Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Labo Ruux Oo Lagu Dilay Baladweyne iyo Dadkii Ka Danbeeyay Dilkaasi Oo Gacanta Lagu Soodhigay

Laba ruux oo maanta galinkii danbe lagu dilay Magaalada Baladweyne kuwaas oo ahaa dhalinyaro ayaa waxaa gacanta ku soodhigay ciidamada maamulka Gobolka Hiiraan ka dib howlgal ay sameeyeen.

Dilalkaan ayaa waxa la tilmaamy in ay kadanbeesay kadib markii kooxo hubeesan oo aan laga raneynin ay ruux dhalin yaro ah ay ku dileen gudaha Magaalada kadib ruuxa ladilay beesha uu ka dhashay ayaa waxa ay weerar ku soo qaaday beelkale oo ay ku tuhuntay in ay dilkaan ruuxaan dhalin yarada ahaa ka danbeyasay iyagoona halkaas ku dilay ruux kale oo dhalin yaraa oo kasoojeeday beesha ay ku tuhunsanaayeen.

Intaasi kadib ayaa waxa ay ciidamada Dowlada ee halkaasi ku sugan waxa ay sameeyeen howlgal kaas oo ay kubaacsanayaan kooxihii kadanbeeyay dilalkaan iyagoona ugu danbeentii gacanta ku soo dhigay sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Taliya oo warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta ku soodhigeen mid kamid ah dadkii ka dambeeyay dilalkii ka dhacay Magaalada.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inay dul joogaan guriga wiilka kale ee dilka geystay ayna soo qaban doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ugu danbeentii sheegay Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle in ruuxaan ay qabteen uu haatan ku xiran yahay Saldhiga Magaalada Baladweyne isagoona sheegay in baaritaan uu kusocdo islamarkaan ay Maxkamad soo hor istaajin doonaan sida uu sheegay.

Maalmihii danbe ayaa waxaa magaalada baladweyne kasoo cusboonaanayay dilal qorsheesan oo ay sameenayaan dad aan lagaraneenin iyo qaraxyo qorsheesan.

5 Responses to Labo Ruux Oo Lagu Dilay Baladweyne iyo Dadkii Ka Danbeeyay Dilkaasi Oo Gacanta Lagu Soodhigay

  1. Qaran doon says:

    24 saac guda hood waxaad maq leeysaa habar ayaala kufsaday hadana waxaad maqleeysaa qofbaa ladilay ? HADABA AaN IDIIN SHEEGA WAXA KEENAYA DILKA WAA CIIDAMADA itoobiya

  2. mudane muha says:

    wayab

  3. Yaab badanaa? says:

    Mar xabo

  4. xaaji yare, says:

    Aad ayaan uga xumahay waxa kadhay magaalada baladweyne, waana wax laga xumaado, waxa wax dilay waa mooryaan oow wato ninka sheeganaa G/G. Hiiraan, gardaro cad ayey ku dileen kadibna waxey galeen xarunta gobolka, hadane wax u tagikaro male oo waxaa kasokeeyo ethopian,

  5. john maxaaas says:

    Waxaa haboon in aqoon meel lakabarto la raadsado sida jahliga lokabaxo !!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII