Tababaraha Kooxda kubada cagta Liverpool Brendan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahan Andy Carroll uu seegay kulankii ay xalay 1-0 kaga badiyeen Kooxda Hearts waxaana ciyaartaas ay ka tirsaneyd Europa League waxaa sidoo kale tababaruhu sheegay in ay ku dhow yihiin saxiixa ciyaaryahan Nuri Sahin.
Sahin ayaa lafilayaa in saacadaha soo aadan uu dhamaystiro heshiis xili ciyaareed amaah ah uu ugu biirayo Liverpool jimcaha maanta ah kadib markii ay kooxdu ciyaaryahankan ka dulqaaday naadiga Arsenal, waxaana 23 jirkaan qaranka Turky uu real kasoo aadi doonaa dalka Ingiriiska
Runti waxan ahay tageero koxda cagta e liverpool wana ku faraxsanahay in u imado nuri sahin liverpool runti ciyariyahana ad u wanagsan wuna na anfici dona insha’alahu
Inkastoo an taageero manutd waxa iga fikrad ah in hormarka liverpool uu ku xiran yahay ineey iska iibiyaan ciyaartooyda dada ween janisna ay siiyaan dayarta hada soo baxeeyso.
waxaan ah taageere reer chelsea ah kooxda liverpool waxaan odhan lahaa dhaqaalaha ayaa reebay waxaana dhici karta inay kaalinta tobnaad kahoseyn donaan sida muuqata