Warbixin dheer oo uu joornaalka New York Times ka qoray dhismihii ciidamada Badda ee Puntland kaalintii ay ka qaadatay shirkada SARACEN oo hada dalka ka baxeysa iyo waliba qeybo kamid ah saraakiishii hore ee sirdoonka Maraykanka ee CIA.
Warbixintan ayaa si gaar ah looga hadlay Gabood falada ay geysteen saraakiisha u shaqeeya SARACEN gudaha Puntland iyo weliba sirta qarsan ee la xariirtay maalgelinta hawlgaladii SARACEN ee deegaanada Puntland.
Todobaadyada soo socda ayaa lagu wadaa in deegaanada Puntland isaga baxdo shirkada Saracen oo laga xayuubiyey Qandaraaskii ciidamada Badda Puntland ay ku tababareysay kadib markii Maalgeliyayaasha Mashruucaasi ay dib ulla noqdeen Dhaqaalahoodii sida lagu xusay warbixinta New York Times.
Maalinimadii shalay ayaa xerada Ciidamada Badda ee Puntland ee shirkada Saracen ka sameysay duleedka Airporka Bosaso, ayaa lagu xusay sanadguuradii labaad ee dhismihii Ciidamada Badda ee Puntland ayadoo halkaasi lagu soo bandhigay ciidamada la tababaray oo gaaraya 500 iyo waliba qalab ay ku jiraan diyaarado ay leedahay shirkada Saracen oo lagu wado in dhawaan qalabkeeda kala baxdo Puntland.
Dhismaha Ciidamada Badda ee Puntland ayaa ahayd mid si weyn loo soo dhaweeyey gudaha Puntland iyo dibadaba, balse tan iyo markii shirkada Saracen gudaha usoo gashay deegaanada Puntland waxaa jiray cabashooyin intooda badan ka imaanayey gudaha ciidamada Badda ee tababarada siineysay iyo waliba dadka deegaanka oo qaarkood aaminsan shirkadan inay ku mashquushay hawlo ka baxsan arrimaha la dagaalanka Burcad Badeeda.
Warbixinta New York Times ayaa sidoo kale lagu soo qaatay falalka ka baxsan bini’aadamnimada oo ay shirkada Saracen kula dhaqanto dadka shacabka ah iyo waliba Dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarada siineyso, ayadoo warbixintan lagu soo qaatay mid kamid ah Askarta Ciidamada Badda Puntland oo lagu dilay xerada Saracen dhexdeeda kadib markii si MIIGEYS ah loo xiray, askarigan ayaa lagu sheegay inuu kamid yahay dadka aan tiradooda weli lasoo koobin ee ku maqan gacanta Saraakiisha Saracen ee kasoo jeeda dalka Koonfur Afrika.

Askarigii Ciidamada Badda Puntland oo dhexyaal Xeradda SARACEN (Sawirka: Guddiga Baaritaanka UN-ka)
Saraakiisha SARACEN ayaa dilka Askarigaasi dusha uga tuuray Soomaalida Tababarayaasha ah oo ay sheegeen inay ayagu falkaasi ka danbeeyeen. Balse Dhaliiceynta Saracen iyo gabood faladeeda maaha mid ku kooban Soomaaliya iyo Puntland, balse waa mid horey loogu soo arkay goobo badan oo ay tageen kooxda ka shaqeysa Saracen oo horey uga tirsanaan jiray Ciidamadii hore ee Dowladii Cadaanka ahayd ee Koonfur Afrika (Apartheid).
Hadii warbixintan New York Times aan usii gudo galno waxay muujineysaa qorshaha Saracen oo kasoo dhashay dhanka dalka Imaaraadka Carabta, habka uu ku yimid, kooxaha ku shuqulka lahaa xiriirka ay la lahaayeen saraakiishii hore ee sirdoonka Maraykanka CIA iyo waliba meesha uu hada kusoo dhamaaday Mashruucaasi kadib Saracen markii ruqsada laga qaaday iyo waliba xaalada ka imaan karta mustaqbalka ciidamada la tababaray.
Kadib markii ay xeebaha Soomaaliya ka dilaaceen kooxaha Burcad Badeeda ayaa waxaa jiray walaac xoogan oo ka imaanayey dhamaan wadamada Caalamka ee Maraakiibtoodu isticmaalaan bada caalamiga ah iyo biyaha dalka Soomaaliya, kadib markii gacanta burcad badeeda ay noqotay mid soo taabatay xeebaha u dhow dalka India, Emaaraadka, Badweynta Hindiya illaa Jasiiradaha Seychelles illaa iyo Gacanka Cadmeed.
Hadaba wadamada Caalamka oo ayagu bada Soomaaliya keenay maraakiib badan oo dagaal ayaa hadana waxaa mar walba la wada ogsoonaa in xaalada burcad badeeda sida kaliya ee wax looga qaban karo ay tahay dhanka Beriga oo lagala dagaalamo burcad badeeda.
Balse Beesha Caalamka ayaa ayadu diiday inay si toos ah dowlada Puntland dhaqaale toos ah ugu siiso dhanka dhismaha ciidamada Badda ee Puntland, tani oo maskar jab ku riday maamulka Puntland oo asagu doonayey in lagu maalgeliyo la dagaalanka Burcad badeeda si beriga looga suuliyo burcad badeeda.
Qorshihii Emaaraadka
Emaaraadka oo ah wadan si weyn ay u saameysay burcad badeeda falalkeeda ayaa qorsheysay barnaamij looga hortagayo Burcad badeeda kaasi oo ay go’aansatay in Puntland dowladeeda loo soo bandhigo qorshe ciidamo loogu dhisayo dhanka bada ah, balse dhaqaalahan ayaa lagu bixinayaa shirkado Shisheeye oo ayagu gacanta ku heynaya dhismaha ciidamada iyo waliba tababaradooda.
Shirkada Sterling aka Saracen
Shirkada Sterling Corporate Services oo loo yaqaan SARACEN ayaa noqotay mida loo dooray inay dhisto mashruucan oo ahaa mid markiisii hore si qarsoodi ah lagu bilaabay, macada cida u doortay shirkadan Saracen inay noqoto midda hawsha qabato ayadoo aan horey wax badan looga ogeyn taariikhda dheer ee shirkadan, balse waxaa dhaqaalaha mashruucan bixinayey Emaarada Abu Dhabi ee isutaga Imaaraadka Carabta.
Erik Prince iyo CIA
New York Times ayaa sheegtay in Saracen Calooshood u shaqeystayaasha ee kasoo jeeda Koonfur Afrika ay hoos tagaan ninka lagu magacaabo Erik Prince oo horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Maraykanka CIA, horey u aasaasay Shirkadii Blackwater ee burburtay kadib markii Maxkamado lagu soo taagay Xasuuqyo ay ka geysteen dalka Ciraaq. Ninkan Erik Prince ayaa xiligan degan dalka Emaaraadka Carabta.
Qorshahan oo markii hore ahaa mid la rabay inay gebi ahaan la wareegto Dowlada Puntland ayaa noqday mid si toos ah gacanta ugu jira Shirkadan Saracen (Sterling Corporate Services) isla markaana si gaar ah ulla xaajeysata Madaxtooyada Puntland.
Waxaa xusid muddan shirkadan in Baarlamaanka Puntland uusan ansixin imaanshaheeda Puntland, waxayna taasi si toos ah uga horimaaneysaa in shirkadan wax maxkamad ah loo soo taago wixii khalad ah oo ay gudaha Puntland ka sameysay oo aan la aqoon halka loo raacan doono.
Kadib markii horaantii Sanadkan Qaramada Midoobay baaritaanka ku bilowday shirkadan ayey shirkada Sterling (Saracen) ku andacootay inay khalad tahay in shirkadooda kaliya baaritaan lagu sameeyo, maadaama bay yiraaheen ay gudaha Soomaaliya ay joogaan shirkado kale oo ay ugu horeyso hay’ada sirdoonka CIA oo ayaduna hub iyo tababaro si toos ah u siineysa Ciidamada la shaqeeya, waxayan mas’uuliyiinta Saracen ku doodeen in aan kaligood la dhaliiceyn. Waa sida ay qortay jariirada New York Times.
The company argues, Somalia already is a playground for clandestine operations, with the C.I.A. now in the midst of an extensive effort to arm and equip Somali spies. Why, they ask, is Sterling Corporate Services singled out for criticism?
Dowlada Maraykanka ayaa ayadu iska fogeysay inay taageersan tahay in wax ciidamo gaar ah laga dhex aasaaso deegaanada Soomaaliyeed.
Joojinta Mashruucii Saracen
Bishii lasoo dhaafay ee September, ayey Emaaraadka Carabta gebi ahaan jareen lacagtii lasiin jiray shirkada Saracen, ayadoona loo sheegay inay diyaaradahooda iyo gaadiidkooda hubeysan kala soo baxaan deegaanada Puntland, ayadoo la sheegay in mashruucan lagu wareejiyey shirkada Bancroft Global Development oo fadhigeedu yahay Washington.
Bancroft Global Development ayaa ah midda hada tababarta ciidamada AMISOM ee Burundi iyo Ugandha oo ku sugan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Walaaca Bancroft
Shirkada Bancroft Global Development ayaa bartamihii bishii lasoo dhaafay ee September si qarsoodi ah ugu soo diray magaalada Bosaaso ee ku taal xarunta Saracen ka hawlgeli jirtay guddi wax baara si ay u eegaan waxa meesha yaal, ciidamada la tababaray iyo waliba xaalada guud, si ay u qiimeeyaan mashruucan inay dib u sii wadi karaan iyo in kale.
Mr. Michael Stock, Madaxweynaha shirkada Bancroft Global Development ayaa jariirada New York times u sheegay in wixii ay kusoo arkeen xerada Bosaaso ay ahayd wax laga naxo, waxaana warbixinta New York Times lagu yiri:
Michael Stock, Bancroft’s president, said a team of his that recently visited the camp where the Puntland force is based witnessed something out of the Wild West: nearly 500 soldiers who had gone weeks without pay wandering the main compound and two other small camps, an armory of weapons amassed over two years at their disposal.
Tarjumaad: Mr. Michael Stock, Madaxweynaha shirkada Bancroft ayaa yiri ”…Koox aan u dirnay Xerada ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland ayaa waxay halkaasi kusoo arkeen Meel Fowdo ah, ugu yaraan 500 oo askari oo marmarka qaarkood aan wax mushahar ah lasiin asbuucyo badan xarunta dhexe, iyo labo xeryood oo yar yar oo ay leeyihiin, waxayna heysteen hub badan oo halkaasi lagu uruurinayey labadii Sano ee lasoo dhaafay…”
Mr.Michael Stock Madaxweynaha shirkada Bancroft ee la sheegay in Emaaraadka mashruucan ku wareejiyey ayaa jariiradan New York Times u sheegay in shirkadiisa aysan la wareegi doonin hawlihii la dagaalanka burcad badeeda.
Mr. Stock, whose company trains soldiers from Uganda and Burundi for counterinsurgency missions in Somalia under the African Union banner, said Bancroft would not take over Sterling’s counterpiracy mission
Arritan ayaa waxaa sidoo kale walaac ka muujiyey Mr. Andre Le Sage oo ah bare wax ka dhiga Jaamacada National Defense Univesity ee magaalada Washington asagoo yiri:
“Sterling is leaving behind an unpaid but well-armed security force in Puntland, It’s important to find a way to make them part of a regular force or to disarm them and take control of them. If that’s not done, it could make things worse.”
Tarjumaad: Shirkada Sterling (SARACEN) waxay hada ka tageysaa ciidamo aan wax mushahar ah lasiin balse si fiican u tababaran oo hub badan ku dhex heysta gudaha Puntlanbd, waxaa muhiim ah in ciidamadan lagu daro ciidamada kale ee jira ama in lagu sameeyo hub ka dhigis si loo xakameeyo. Hadii aan saas la sameyn waxaa laga yaabaa in halkaasi ay ka dhashaan wax kasii khatarsan.
2010 Imaanshihii Saracen
Shirkada Saracen ayaa timid deegaanada Puntland sanadkii 2010, kuwaasi si qarsoodi ah shir magaalooyinka Bosaso iyo Garowe oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Puntland, halkaasi oo loogu saxiixay heshiiska ay ku yimaadeen Puntland, shirkadan ninka hogaaminaya oo lagu magacaabo Mr. Luitingh ayaa magaalada Dubai ka aasaasay shirkad cusub oo lagu magacaabo Sterling Corporate Services.
Sababta uu Mr.Luitingh uu magaca Saracen u qarinayey ayaa ahayd in la kala fogeeyo taariikhda madow ee Saraakiisha shirkadan ka shaqeeya ku leeyihiin dagaaladii ka dhacay dalkii Koonfur Afrika iyo qaar kamid wadamada qaarada Afrika. Balse arrintan ayaa gadaal kasoo shaac baxday, ayadoo sidoo kale lasoo helay Bangiyadii uu ka furtay Mr.Luitingh dalka Australia oo la sheegay inuu ku shubtay lacago u gaar ah.
Shirkada Sterling Corporate Services ayaa sidoo kale lacag siisay shirkad Qareen oo lagu magacaaboSteptoe & Johnson oo fadhigeedu yahay Maraykanka si shirkadaasi halkaasi uga soo ololeyso dhaqaale uu Maraykanka ku siiyo shirkadan la dagaalanka Burcad badeeda.
Xubnaha ku caawiyey arrintan waxaa hogaaminayey Michael Shanklin oo horey u ahaan jiray Sarkaalkii Sirdoonka Maraykanka CIA u qaabilsanaan jiray Safaaradooda Magaalada Muqdisho. Ninkan ayaa ka shaqeenayey inuu isku xiro shirkada iyo Washington iyo xarumaha kale ee Maraykanka ku leeyahay Geeska Afrika
Erik Prince oo asaguna ahaa ninkii aasaasay shirkadii Blackwater ayaa wuxuu xiligaasi noqday la taliyaha Amiirka Abu Dhabi, Sheik Mohamed bin Zayed Al Nahyan, asagoona noqday ninka dusha ka maamulayey hawlaha la dagaalanka Burcad Badeeda ee Puntland, wuxuuna dhawr mar safaro ku yimid magaalada Bosaso si qarsoodi ah si uu indhihiisa ugu arko hawlaha socda.

Erik Prince oo dusha ka maamulayey Saracen
Jariirada New York Times ayaa intaas ku dartay in Mr. Erik Prince uu isla xiligaasi ahaa ninka qaabilsan Mashruuc kale oo ay dowlada Emaaraadka si qarsoodi ah gudaha dalkaasi ugu tababareysay Calooshood u shaqeystayaal kasoo jeeda dalka Colombia, kuwaasi oo la sheegay in dowlada Emaraadka u adeegsan doonto hawlo aan la shaacin.
Dowlada Emaaraadka ayaa ayadu diiday inay si toos ah uga hadasho qorshaheeda Soomaaliya iyo mashruucan la dagaalanka burcad badeeda, arrintan oo ah midda soo jiidatay indhaha Beesha Caalamka iyo baaritaankii uu bilaabay guddiga ka socday Qaramada Midoobay oo gebo gebadii sabab u noqday in Saracen lagu amro inay isaga baxdo Puntland.
Mr. Yousef Al Otaiba, Safiirka dowlada Emaaraadka u fadhiya Washington oo ay jariirada New York Times la xariirtay inuu arrintan ka hadlo ayaa ka gaabsaday in arrimahan uu ka hadlo.
Walow Shirkada Sterling (Saracen) ay olole weyn ka gashay gudaha Maraykanka inay halkaasi taageero ka hesho hadana Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay inaysan wax shuqul ah ku laheyn mashruucan isla markaana aysan taageerin.
Dilkii Sarkaalkii Lodewyk Pieterson ee Saracen u shaqeenayey ee lagu dilay Puntland kadib markii uu si xun ulla macaamilay Askari ka tirsan ciidamada Badda ee Puntland, ayaa la sheegay in ay sidoo kale keentay in indhaha caalamka kusoo jeestaan hawlaha ay shirkadan wado, ayadoo shirkadu xiligaasi sheegtay in falkan uu ahaa mid kooban oo aan sidaa u baahsaneyn ayagoo eeda dusha uga tuuray Askariga Soomaaliga ah ee dilkan geystay.
Balse falalkan Saracen ka geysatay Puntland ayaan ahayn kuwo si qoto dheer loo baaray ayadoo ay jiraan dad badan oo rayid ah oo wax kasoo gaareen duqeymo ay shirkadan diyaaradaheeda ka geysteen gobalka Bari,
Waxaana jira askar ciidamada Bada Puntland ka tirsan oo la sheegay in qaarkood ay dhinteen kadib markii ay jirdil u geysteen saraakiisha Koonfur Afrika kasoo jeeda oo la sheegay in ay u shaqeeyaan Saracen, arrintaasi oo baaritaan rasmi ah weli lagu sameyn, waxaana jirta Cabsi ah in hadii askarta Soomaalida arrimahan ka hadlaan ay ku waayaan mushaharada loo balan qaaday oo mararka qaarkood aanba lasiin.
Xili lagu wado in shirkada Saracen ay ka baxdo Puntland ayaa waxaa maalinimadii shalay lagu qabtay munaasabad balaaran xerada ciidamada Badda ee duleedka magaalada Bosaso, halkaasi oo lagu soo bandhigay ciidamada la tababaray iyo qalabka shirkada Saracen ay keentay Puntland, qalabkaasi oo la sheegay in dhawaan laga saari doono dalka.

Qaar kamid ah Gaadiidka Saracen oo shalay lagu soo bandhigay Xuskii dhismaha Ciidamada Badda Puntland
Waxaan ayaduna weli kala cadeen dhaqaalaha ku baxay musharuucan ayadoo ay jiraan tuhumo ah in dhaqaale badan oo ay bixisay Dowlada Emaaraadka ineysanba soo gaarin deegaanada Puntland iyo ciidamada Bada.
Waxaa dhacday in marar badan aan la siin wax mushahar ah Ciidamada Badda sida lagu qoray warbixinta jariirada New York Times.
Ayadoo taasi usii dheertahay in warbixintan New York Times ay daaha ka qaaday in shirkadii Bancroft ee lagu waday inay mashruucan sii wado ay diiday inay arrimaha la dagaalanka Burcad badeeda ay la wareegto, sida Madaxweynaha shirkadaasi ku sheegay wareysiga uu siiyey New York Times.
(Halkan ka akhriso Warbixintii New York Times oo ku qoran Luuqada Englishka)
Waa wadan calooshood u shaqaystayaali madax u yihiin una yeerteen kuwa kale oo la mid ah war waxaas ha la iska qabto haddii kale wax ka daran ayey soo wadaan
Waa wax laga naxo in wadan dadkisii bahanyahay loo adegsado calooshod u shaqaystayal. Tanina waxa sabab u ah maamulada badan ee somalia laga dhisay waxayn mustaqbalka keeni doonta in maamul walba masharicsiyo caloshod u shaqaystayal u gar ah.