeey cali xirsi ani waaba yaa banahee ma dhinteen wadaniyaashii soomalia la arki doonee barlamaan isku sheega ama waa barlamaan mahiiga ama mid soomaaliyeed waxaana ku deri la haay barnaamijkaan ethopia iyo kenya reer galbeed ayaa ku hishiiyey wr ma lihidiin waxa lagu ma leegaayo adis ababa iyo nairobi alla yaa xibin iiga maga caawo dowlada doqontaan ana kala haati la haayee ilaahoow naga qabo cadawgaan saliibigaa dhamaan tood amiin ciil badnaa adoontii soor ugaali ha ku hamido

  18. Wadani says:

    Mr.Faarax garaad waa ninkii u liitay beesha uu ka dhashay balse dadbadan buu dhaamidoonaa haday arimahaan jirto waxa lookeenayna waa dano gaar ah balse insha allah uma liidan doono sida la saadaalinayo in uu ufashilmi doono hadaysan baarlamaanka ahayna marnabo farmaajo ma hareen e waa mid ay ayaga kadanbeyen oo qabyaalad iyo danehooda gaarka ah ooga eexdeen e ha ansixiyeen mr. Saacid waa ku qasban yihiine

  19. Ahmed says:

    Ilaahow golaha shacka madiidaano

  20. galmudug stat says:

    Waxaba nagama galin waxay u taalaa beesha mareexaan oo laga rabo inay ilaalisato sharafteeda iyo geesinimadeeda hadii kale sida majeerteen ay soomaali u nacday oo kale baa la idiin nacayaa marka ninkaan u sameeya lataliyaal sharaflah oo mareexaan ah

  21. Faahiye Guuleed says:

    Sidan in aay jirto soomaalida inteeda badan waay fileysay balse fursada kali oo hartay waa golaha baarlamaanka sidaa daraaded waxaan oranayaa baarlamaakow badbaadiya umadda iyo qaranka soomaaliyeed.

  22. XAQ UDIRIR says:

    Waxan idinka mahad celinaya sida hufun ooAD wax ugu ifineysan bulshada somaliyed muduniyasha Barlamanka waxan kacodsanaya iney Ay Ansaxin Ninkam An shacabka Rer mugdisho Anrali ka Eheen Rajadi SOMALI.HADEY GOD KUDHACDAY ALLOW ADA NOMAQAN

  23. Saacid.adan says:

    Inaa lillaahi wainaa elehe raajicuun wale nin adunya jogow mawa aragtikulaaban waba la ogaan

  24. duceysane says:

    Alla manta maxeey runta sheegeen warqaad lkn qandaraas ayaad soo qadateen ayaan u maleeni ileen murtad kama naxo murtad kale ee murtadiiney iska daaya qilaafka dhexdiina waa iga talo indhaha alla idinka tuur oo meel daran ka baxa????

  25. maxamad says:

    Waa arin murugo leh allow nadhaafi caada qaatayasha

  26. C.waaxid says:

    Runti wa layap arinta wax karta waxa kaga hortagi karta inaga o midowno wlh hadi somali kama paxeyso siyasadani adag e watan wadamada dariska ah

  27. cadaaaawe caana booro says:

    Walee ani ma ogi meesheey mari doonto lkn xasan shiikh maxamuud waa nin wada ka inoow gata doonaaya marnaba aan siyaasada waxba ka ogeeyn ahna dantiis fiirsade farmaajo maxoow udooran waayay markoow cabtooy noo dooranaayo tag dheh makula shaqeeyn doono

  28. Wamo boy says:

    Kkkkk itopia iyo kenya ogaden aya gacan ku haya

  29. ugaas abdifatah boo says:

    Allow umadan adaa u maqan.barlamanka sida umada maslaxadeda kujirto haku dadalan Allena ha idin garansiyo

  30. Janay samatalis says:

    Ilahay ka baqa.oo qabyada iyo cayda iska daya.o figradina isla meldhiga.danteenana an isla fahano.qabyalad iyo ismaqal la’an wa waxa calamka naga rebay

  31. Galad says:

    Waad mahadsantihiin waan arkaynay waxan lakiin maxaan tari karaa

  32. Abdi waamo says:

    Nimanyahoow mareexaanki isaga oo Dawlad ah aan kismaayo ka Dheereeyay miyaa ogaadeen fuleynimo ku sheegay waaba inoo kismaayo faan maxuu taqi indhacade iyo cayrna soo kaxeyso waaba inoo Balan in kismaayo aad biyo danbe ka cabtaa waxba ha caraatamin

  33. Abdi waamo says:

    Mareexaan kismaaya inoo balan ah waxba ha caraatamin ee kalay nin iska dhig indhacadana soo kaxeyso bal kaalay maanta diri usoo joogso fuley dhulkisi Cayr kala wareegtay meeday dhabad hadal waxma taro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII