Muqdisho waa caasimadda dalka soomaaliya ,mudo 21 sano waxay marti galisay dagaalo iyo culaado sokeeye , waxayna kamid ahayd caasimadaha aduunka uga cabsida badan,balse haatan waxay wax badan la wadaagta caasimadaha kale ee aduunka.
muqdisho ayaa sanadkii ugu dambeeyay ku dhiiratay in marti galiso diblomaasiyiin shishiye iyo shirar heerkooda sarayo taasi oo bidhaaminsay in dowladnimadii ay soo laabanyso.
Durbaan tumasho iyo Alalays xaga siyaasada ayaa soo foodsaray magaalada muqdisho ,waxayan dadka u hanqaltaagyaan isbadal wanaagsan oo soomaaliya ka dhasha.
Qulqulka qurba joog soomaali ah oo dib ugu laabanaya soomaliya, ayaa ku daraynsiinaya in dadka ay ku haminayaan mustaqbal wanaagsan.
muuqaalka dad sida maalin laha u taga xeebaha jaziira iyo liido ayaa sare u sii qaaday bilicda caasimada soomaaliya waxanay haatan muqdisho ay diraysa fariin nabadeed.
Maqalkii ku soo noqon non jiray dhaga reer muqdisho ee ahaa naxdinta sida Dhawaqa rasaasta,cabsida ,barakaca ayaa haatan u muuqa in uu meesha ka sii baxayo inkasto dilal ay ka dhacaan muqdisho.
wadooyinka iyo suuqyada waa kuwa camiran isdhaafdhaafka dadka iyo gadaiidka ayaa ku ilowsiinaya xasuunsti muqdhso ku caanbaday sanadihii burburka.
dib u dhis ku socda guryihii ku burbaray dagaalada ,dayactir logu haayo kaabiyaashi busshada iyo in dadweyanha ay ka baxaan guryahii qaranka ayaa tusaalinaya in muqdisho ay hayso wadadii hormarka.
20kii bishan agust ayaa la soo afjaray marxaladii KMG ,Siyaasadii micnaha iyo xisbiyada ku dhisnayn ayaa sii dhamaanaysa ,waxaana muqdisho ay marti gilisay markii ugu horaysay doorashooyin,muqdisho ayaa lagu fiday gogasha laguna laabaya.
Barlamaan tiro iyo taya ahaan wax badan loo malaynayo in uu ka dowanan doono barlamanadii hore ee soomalaiya ayaa muqdisho lagu doortay,waxaana kadib marlamaanakasi ay doorteen gudmooiye barlmaan iyo ku xigeenadiisa, walow kaalintii dadweynaha ay meesha ka maqantay oo aan cod ku yeelan doorashadii dhacday.
Hadal qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James C. Swan, ayaa lagu sheegay in isagoo ku hadlaya magaca dadka Mareykanka ay u hambalyeynayaan hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed – gaar ahaan odoyaasha dhaqanka, xubnaha guddiga farsamada iyo Guddoomiyihii KMG ahaa, Mussa Hassan Abdulle dadaalkii ay sameeyeen.
Siyaasi rug caddaa ah, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa 28 kii bishan ogust ayaa loo doortay Guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya,Waxa uu xilkan haynayaa afarta sano ee soo socota
Qaasim maxamed oo ah saxafi ka howlgalay Idaacada Starfm ,oo dhawaan booqday muqdisho ayaa ii sheegay in dadka reer muqdisho ay riyo la tahay sida dhaqsiyaha badan oo ay isku badashay Muqdisho.
“runtii muqdisho ma’ahan tii shalay,isbadalka waa mid dadka reer muqdisho ay soo dhaweeyeen waxaana ka socda magaalada dib u dhis,qurba joogta soomaaliyeed ayaa bilaabay in ay maalgalin ku sameeyeen magaalada “waxa sidaasi yiri Qaasim.
caasho xasan oo 24 sano jir ,waxay haysta 2 caruur ah, waxaa ay sheegtay in ay rajaynaso in muqdisho ay ka nasato qalalaasihii so daashaday.
” muqdisho way dhashay ,waxayna dhashay,nabad iyo barwaaqo,mataana ay dhashay muqdisho dadkeeda ayaa loga baahanyahay in gacan naxariis leh ay ku barbaariyaan” waxaa sidaasi hadal qiiro leh ku sheegtay Caasho xasan oo kamid ah dadka degan magaalada muqdisho.
Filashada ayaa ah Mid saadaalinaysa in muqdisho ay ku soo laabato maqaamkii iyo sumcadii ay horay ugu lahayd duninada ,waxaase taasi ka horaysa isku duubni,wada shaqayn dhexmarta madaxada iyo bulshada ,nabada oo lo hormariyo iyo in Danta qaranka laga hormariyo mida qabiilka !
NB: Qoraalkan Waxaa ufasaxan Dhamaan Warbaahinta Soomaaliyeed Maqal, Qoraal iyo Muuqaalba…..
W/Q Wariye Maxamed Xaaji Xasan Abukar
Mhajji00@gmail.com
Maxamed555@hotmail.com
Cell:+254716113788
Walahi wad kafalotay faalo run ah lakin muqdisho dadkedu ma.is badali donan mise waxay noqon doonan (bahala cayrin madayo nina caadadii madayo)? Wasu.aal dadka oo idil utaala inay kajawaban
masha allah wana kumaxad santaxay qoralkan aad diyarisey
mida 2aad
malga yabaa in ladhiso ama dib loo xabeeyo bilacda mugdisho & hab udhiska dalka oo dhan
Asc dhaman bulshada soomaliyed Muxudiin sxb wey isbedeli kartaa maxaa yeelay waxaa kugu filan 6di bilod ee maxakiinta sida ey noqotay marka sxb dadkani colad wey kadaaleen madax daacad udhaqeysa haddey helaan wey isbedeli karaan 100%100
Aad baad u mahadsantahay wariye wlhi qoraalkaagani waa mid dadka farxad gelinaaya waa loo baahanyahay qoraalada noocan ah waana shay muhiim ah dad dhagahoodu madfac daashaday inay akhristaan kuna farxaan waxaan ku leeyahay marlabaad shukran
muxuyadiin aan su’aasha kugu soo celiyee adiga gobolkee kasoo jeedaa hadalkaaga waxaa laga dheehan karaa nin kaxun iney mogadishu hagaagtee sxbkeey waxaan kuleeyahey is adkeey caloosha yeysan kuhurin muqdisho waa tagtey gadaalna uma soo noqondoonto inshaa allaah
Waxan dhihi laha muqdisho wa nawad o dadku ay kunastan da imow alow dowlad cadila no so dadaji
Muqdisho waa wadnaha soamliya ee wadnaha
yaanan wax lagu dhicin waxna lagu kufsan waxna lagu laynin waa hadii ladoonaayo in ay sii ahaato
hana lagu daro diinta waayo hadaan niraah diinta ayaa shalay burburisay waa ku gaaloobeynaa ee aan lasocono dadka xunxun ee ayka mid yihiin haween aaadaya yugaan dheeyska iyo kuwa jirkooda gadanaya intba
masha alaah muraayadii dalkaygaay mahuraankii noloshay mustaqbalkii naftayday mawla mar haku celiyo maqamkaadii muqdisho wlh wa noloshayda lkn naasiib uma yelan in an ku nolaado wana ku faraxsanahay masha alaah ilaahay ha u siyaadsho
Waqtigu waa Barre oo waxa uu kubaraa kala duwanaashaha jawiga.
Aniga oo ah Wiil qurba joog ah laakiin ku soo barbaaray mudooyinkii Somaliya ay kasocdeen dagaaladii sokeeye, arkayna waxa ay tahay ubaah naashaha dowlad caadil ah ayaan waxaan ku faraxsanahay inaan maqlo dhawaqa ka soo guuxaya dalkeyga Soomaaliyeed. waxaad moodaa in ciidayda Soomaaliyeed ay ii yeerayso. weli ishayda maanan saarin dowlad soomaaliyeed oo shaqaynaysa laakiin waxaan inbadan ku lugeeyay ama aan BL aan ukala raacay wadooyinka Muqdisho, wallee intaa ayaa igu filan waxa ay dowlad ii qaban karto.
Aabahay, Illaah ha xafidee oo ah nin da ah ayaa waxaan ka maqli jiray, “Soomaaliya oo dowlad ka dhalato waa habeenkii xalay ahaa oo tagay.” laakiin hadda sidda ii muuqata waxaan oran karaa, “Aabe waxaad moogtahay in Allaah, eebe wayne ay taladiisu tahay mid aanan cidna hor istaagi karin.”
Dhaaman asxaabta, Akhristayaasha, Boga maamulkiisa iyo adiga Maxamad Xaaji waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka. Aslm. Waxaad rajo galiseen dhalin rajo dhigtay. waxaana idin xasuusinayaa khalinku waa sharafee kuqabta gacanta midig.
Asc dhamaanrin mansha maxamed xaaji aad ayd u mhdsnthy faalda qimaha bdn muqdsha aniga wn ku barbaray wna ku waxbrty hada qurbha ayan joogaa ifiiflha nabaded ee ka muuqanaya muqdisho waa mid aad noo farx galiye allow umda soomaliywed boogoda burxd ismu mari dad yahoow soomaliyed diriir faa idi maleh ee ee gcmha is qabsada oo dalkiinna wax u qabta dhalinyarooy waa iga drdar dal walba dhalintiisa dhista