Maxamed Macallin Ibraahim Guddoomiye kuxigeenka magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo isagoo lahadlaayay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu kawarbixiyay xaalada amaan ee magaalada beydhabo waxaana uu sheegay in amaanka Magaalada Beydhabo uu haatan yahay mid amaan ah oo wanaagsan sida uu sheegay uuna yahay amaanka hada sidii loogu tala galay taasna uu sheegay in ey suurta galiyeen ciidamada amaanka qeybahooda kalawaduwan sida Booliska,Malatariga iyo kuwakale oo gaar ah sida uu sheegay.
Waxaana uu intaa raaciyay hadalkiisa inta badan Magaalda Baydhabo amaankeeda ey ciidamada Dowladaa sibuuxda usugayaan oo ey gacanta ku haayan.
Dhanka kale Maxamed Macallin Ibraahim Guddoomiye kuxigeenka magaalda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu soodhaweeyay digreetadii dhawaan kasoobaxday Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Shariif shiiq axmed taas oo uu dagmooyin ugu magacaabay labo tuulo oo kakala tirsan gobolka Baay iyo Bakool.
Waxaana uu tilmaamay in ey soodhaweynayaan oo eyna ku faraxsan yihiin eyna Shacabka kafaa iideeysan doonaan Dagmooyinka uu Madaxweynaha magacaabay oo ayna kadhigi doonaan qaab dagmo ayna ahaayeen sida uu sheegay kuwo mudan in loo magacaabo Dagmooyin.
Dhawaan aye aheed markii Madaxweynaha Dowlada soomaaliya Shariif Shiiq Axmed uu dag mooyin u magacaabay labo tulo oo kakala tirsan Gobolka Baay iyo sidoo kale Gobolka Bakool in kastoo qaar kamid ah Golaha wasiirada iyo Ra,isal wasaaraha Xukumada KMG ee Soomaaliya ey kasoo horjeesteen magacaabidaas uu tuulooyinka ugu magacaabay Dagmooyinkaani.
aniga waanku faraxsanahay degmooyinkaasi
dadka qurbaha jogo waxan u sheegaya in xamar cidamo xoga dalka la yirahdo an jirin o ay yihin dhalinyaro maleshiyad ah o drad barqanimo ku dilay mid ka mid ah shaqaalaha is garsinta hormuud meydkana bartay wixi u watayna kala bxy xamr waxa cidan ka ah amisom kuwa la yirahdo o ka kobn uganda iyo burundi o ad u hubysan dawladana wAxa u sareya mahiga
Asc waxan salamaya umada somaliyed o dhan waxan so dhoweynaya hadalka gomi ku xigenga gowalka baay tas o ah in u gadomiya u so dhoweyay degmoyin loga magacaway baay iyo bakol