Magaalada muqdisho ka hor intaan la dooran Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud amaanka magaalada waa la mahdiyey sida nabad loogu damaashaaday,waqti walbo dadka iyo gaadiidka way is dhex mushaaxayeen.
Maxaa is badalay kadib Doorashadii Madaxweynaha 10 September 2012?
Markii lagu dhawaaqay madaxweynaha waxaa durba magaalada kusoo kordhay qaraxyo iyo dilal qorsheysan waxaana taasi oo loo sababeeyey dad ka faa’ideysanayey is badalka maamulada waqti walbana ay taasi dhacdo.
Janeraal hore uga soo mid ahaa ciidamadii Siyaad Bare oo lahadlay Warqabadka Www.Warqaad.com ayaa sheegay in ay jiraan iska warqab la’aan iyo qibrad yari heysata hogaanka laamaha amaanka ee Dawlada Somaliya.
Sidoo kale dad aan ciidan soo noqon hayeeshee duruufihii waddanka soo maray hubka usoo qaatay hab qabaa’ilba ha ubadnaatee ayaa sheegay in iyaga ay kaga qibrad wanaagsan yihiin kuwa dawlada hadda ugu magacaaban hay’adaha amaanka Somalia.
Yaa Amni Darada Ka Wada Muqdisho?
Dad kala duwan oo muqdisho ku nool ayaa si wada jir ah su’aasha markaan uweydiinay waxay ku war celiyeen waa kuwa dawlada ushaqeeya si fududna loogu dhiibay bistooladaha kuwaasi oo hore uga soo mid ahaan jiray Ururka Al shabaab.
Waa hubanti in waxyaabaha ay amaanka magaalada Muqdisho uxakameyn la’dahay qeyb weyn ka qaadanayso arinta la xiriirto bistooladaha loo qeybiyey dhalinyarada shabaab ka mid ahaa.
“iyadoo Al shabaabnimadoodii laga dhaqan celin ayaa bistoolado loo dhiibaa markaas kadibna waxaa laga dhigaa Nabad sugid,iyagoo Kaar aqoonsi ah loo sameeyo dilalka muqdisho ayagaa fuliya waxaa sidaa yiri nin hore al shabaab uga tirsanaa hadana iskaga baxay”.
Xilliyada ugu badan ee Dilalka qorsheysan muqdisho ka dhacaan waa 3:00 ilaa 6:30 maqribnimo iyadoo qaraxyada sidoo kale ay fuliyaana durba ka baxsada goobta,waxaana ay ku shaqeeyaan shaarka nabad sugida Dawlada halka maskaxda ay ku howlgalayaana ay Shabaab leeyihiin.
Shaqo Yarida Nabad Sugida Somalia
Waxaa ku arkeysaa muqdisho dhalinyaro aan uqaab shabihin nabad sugid,qaarkood waxay sameeyaan in ay ku tusayaan bistoolada ay wataan iyagoo laga dareemayo waxay yihin.
Dadka arimaha Ciidamada ku taqasusay ayaa sheegaya in aan loo baahneyn qofka nabad sugida ah inan laga dareemin qofkii ay u arkaan inuu fahmayna waxay ufasaxan yihiin inay dilaan markii loo eego shuruucda ciidamada ay hoostagaan uqaabilsan.
Waxay qabtaan dhalinyarada biri-magoydada ah waxayna aad ubeegsadaan dhalinyarada waxbarashada ka dhigta iskuulaadka iyo jaamacadaha muqdisho iyagoo xabsi utaxaaba lacag dollar badana kusii daaya.
Maxaa kaaga baxay warbixintaan? Maxayse kula tahay in amaan darada mudisho inay ka dambeeyaan?
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk
Walaal amni darada waxaa u sabab ah madaxweynaha iminka la doorte ow aan wax qibrad ah u leheen hab maamul iyo hab dhaqan dowladeed
Waa run khibrad yarida heysata ciidanka amniga iyo Al-Shabaabkii oo dhexmilmay ciidanka taasi hadaan laga fiirsan ay waxyaabo badan la arki doono. Faa’iido ayeyba u tahay Al-Shaabka in ay isaso dhiiban si ay fursad ugu helaan hub u sharciyeysan kuna fuliyan arimahoda gaarka u ah inta ay hubka sitana lagma shakinayo waxaase loo baahan yahay in arimahaan lagala tashado dadki ehelka u ahaa howlahan madama ay tahay mida kaliya ee loo baahan yahay in wax ka qabato Xukumad cusub.
Amini darada ka jirto magaalada mugdisho ayaa wexey bilaabatay doorashadii la doorte madaxweynaha qaa,inka ah ee xasan sheikh maxamuud ka dib. Narkii uula wareegay kursiga madaxtinimada lkn madaxweynihii ka horeeyay allaha dhaafee ayaa waxaa lagu xasuustaa taariiq lama ilowbaan ah taariiqdaas ow ah taariiqdii ugu wanaagsaneed ow uu yeesho wadanka mudo 42 sano ah ka dib. Madaxweyne shariif waxaan leeyahay guuleyso cimri dheer iyo cfmd uu mar kale ku hanto maamulka wadanka lkn shaqsiga maanta haya xilka madaxtinimada ma ahan shqsi qibrad u leh maamul ama ku xeel dheer hab u dhaqan madaxweyne sababta ka danbeysa amni darada ka jirto caasimada magaalada mugdisho taasi ayaa u sabab ah
Waan la qabaa in sax atahay maxaa yeelay WAAYA ARAGNIMADA waa qibrad aan iskool loo gelin nin wax dili jiray isagoo dhuumaaleeysanaya hadii CARD IYO BATOOLAD la siiyay dilkana ay la wanaag tahay maxaad ka sugeysaa ? waa in laga fiirsadaa cida u qlanta HUBKA in loo dhiibo mar hadii uu ka soo tagay SHABAAB ha lagu daro qof waaya arag ah kana sareeya amar lagu siiyo in aanuu shaqeyn karin hadii uu ka maqan yahay.
Amaan darida muqdisho waxa sabab u ah dhowr arimood oo ay kamid yihiin 1 haraadigii shabaabka oo shaqadoodii wata oo aanay jirin ciidan heegan u ah ka hortagooda iyo xirfad yare haysata ciidamada dawlada 2 musuqmaasuq baahsan oo ka jira dhanka dawlada oo waxaa dhacda in dad dawlada katirsane ay shabaab u fududeeyan dhibaateynta shacabka iyo in dambiile lasoo xiray waa ina adeerkey ii isoo daa si aan ina adeerkaa oo danbiile ah kuugu sii daayo waxaanse ku talin lahaa sidan 1 in xaafad walba la geeyo ciidan lagula xisaabtamo waxyaabaha ka dhaca xaafadaas 2 in dambiilaha la qabto la dhadhansiiyo oo lagu maxkamadeeyo danbigiisa 3 in dadka shacabka ah aan naceyb lagu abuurin oo laga daayo dhaca dilka iyo danbi aaney lahayn oo loo saariyo si lacag xaaraam ah looga qaato.
Amni waxan u arka amni darada kajirta muqdisho iyo somalia waxa usabab ah gaalada ku so dushay wadan kena iyo diintena
waxaa u sabab ah aman darada wa la iska yaqana waxayna bilaabatay marki kursiga wu kadhacey sharif isla asaga aya musuul ah sababto dadkan awal way jogen mogadishu bostoladahane asaga aya siyay lkn asaga ayay amar kaqaatan mar kursigi wayay ayu fasaxay.
Asc waxan laga dhaha farxad hada ma waxa lamara yaka danbeya amniga darida markahore waxad ogataa in amniga uubixiyo allah waxkastana loradiyo sidii uu allah ubahan yahay lkn amarka alle iyo sharciga alle ayan didanahay waxana rabna amni wa su alle maxakenay shababka melaha uu jogo iney shacabka kunalodan amni lagu kalsonankaro lkn murtadinta melaha ay jogan maxaka dhigay amni darida ma isweydisen su ashaas waxad ogatan ilaa xamar uu kataliyo kitabka iyo suna mabigena muxamad scw lagama yabo inlahelo amni waxad rabtan dastur inad kudhaqantan bitabkana wad turten yaqayanesan ma allah wlhi maqayanesaan lkn waxad qayanten naftina
Waxan ku racsanahay mumin ra.yigiisa wayo? Waxan hana sir ah inu qaybiyay sharif 240 bastoladood kadib marku kursigu ku xumayay dalka wayay lakin asagay kuso noqotay waxana ladilay sodogii wa mustafe sharifku wuxu dhuso modayay baa xaar ku noqday
Asc ani ahaan waxa qabaa amni xumada waxa usabab ah dowlada maxa yelay malahan dhalin yaro am niyad ah waxa lobahan yahay dhalin yaro ciyal xafaded ah waxana lobahan yahay xafad walbo dhalin yarada kudhaqan in loxil saro melna losaro mushaar kufilan bishi maxa yelay al shabaab waxo leyahay am niyad wax walbo fuliyo mana cafiyan qofki fahmo waxe yihin waxana lobahan yahay dhalin yarada lasinayo bistoladaha inloshego qofki fahmo waxe yihin in wax caden ah e na rebin waxan siracin lahaa hadi al shabaab hubesan laqabto ana lasidayin mesha lagu dilo maxa yelay hadi lasidayo biri we sobadanayan mana kucafiniyan
asc dhaman wan salamaya bulshada somaliyed mel kasto ifka kaga nolyihiin sln ka dib ad iyo ad ayan uga xumahay hadalki ay ku hadlen muumin iyo mohodiin ma aha walalayal in ad u gaftan m.weynihii hore sh.shariif xafidahulah wana nin bal dahab ah ka galay tariikhda hadii an u so labto mowduca waxa u sababeynaya aman darida hayadaha nabad sugida o niyad jabsan madama ayasan ogen gorti laga qadayo xilka o nin waliba wuxu ku fikiraya wad socotaye maxad isu silcin by dhaman