Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Weerar Goordhow lagu qaaday Magaaladda kismaayo iyo xaaladda oo…

Wararka haatan naga soo gaaraya Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in goordhow halkaas ay ka dhaceen duqeyn diyaarad.

Sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka diyaarado dagaal ayaa duqeyn xoogan ka gaystay gudaha Magaaladda.

Labo Gantaal ayaa ku dhacay gudaha Magaaladda, waxaase jira warar kale oo sheegaya in diyaarado aysan wax duqeyn ee maraakiibta dagaal ee xeebaha kusugan ay duqeynta gaysteen.

Lama Oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas lagu qaaday Magaaladda Kismaayo.

Xaalada ayaa kacsan waxaana dadka deegaanka ay dareemyaan cabsi xoogan oo ku wajahan in waxyeelo ay kasoo gaarto weerarkaas.

Xalay ayay ahayd Markii ay Al-Shabaab Madaafiic ku weerareen diyaarado kormarayay magaalada.

5 Ruux ayaa geeriyootay kuwa kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib markii labo habeen kahor ay Maraakiib dagaal duqeeyeen Magaaladda.

Faah Faahin dib kala soco Warqaad.com Insha Allah

24 Responses to Weerar Goordhow lagu qaaday Magaaladda kismaayo iyo xaaladda oo…

  1. Mujahid arab says:

    Duqenta kismayo xal waxa u ah shabab o kabxdo magalada

  2. ahmed sandheere says:

    alllahayow muslimiinta sooman u gargaar adigaa caadil ahe Allahayow muslimiinta adigaa u maqan adiga ayeey dartaa u soomanyahiin malintii habeenkiina u taaganyahiin allahayow sida aad u halaagtay kuwii diyaaradihii duulaanka ku soo ahaa oo kale uga gargaar dulmigaan lagu muslimiinta uga gar gaar Allahayow gaalo ayaa isu soo bahesatay waxa lagu heystaa maxaad sharciga Allah u qaadateen. Waxaa lagu heystaa maxaad dadka salaada u farteen. Waxaa lagu heystaa maxaad ku diideen shaneemoyinka, fuxshiga iyo xijaab la’aanta ee rabiyow u gargaar adigaa caadil ahe, muslim ducada badiya waxa la duqeynaayaa waa masaakiin sooman oo dagaalo iyo colaado la hareen waxa duqeynaaya waa gaal Allah ka furtay oo doonaaya in muslimiinta baaba’do walaalyaal u duceeya hooyooyinka,saqiirada iyo waayeelada lagu xasuuqaaya kismaayo

  3. Saadaq yare says:

    Warqaaday benta waa xaaraan xaalada kismaayo way degan tahay cabsida alle waxaan ka aheyn ma jiraan dadka muslimiinta ku nool waxay diyaar u yihiin inay iska difaacaan cadowga horarka ah qabshada kismaayo waxaa ka horayso gaalo badan inay baqtiyaan marka gaalada way ku guuldaraystay isku daygoodana waa uu fashilmay maanta waxay marayaan bada inay wax ka tuuraan ka dib ay cararaan insha alaah tani waxay noqoni doontaa cashir lama ilowaan

  4. Wilka sanadka says:

    Wax laduqeye malaha ben badana idinka dhibka lajecel umada musliminta ah e saa iminta ah mrka alah kabaqa waxad qoreysaana hubiya

  5. Xasan says:

    Amiin amiin amiin ilahow u gargaar alaha ka aqbala akhi ducada ilahow u gargaar oo guul iyo nasri sii allaahow kufaarta qooqday halaag ku rid ilaahow muslimiinta la laciifsaday u gargaar ilaahow xalad walba adaa ku mahadsan ilaahow xaladwalba ada ku mahadsan

  6. Young~red~snake says:

    Ahmed sandhera AAMIIN AAMIIN CADOWGA ILLAHAYOW JBI

  7. Abdulahi hussein hassan says:

    Alshabab magalada iyo dalka haisaga baxdo si dadka ubadbaado..iyagana hakubiireeno dowlada

  8. Keyna did says:

    Warqaad waxa aad nosoo tabisaan mawa xan okalaa anigu hada waxan jogaa kismaayo gaar ahaan calanley manajirto wax duqeyn ah oo saki naqabstay marka shacabka somaliyed xaqaa iqa ugu waramo

  9. galmudug says:

    Hilaahow waan soomanahay ee ku asiib ina godane iyo ina shongole cali dheere iyo saxibadood al qaacido

  10. Suufi says:

    Amiin walal alaha ka ajar siyo sida dacada ad ugu tahay diintada dadkada iyo wadankada insha allah galo way jabi iyo kuwa lajiraba

  11. Gurey says:

    Musliminta waxay ku badbaadayan kali in ay Alshawab magalada kapaxdo hadi kale dadka ayaga dhibka ukeneya

  12. Farxan muhajir says:

    Allah haugargaaro musliminta khaas ahaan kuwa soomalia syria and njeria

  13. Husenabdiahmad10@hotmail.com says:

    Alshabab kismayohaka baxan wayo ha ayaga aya ukenaayo dhibka shacabka

  14. Farhaan-dx says:

    Ninkii dhoof ku yimid bey geyridu dhibeysaa waayo alshabaab xaq ayey ku taagan yihiin illaahow ugurmo

  15. Halima abdi hilowle says:

    Allahayow cadawaga nooga bixi wadanka oo shabab dufaan u diri

  16. AHMED HASSAN(axmediniyo) says:

    Allaha ka qabto musliminta sooman dhimashada dadka rayidka ah waxa u sabab ah kooxaha dagalamayo walalayal u naxarriista dadka maatada ah oo ku nool magalada somali gaal uma naxariisanayo allah ka qabto gaalada daka amiin amiin!

  17. Ramaan kariin says:

    Ilaahay hakaqabto wixii muslimiinta iyo masaakiinta dhibaya dad ayaa u arka iney alshabab dhib kabadan jirin su aal hadaan kuweydiiyo axmed sandheere ma iishegi karta sabta ay isu furanyihin bu aale iyo baydhabo bay iyo xamar ee ay ukala xiranyihiin kismanyo iyo afmadow

  18. C/raxman cumer gare says:

    Weey jabeenee jabiya jiibta amison ku rida shabaab dadka dhaha warabaha wa xalal ileen duurka ayad usocutan ee sii baneysta halibka dunfarka tan kali shacabka ka dhex baxa durka hora ugala dad hore ayad uleysen inta danbeyso ha salfani na hdii falin kiina dhamaday wsc

  19. Walalka says:

    Allow gaalo iyo mushrikiintooda naga qabo oo gacmaha mujaahiddinta ku cadaab ilaaho jb kenya ilaho jb amisom ilahow jb itopi ilaahow jb murtdiinta iw l NACLATULLHI kenya NACLATLLAHI amisom NC itop

  20. Ahmed farah geesey says:

    Madaxda alShabab hadii ay qabiilnimo ku jirin waxey ku dagaalami lahaayeen baled weyne afgooye iyo baydhabo alshababow shacabka kismaayo iyaga ma ka naxeysaan miyaa lakin qayaano danbe shacabka ma ku dagaysaan insha allah sheekadiina way dhamaatay

  21. Wise man says:

    Dhibko idil o dadweynaha ku dhaco waxa ugeyste Alshwb, wayo Alshwb ayaga aya dadka kumamulayo heel dinka bax ah, maxay maskima uqal qalayaan, xolahoda udhacayan.
    Dhbko idil wa Alshwb e Dalka haka baxan waqtigoda horay aye u qasariyene

  22. Dr plumpy says:

    Alahu akbar alahu akbar alahu akbar ilaho muslimiin gacantoda kor kadhig

  23. Abdinho13 says:

    Nacalada alle hakudhacdo midka culumada islaamka ladonayo dhimashada

  24. Um Yasir says:

    Ilaahey dadka maatada ha badbaadiyo…kuwa dagaalamaayana waxaan ku dhihi lahaa ka baxa magaalada ee iku dagaala meel fagaara ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII