Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Warad Furan oo ku socota Madaxweyne Xasan kana timid….!

Waxaa lagu jiraa xilli adeg waxaana socda dadaaladii looga bixi lahaa dhammaanba dhibkii la soo maray 22-kii sano ee dowlad la’aantu ay jirtay. Waxaa howshaasi dhexda uga jira oo looga fadhiyaa waa dowlada cusub ee hadda yeelatay Madaxweynaha,Baarlamaanka iyo guddoonkiisa.

Iyaddoo dowlado ku meel gaar ah oo ina soo maray uu waqtiga uga dhamaaday waxqabad la’aan iyo fullinta danaha wadamada deriska la ah Soomaaliya, waxaana hadd iyo jeer ay iska indho-tiri jireen baahiyaha shacabka Soomaaliyeed, ee u baahnaa nabad, caafimaad, dib u dhis dalkooda iyo waliba dib u hishiisiin dhab ah oo laga soo bilaabo guri kasta oo Soomaaliyeed.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed oo muddo badan kadib helay Dowlad rasmi ah oo aan la mid aheyn kuwii hore waxay fishaan waa is badal dhab ah oo ku dhisan dareenkooda iyo rabitaanka hogaamiyaha ay rabaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaan usoo jeedin laheyn inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare ku imaanaya rabitaanka shacabka iyo qofka ay u doortaan inuu noqon karo hoggaamiye lagu kalsoon yahay.

” Waxaa shacabka kuu muujiyeen inta aad xafiiska joogtay qofka ay u arkayeen inuu hoggaamin karo, haddaba adiga oo tixgellinaya midaasi, waxaa kula gudboon inaad soo magacowdo ra’iisul wasaare ah, dooranaha shacabka”

Laakiin waxaan kaaga digeynaa Madaxweyne inaadan ku raaligelin soo magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub wadamada deriska iyo dalalka caalamka sidii ay horey u sameeyeen saaxiibadii kursigan kaaga horeeyey,kuwaasi oo aad ogtahay inay ceel-dheer ku direen rabitaankii iyo rajadii shacabka Soomaaliyeed oo aad ka mid aheyd, ka hor inta aan maanta laguu dooran Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaan Madaxweyne aad ka timid bulshada rayidka,waxaa dalka joogtay muddadii burburka adigoo u dulqaatay dhamaan wixii dagaal sokeeye iyo mid waji diimeed leh ee ka dhacayey. Waxay taasi waayo-aragnimo kuu siin doonaa inaad ogtahay meesha ay shacabka ka jiran yihiin iyo shaqsiga daweyn kara oo ay doorteen.

Madaxweyne haddiiba aad ku dhawaad bil ku jirtay wadahadalo u badnaa, latashiyo qofkii aad ka dhigi laheyd Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kula hoggaaminaya 4 sano ee soo socota, waxaa haddaba kuu soo jeedineynaa inaad fiiriso qofkii horey loo soo tijaabiyey iyo kan cusub ee la tijaabin doono farqiga u dhexeeya.

Haddii aad nin cusub hadda doorato waxa uu waqti badan kaaga lumi doonaa barashadiisa iyo la qabsiga shaqada hortaala, si aysan taasi u dhicin waxaan tallo ahaan kuu siin laheyn inaad doorato mas’uulka ay shacabka Soomaaliyeed u caleemo saarteen inuu xilkaasi qabto. Taasi ood sameyso waxay ka dhigan tahay inaad tahay ” Madaxweyne u yimid raaligelinta Shacabkiisa” .

Madaxweyne waxaa halbowle u ah shacabkasta haweenka,adigoo maskaxda ku haya muddadii burburka kaalinta ay nolosha Soomaalida kasoo qaateen haweenka waxaan kaa codsaneynaa inaad il-gaar ah ku fiiriso dareenka haweenka. Waxaa hubaal ah in haddii aad magacowdo Ra’iisul wasaare ku imaanaya rabitaanka haweenka iyo da’yarta Soomaalida inay dowlada aad hoggaamisaa dalka u horseedi doonto dib u dhis qaran iyo dowladnimo dib inoogu curata.

” Madaxweyne waxaa niyada ku heysaa in laga soo gudbay 22 sano oo ah badil lagu hayey shacabka Soomaaliyeed ee dunida ku nool iyo dowladii KMG ahaa,balse maanta waxaa tahay madaxweyne hogaan u ah dowlad rasmi ah oo go’aan qaadashadeeda iska leh. Fadlan dib ha inoogu celin raad-arooryaad oo horey loogu soo hungoobay, noqo ninkii qaadan lahaa go’aan aan uga imaan dalalka deriska iyo beesha caalamka.

Tallooyinka aan soo jeedinay haddii uu madaxweynaha meel mariyo waxay wadada u xaari doontaa in aan dalka dib ugu soo noqono, oo aan qeyb ka qaadano dib u dhiska dalka iyo howlaha baaxada leh ee dalkeena horyaala. Dadka rajo ayey Madaxweyne kaa qabaan, rajadaasi oo ah in aad noqoto ” Badelaha wadada xun iyo u hogaamiyaha wadada horumarka”Haddaba taasi waxay ku xiran tahay tillaabada koowaad ee aad u qaado magacaabista Ra’iisul wasaaraha.

Baaqan waa mid ka yimid shacabka Soomaaliyeed ee Holland deggan waxaana uu ku socdaa Madaxweynahooda Prof, Xasan Shiikh Maxamuud kaasi oo maanta looga fadhiyo magacaabista Ra’iisul wasaare. Waa baaq ku dhisan xirir wadatashi oo ka dhexeeya Madaxweyne iyo shacabkiisa.

Isbadel waa kii alle noqo kii dadaala oo dareema shacabka.

Abdirahmaan Maxamed Cumar 
Sahro Diiriye Gamadiid.
Cumar Khaanso

33 Responses to Warad Furan oo ku socota Madaxweyne Xasan kana timid….!

  1. Sami-zaidan says:

    Waan idin salaamay

  2. xidigle says:

    farmaajo ayan kuqanac sanahay hadan nahay shacabka kunool casimaada dalka somalia taas oo ah muqdisho madaxweynaha waxan ka codsanena ino inokeno rasual wasare kukal soniqaba sababta ah waxa loshaqenayo wa shacabka

  3. Qalinle,wadani says:

    ALLOW WAXAN KABARYAYAA WAXAN JOGA DAL SHISHEYA WAXAN KAA CODSANENA ADIGO NAQARINA RaBITANKANAGA NODORO RESALWASAre AnDONENA SIAN UGUSONOQANA DALKENA HOYA ALLOW MADAXWENAHA KUHAGAJI WADANIGA DALKISA IYO DADKISA JACEL INSHA ALLAH Guuuul Ban URAJENAYA {FARMAAAJO}WAXA JIRO DADYAR MAN GAAB AH WADANIMA WAXBA KA AQON IYO KUWA QABIIL FERAHA KAGALAY OOQABIL NACEEB AH ANKALA GARANEN RUXA WADANIGA &MIDKA DALKA IYO DADKA DANAHISA KAHORMARIYA ALLOW NAGA QABO XASIDKA

  4. cumayr says:

    walahi waxaad muda in uu kahadlay waxa caloshayda ku jira waxana qoray dad wadani ah illahay ajan iyo xasanad haydin ka siyo hadi ay saas wax udada garanayan dadk somalliye waxa hagagi laha rajad aan kaqabno wadan keena hoyo

  5. nastexo says:

    masha allah aad iyo ad ayan ogu farax sanahy shacabka somaliyed baqa ey u diren mudane xasan shek

  6. cadaaaawe caana booro says:

    madaxweeyne farmaajo madoorataa waa ognahay ninkoow yahay waa ninkii ugu horeeyay ee ciiidama dowlada mushaarkiisi uqeeybiyay waa ninkii 6 bil muqdisho ku nadiifshay waa wadani soomaliyed oo aan meel looga dhicin haddaad dooratan waxaa tahay geesi dhulka cagta meeshaa saarto waa lashumaa waana kula wada shaqeeyheynaa hadaanahay dhalinyarada soomaliyed guuul farmaaajo aabaha soomaliyed

  7. Guuleed says:

    Waxaan ujeednaa in umada somaliyeed ay doonayaan farmajo lkn anugu waxaan ogahay in aan ladooran doonin maxaa yeelay taladii madax waynaha lasiiyay ayaa waxay ahayd farmaajo inuu kaqaadanayo bawerka madaxwaynaha wayo shacabku waxay rabaan farmaajo saas daraaded maladooranayo ee haba shacabka somaliyeed meel walba oo ay joogaan cod sigooda oobuuxa haka dhiibtaan arikaas sida runtaana hakaga hadlaan

  8. Abdi shine says:

    Asc dhaman umadda somaliyed waxan leyahay mudane madax wayne waxn kunolnahay qaxoti dalshisheye fadlan doro midki hamigena sodhisay nana darensiyey in soomaali ay kamidtahay qaradaha adunka fadlan doro MUDANE FARMAAJO JUU FOR EVER JIR OJOOG FARMAJO

  9. Ducaysane says:

    Ciwaanka ayaan ka diday oo iska fahmay inay qoreen dad aan aqoon dheer lahayn balse nuxurka ama dulucda (ujeedada) qodabadaad ka hadasheen aad bay u muhiim u yahiin waadna ku mahadsan tihiin. Balse “Warad furan” ma’aha ee waa “Warqad Furan”. Tifa tira qoraalka intaydaan nooso ban dhigin erayada kala sarsaara.

  10. Hanat yare says:

    Waxan rabna inu inoga dhigo reysalwasaraha farmajo hadanu nahay rer neyrobi

  11. ilhaan says:

    waan arki doonaa wax uu noo soo xulo madax waaynuhu allow mid qeeyrleh

  12. Abgaal boy says:

    Waxaan sugnaaba waa farmaajo

  13. Abgaal boy says:

    Ilaa how farmaajo ka dhig

  14. Wiil sade marexan says:

    Waa xasan o jooga kenya aniga aragti ahaan waxan qabaah hadii dadka lodorto waxay daneynayaan in gusha lagari karo fadlan farmaajo ku dhawaaq hadaad wadanka ehel utahay

  15. wadani says:

    shacabka resal wasare halaga dhigo Dr.farmaajo wayo waa.nin aqoon iyo karti wadaniyad xushamad mudan marka alla guul kusii isaga karamadi shacabka iyo sharafta ulaha socelinkare gd lucky farmaajo

  16. Xasaan says:

    Baadil

  17. Xasey says:

    Waxaan dhihi lahaa mudane madaxween waa inaad tixgalisaa rabitaanka umad waynta soomaaliyeed oo aad kudhaaratay in aad daacad nimo ugu shaqaynaso halkii aad katix galin lahayd dan shaqsi ama kuwa dariska waayo kuwii hore ayaa kuguul daraysatay u adeegida dadkooda diintooda iyo dalkooda kana doorbiday u adeegda danaha shisheeye (waxaa layiri jab kaaga hore waa macalin kaaga dambe)

  18. Mohamed says:

    madax weynaha kama marna,qabyaalad,dhul balaadhsi,sal fudeyd.waayo inta ka agdhaw oo dhanba waa somalidi dalka cuntay sidaas unbayna kula talin.
    Somalina wali ooma bislaanin iney wax qabsadaan.

  19. Roney says:

    Waxaan rabnaa mudane madax weyne hadan nahay shacabka somaliyed mr farmajo

  20. Somali boy says:

    I wil request frm honourable presedent to appoint pm dr farmaajo coz we like so much bt we dnt hv power to elect him bt i thing u hv to consider the public opinion of ur people nd act on behalve of nation nd ur peaple.thank u.

  21. Maqosle says:

    Somaaliya labaatan iyolabo sano ayaa udabeesay dadka ahada joga soomali mahan waa u agyihii hadana waa dad caloosha ushaqeeysta damiir iyo dadnimo malahan

  22. Abdul says:

    Anaga haduu maddaxweynaha uu namatalo rasal wasaare farmaayo haduu nato uu matalo waa ninka ayaga keensadaan maddaxweyne waxaan kaaga digayaa hanoqon yes man

  23. Dhashane wiil wgrdhced says:

    Farmajo halagadhgo

  24. mohamed khalif says:

    Wa sual o ubahan jawab dadag ah meheley qoralkan madaxweynaha hadey jawabta haatahay somali o dhan wa isku fikir kas

  25. Maxamed nuur says:

    Asc dhaman waxgaradka somaliyed sln kadib madaxweynaha wu cabsanaya hadu dorto farmajo wayo waxa u waynaya taagerida caalamka marka ma doran karo farmajo wadanka waxu noqonaya sidi ku mel garka o kale marka rajadi aan qabnay sidaas ayey ku dhamatay marka walaa laha somaliyed waxan u shegaya ineysan niyada iska raacinin in madaxweynahan u guto wa jibadka ka saran shacabka Allah hala talo saarto

  26. Daud shariff says:

    Waxan dhixila haa xaladoorto maxamed cabdullahi farmaaj

  27. Saciid Macruuf says:

    Anagu rajada aan qabney marba nin ayaa niyada naga jabiyo sh.shariif ayaa codkaanaga kadoorsaday codka shaqsi colooshiis ushaqeeyste waxaana Alle kabaryaa Sh. Shekh axmed iyo sharif sakiin in uu kasoo bixiyo xaqqa dadka sida ay noo niyad jabiyeen. Madaxweynaha cusub waxaan leeyahay madax weyne waxaan Joogaa mid kamid xeryaha dhadhaab wallaahi waadna dareemi kartaa qof Qaxooti ah. Rajada ugu Dambeysa ee aan qabno waa adiga dowladaada waxaana si cad kuugu cadeynayaa in kalsoonida ay kuugu qabno iyo Rajada aan qabno in,ay lumi doonto hadaadan yeelin rabitaanka shacabka. Mudane maxdaxweyne waxaad udhaaratay DIINTA DALKA IYO DADKA in,aan kushaqeyneyso Rabitaankooda mudane madaxweyne walahi hadda aan fariintan qorayo waan ilimeynayaa wax igu ogna majirto xitaa rabitaankeyga ayaa Qiil qiil kujirto in,aan helo. Farmaajo Waa Rajada shacabka ogow hadaadan yeelin insha Allah mudane madaxweyne ma liibaaneysid idin Alle aniga kaama qarinayo Dareenkayga waa siciid macruuf oo kuugu duceynayo hadaad Rajadeyda soo celiso Rabbi haku dhowro aduun iyo aakhiraba lakin hadaadan yeelin insh Allah waad khasaari aduun iyo aakhiraba bye mudane waana fiiro gaar ah

  28. Saciid Macruuf says:

    Mudane madaxweyne Laga yaabo in,aad istiraahdo malaha ninkana amuu laheyb yahay Mr Farmaajo ‎وألله بالله تالله‎ Allah subxaanahu watacaalaa ayaan magaciisa kudhaartaye in,aan isku aheyn xitaa isku qabiil manihin oo aniga waxan kasoo jeedaa Digil iyo Mirifle ogow mudane in Mr Farmaajo lagu taageerayo wax qabadkiisa iyo siduu umadiisa ujecel yahay waana mahadsan tahay

  29. Soomali waa mid says:

    Qaxarkan iyo qaxotinimada waxa naga xiga inad farmaajo doorata madaxweyne ee ha nagu haynin qaxotiyaasha waxan kaa sugnaa waa farmaajo ama waxad noo garataa qaxar iyo qaxooti aan dhamaaneyn

  30. Maxamed says:

    alloow mid qeyr qaba inoo keen ? Aaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  31. Bukurey says:

    goleso farmaajo

  32. Faarax soomaliay says:

    Farmaajo wa wadani wanagsan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII